Nuxurka Kulan Ankara Ku Dhex Maray Guddoomiyaha UCID iyo Ninka Labaad Ee Ugu Sareeya AK Party
 

 


Ankara (TNN):-Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabi oo uu weheliyo Siciid Cumer Axmed oo ka tirsan gudida fulinta ee xisbigaas oo socdaal shaqo ku joogay dalka turkiga ayaa kulan kula qaatay madaxda sare ee xisbiga talada dalka haya ee AK Party, xarunta ay ku leeyihiin magaalada Ankara ee cariga Turkiga.


ninka labaad ee ugu sareeya xisbigaasi Mr.Mustafa Kabakci ayay ka wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn toos ah, islamarkaana uu xisbiga AK uga caawin lahaa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Somaliland xaga tobabarada gaar ahaan kobcinta doorka siyaasadeed ee dhalinyarada iyo habeenka, waxaana halkaasi lagu gudoonsiiyay masuuliyiinta xisbiga Ucid hadyad gaar
ah halkaasi oo loogu balan qaaday in tobabaro toos ah lasiin doono dhalinyarada iyo haweenka ka tirsan xisbiga Ucid.


Waxa kale oo ay kulan gaar ah la qaateen gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga AK Part Mr.Zafer Cubukcu, halkaasi oo uu ku wargaliyay intirada dhalinyarada ka diwaan gashan xisbigaasi ay kor u dhaaftay 3 milyan, iyaga oo sidoo kale kulan fool ka fool ah ay wadaageen gudida arimaha dibedda ee xisbigaasi.


Mr.Tuba Nur Sonmer gudomiyaha gudida arimaha dibedda waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqda waxbarasho ee la siiyo Somaliland oo u muuqata mid looga xagliyay Somalia.
Madaxweynaha Shirkada ASE (Asia Africa Sky Express) oo ka mid ah shirkada Ganacsiga ee dalka Turkiga Mr. Sermet Certin ayay ku marti qaadeen Somaliland si uu u soo indha indhayo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Somaliland.
 

 


S.Maazim Axmed Cawaale
Ankara/Turkey