Nuur Cadde oo Ka Dagay Djibouti

 

Raisalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen iyo wafdi u hogaamiyano oo ka kooban qaar ka tirsan golahiisa wasiiradda cusub ee dhawaan la dhaariyey ayaa ka dagay Jamhuuriyadda Djibouti.

Nuur Cadde iyo wafdigiisa oo ka soo duulay magaalada Baydhaba wuxuu qadar yar oo kooban ku soo hakaday Magaalada Muqdisho halkaasoo kula kulmay xubno ay ka mid yihiin wasiirada dowlada KMG ee Muqdisho horay ugu sugnaa, saraakiisha ciidanka Bileyska, iyo Bulshada Rayidka. Nuur Cadde oo saxaafada kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimahda dibuheshiineed, wuxuuna halkaasi ammaan uga soo jeediyey Sh. Shariif iyo howlaha nabadeed ee uu ka wado Muqdisho.

Raisal-wasaaraha Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inta uu joogo Djibouti inuu hore u sii wado wadahadaladii heshiiskii dibuheshiisiinta ee Djibouti ka socday.

Hlakan ka Dhageyso Warbixinta Weriyaha Muqdisho Xassan Kaafi uu ka soo diray hadalka uu Nuur ka jeediyey Garoonka Aden Cadde Muqdisho.
 

 


source:VOA