Nuxurka Go'aamo Iyo Qodobo Laga Soo-saaray Shirkii Aqoon-yahanka Gabiley Uga Socday Arabsiyo
 

 

 


Shirkii Aqoon-yahanka Gobolka Gabileya uga socday Hotel Dalxiis Degmadda Arabsiyo ayaa......


Arabsiyo (TNN) - Shirkii Aqoon-yahanka Gobolka Gabileya uga socday Hotel Dalxiis Degmadda Arabsiyo ayaa laga soo saaray qodobo ka kooban sidii loo horumarin-lahaa deegaanadda Gobolka Gabiley.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Aqoon-yahanka Gobolka Gabiley ayaa u dhignaa sidan:-

"Shir-sanadeedka Aqoonyahanka ee Horumarinta Gobolka Gabiley ayaa lagu qabtay Arabsiyo Sabti, 17kii November 2012. Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd dardargelinta horumarka Gobolka w uxu ahaa kii kowaad ee noociisa ah wuxuna abaabulkiisu labadii bilood ee u dambeeyey ka socd ay degmooyinka Gobolka iyo magaalada Hargeysa. Waxa ka soo qaybgalay 100 ergey oo isugu jiray aqoonyahan, culima-udiin, maamulka Gobolka, Jaamacadda Timacadde, ururada bulshada iyo jaaliyadaha qurba-joogta. Intii uu shirku socday waxa lagu soo bandhigay warbixino dhinac yo badan ah waxana lagu lafo-guray baahiyaadka guud ahaan Gobolka ka jira, gaar ahaan kuw a la xidhiidha beeraha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhaqaalaha. Gebagabadii shirka waxa laga soo saaray baaqan 8 qodob ka kooban oo la soo jeediyey in la hirgeliyo 2013ka.



1. In si dhammeystiran loo hawlgaliyo hay'adaha dawliga ah ee Gobolka sida xafiisyada isu-du wayaasha wasaaradaha iyo hay'adaha kale ee qaranka si Gobolku fursad ugu helo ka-qaybgalka khayraadka dalka, mashaariicda horumarineed ee xukuumiga ah iyo kuwa bulshada caalmkaba.

2. In dib-u-eegid iyo dardargelin lagu sameeyo Guddida Horumarinta Gobolka oo udub-dhexaad u ah isku-duba-ridka hawlaha horumarinta ee Gobolka.

3. Gobolka Gabiley oo caan ku ah wax-soo-saarka waxay aragtidiisa fogi tahay soo-saarista cunto ku filnaan karta dalka oo dhan. Sidaas daraadeed waxa loo baahan yahay in la sameeyo siyaasad iyo qorshe-hawleed lagu horumarinayo beeraha dhinacayada farsamada, kaabayashaa iyo suuqgeyntaba si looga hortago dhibaato ka soo gaadha tartanka adag ee ka dhaxeeya wax-soo-saarka laga keeno wadamada shisheeye.

4.Gobolka oo kaalin weyn kaga jira soo-saarista dakhliga dalka waa in wixii uu sharcigu ogolyahay oo dhammeystiran dib loogu celiyo, isla markaana la hubiyo in dhaqaalahaasi ku baxo mashaariic horumarineed.

5.In la dhiso wadada isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale oo ka kooban 18km isla markaana dib loo furo madaarka Kalabaydh.

6.In biyogelinta la gaadhsiiyo degmooyinka Allaybaday, Arabsiyo iyo Wajaale oo biyo-yaraani ka jirto.

7.In wax laga qabto baylaho saameeyey waxbarashada degmooyinka Gobolka, gaar ahaan fasallada dugsiyada oo buuxdhaafay una baahan in la kordhiyo ugu yaraan 20% iyo Jaamacadda Timacadde oo u baahan in la dardargeliyo dhismaheeda, la kordhiyo tirada macalimiinta, la yagleelo gole sare oo rasmi ah kuwaas oo ka taageeri kara qaadhaan-uririnta iyo khayraad-raadinta.

8.In Gobolka laga hirgeliyo nidaam caafimaad, la kordhiyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka sida MCH-yada iyo Health Posts-ka, loona hawlgalo sidii Gobolka looga qaybgelin lahaa mashaariicda caafimaadka ee dawliga ah iyo kuwa hay?adaha caalamiga ah.

Qodobadan hirgelintooda waxa looga fadhiyaa in ay iska kaashadaan cid kasta oo daneeye u ah arrimaha horumarinta.


Yuusuf Cismaan Garas

Afhayeenka Shirka Aqoonyahanka ee Horumarinta Gobolka Gabiley