NUXURKA SHIRKA HORUMARINTA GOBOLKA GABILEY- NOV 2014

 



HORDHAC


Waxaa ka dhacay 27-29-kii 2014 magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley Shirka Qorshaha Horumarinta Gobolka Gabiley (SQHGG), kaasi oo lagu falanqeynayey qorshaha shanta sannadood ee horumarinta gobolka Gabiley, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen: Badhasaaka gobolka ,Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka,Isku-duwayaasha hay’addaha dowliga ah,Hogaanka dhaqanka,Haweenka, Dhalinyarada,Aqoonyahanadda ,Ganacsatada ,Beeralayd iyo Maclimiinta.
Shirka waxaa si wada jir ah u soo qaban-qaabiyey badhaasaabka iyo aqoonyahanka gobolka Gabiley, waxaana marti galiyey degmada Gabiley oo hormood ka yahay maayarka Gabiley. Shirkani wuxuu daba socday shirweynihii horumarinta gobolka Gabiley ee ka qabsoomay magaalada Arabsiyo dabayaaqadii sanaddii 2012-ka oo ay ka soo bexeen go’aamo wax-ku-ool ahaa. Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qodobadii ka soo baxay shirkii saddexda maalmood socday ee qorsha horumarinta gobolka Gabiley, kuwaasi oo nuxurkoodu yahay sidan ku lifaaqan hordhac
SHIRKU MARKUU ARKAY/TIXGALIYEY/AQOONSDAY/ KA BOGTAY/KA GARAABAY;
• Baahida weyn ee loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo qorshihii horumarinta gobolka Gabiley ee ay hore u soo saartay wasaarada qorshaynta qaranku.
• Fursadaha horumarineed ee gobolka ka jira wakhti xaadirkan.
• Baaxada dhaqaale, wax soosaar, aqoonta kala duduwan ee bulshada reer Gabiley sida; dhakhtarnimada, macalinimada, hal-abuurka ganacsiga, kartiyaha iyo xirfadaha kale.
• Kaalinta laxaadka leh ee qurba-joogta gobolku ku leeyihiin horumarintiisa.
• Mugga siyaasadeed iyo istaraatijiyadeed ee gobolku leeyahay.
• Himilada qaranka JSL ee 2030-ka, qorshaha shanta sanno ee qaranka iyo qodobadii sideeda ahaa ee kasoo baxay shirkii hore ee Arabsiyo.
• Baaqa badhasaabka gobolka ee ajandaha horumarinta iyo niyadsamida bulsho waynta gobolka, wuxuu isla qaatay
• Siday bulshadu ugu heelan tahay inay wax wada qabsato
• Isbedelada siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsho, wuxuu go,aamiyay qodobadan:
ARRIMAHA BULSHADDA
1) Shirku wuxuu ku talinyaa in aqoonyahanadda gobolka Gabiley in ay ugu tabarucaan aqoontooda iyo wakhtigooda kale duwan
2) In dadwaynaha gobolku ay diiwaangelinta madaniga u soo baxaan kuna baraarugaan muhiimada ay leedahay hawshani. Dhinaca kale waxaa muuqata in waqtiga iyo goobaha diiwaangelinta midkood la kordhiyo.
QODOBADDA DHAQAALAHA
3) Shirku wuxuu ku diirsaday soona dhaweeyay go’aanka ay isla qaateen haayada xidhiidhka iyo isuduwida cuntada ee dawlada Somaliland (FCA), Maamulka gobolka Gabiley iyo WFP. Go’aankaasi oo ahaa in haayada WFP ka iibsato cuntada ay soo saaraan guud ahaan beeralayda dalka gaar ahaan beeralayda gobolka Gabiley.
4) Shirku wuxuu soo jeedinayaa sidoo kalana dhiirigalinayaa in beeralaydu dhinacooda ka fikiraan iskana kaashadaan iyagoo la kaashanaya dawlada sidii ay fursadaha uga faa’idaysan lahayeen una kordhin lahayeen wax soo saarkooda.
5) Shirku wuxuu ugu baaqayaa golaha degaanka degmada Gabiley in miisaaniyadooda ay uga qoondeeyaan: (b) Sanduuqa Horumarinta Gobolka 5% Miisaaniyadooda(t) Degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ay taageero farsamo iyo maaliyadeed (j) Dhalinyaradda iyo Ciyaarahana miisaanyaddu ay si cad wax-u-qoondeyso mudnaana siiso.
6) Shirku wuxuu ugu baaqayaa ganacsatada Somaliland gaar ahaan ganacsatada gobolka Gabiley inay maalgashadaan gobolka Gabiley; gaar ahaan dhinacyada wax-soosaarka beeraha, warshadaha yar-yar ee farsameeya dalaga beeraha, dalxiisa iyo huteelada
QODOBADDA MAAMULKA IYO SIYAASADDA
7) In talooyinka shirkan kasoo baxay lagu kabo, daro, qorshihii horumarinta gobolka Gabiley ee wasaarada qorshayntu gobolka u samaysay si uu qorshahaasi u noqdo mid ay talo ku leeyihiin bulshada G. Gabiley isla markaana ka jawaabo baahiyaha dhabta ah ee gobolka.
8) Samaynta gudida horumarinta gobolka oo qaab-dhismeedkeedu ka duulayo mabda’a iskaashiga dadka iyo dawlada, horumar bulshada hogaaminayso kuna salaysan wada tashi loo dhan yahay.
9) Waa in Guddida horumarinta loo soo magacaabo si waafaqsan shuruucda dalka iyo nidaam ku salaysan maamul-wanaag iyo is la xisaabtan.
10) In gobolka Gabiley oo magacawnaa muddo lix sanno ah, kadib markuu magacaabay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana buuxiyay dhamaan shuruudaha sharci ee gobolnimo, in xukuumada uu hogaaminayo Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siilaanyo) laga codsado inuu sida ugu dhakhsaha badan sharciyada gobolka Gabiley u horgeeyo baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland, taasoo qabyo-tiri doonta gobolnimada.
11) Shirku wuxuu ku talinayaa in sanduuqa horumarinta gobolka oo hore loogu go’aamiyey shirweynihii Arabsiyo ee dabaqyaaqadii sannaddii 2012-ka; laguna dhawaaqay badhtamihii 2014-ka degmada Gabiley; maamulkiisana lagu lammaaneeyo masuuliyadaha gudida horumarina gobolka.
12) In golaha deegaanka Gabiley meel uga soo wadajeestaan masuuliyadaha loo igmaday. Waxaa kale oo shirku ugu baaqayaa in goluhu dadwaynaha ka qaybgaliyo hawlaha qorshaynta horumarka guud ahaan dejinta iyo helista miisaaniyada.
13) Shirku Wuxuu Soo jeedinayaa in Laga Qayb-qaato Dhismaha Wadada Allaybaday, Garoonka Diyaaradaha ee Kalabaydh.

LIFAAQA 1AAD: QAAB-DHISMEEDKA GUDDIDA HORUMARINTA GOBOLKA GABILEY (GHGG)
LIFAAQA 2AAD: MAGACYADDA XUBNAHA QABAN-QAABADDA EE AQOONYAHANKA
LIFAAQA 2AAD: MAGACYADDA MASUULIYIINTA DHINACA DAWLADDA JSL/MADAXDHAQAMEEDKA
LIFAAQA 3AAD: QODDOBADA SHIR-WAYNIHII 2012 EE HORUMARKA GOBOLKA GABILEY (ARABSIYO I)
LIFAAQA 4AAD: MASHAARIICDA



LIFAAQA 1AAD: QAAB-DHISMEEDKA GUDDIDA HORUMARINTA GOBOLKA GABILEY (GHGG)




LIFAAQA 2AAD: MAGACYADDA XUBNAHA QABAN-QAABADDA EE AQOONYAHANKA

1. Ahmed Sh. Nour Dualeh (Ahmed Biito)
2. Hamse Abdirahman Khaireh
3. Siciid Saleebaan Muumin
4. Ahmed Mohamed Ahmed
5. Maxamed Xaashi Meecaad
6. C/fataax Axmed Ibraahim
7. Xuseen Maxamuud Maygaag
8. Sacad Maxamuud Jibriir
9. Muumin Daahir Kaahin
10. Maxamed Aadan Buuni
11. Sacad Riiraash
12. Dr. Jimcaale Daahir Cumar
13. Suhail Ibraahim Madar
14. C/naasir C/laahi Aw Cali


LIFAAQA 2AAD: MAGACYADDA MASUULIYIINTA DHINACA DAWLADDA JSL/MADAXDHAQAMEEDKA

1. Mustafe Abdi Ciise (Shiine), Badhasaabka Gobolka Gabiley
2. Shucayb Maxamed Muuse, Maayarka Degmada Gabiley
3. C/raxman Nuur Abokor, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley
4. Siciid Saleebaan Muumin
5. Shaafici
6. C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe
7. C/qani Nuux Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Dawlada Hoose ee Gabiley

LIFAAQA 3AAD: QODDOBADA SHIR-WAYNIHII 2012 EE HORUMARKA GOBOLKA GABILEY (ARABSIYO I)


LIFAAQA 4AAD: Mashaariicda

5-ta Mashruuc Ee Ugu Muhiimsan Kuna Jira Qorshaha Horumarinta Gabiley

Mashruuca 1aad (Governance Pillar/Decentralisation)




Magaca Mashruuca

Mashruuca Dhamaystirka Sharciyadda Gobolka Gabiley

Faahfaahinta Mashruuca

Tani iyo markii madaxwaynihii hore ee JSL mudane Daahir Riyaale gobolnimada u magaacabay Gabiley wax tallaabo ah oo looma qaadin dhinaca dhamaystirka sharciyadiisa. Iyaddoo laga duulayo xaqiiqada ah in gobolku buuxiyay dhamaan shuruudihii gobolnimo, ballanqaadkii Madaxwayne Axmed Siilaanyo u sameeyay xilligii tartanka ololaha, iyo fursadaha siyaasadeed ee waqti xaadirkan jira sida xeerka caasimada ee golaha baarlmaanka horyaala, iyo guud ahaan jawiga siyaasaaded ee waqtiga xaadirkan ka jirta guud ahaan dalka gaar ahaana gobolka waa in baarlaamaanka la hor geeyaa lana dhamaystiraa sharciyadiisa sida ugu dhakhsaha badan.

Muddada Mashruca

3 Bilood (December ilaa March 2014)

Faiidada Mashruuca

Isu-duwayaal gobolku yeesho; Awooodo maamul iyo maaliyadeed u soo kordha gobolka; degmooyinkakale ee goboladda ee maamul daadejintu gaadho isla markaana yeesha goleyaal degaan; iwm.
Qiyaasta Kharashka Mashruuc
Kharashyo maaliyadeed uma baahna. Waxaa loo baahan yahay in la oofiyo ballan-qaadkii Gobolka loo sameeyay xilligii doorashada.


………………………………………………………………………………………………………………………………………………


Mashruuca 2aad (Social/Education)



Magaca Mashruuca

Mashruuca Dugsiga Tababarka Farsmada Gacanta Ee Arabsiyo

Faahfaahinta Mashruuca

Gobolka Gabiley oo ka mid ah goboladda Soomaalilaan kuwa ugu dadka badan waxaa ku nool in ka badan 200,000 oo qof kuwaas in ka badan 60% ay da’adooda ka hoosayso 30 Jir taas oo hadaan la jihayn dhibaato nabadgelyo oo aan laga waaqsan Karin keeni kari. Hadeertaan waxaa guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan degmadda ka jira rabshado dhalinyaro oo ku salaysan kooxo kubadeed, xaafadeed iyo is-bahaysiyo kale waxaa kuwaas u dambeeyay mudaharaadkii u dambeeyay ee degmada ka dhacay kuna dhawaacmeen in ka badan 13 qof. Mashruucani dugsiga farsamada gacanta ee Arabsiyo ayaa wuxuu mustaqabalka ogolanaayaa ina ardayga aan waxbarashadda dugsi sii wadan kari ay yeesheen xirfado ay ku-shaqaystaan kuna anfacaan noloshooda iyo ta qoysaskooda. Sida ay sheegayaan masuuliyiinta waxbarashada gobolku waxaa dugsiyada hoose/dhexe/sare ku jira in ka badan 20,000 arday kuwaas oo haddii aan guntan xirfadayntood iyo shaqo abuuristeeda mustaqbalkeedu mugdi gali doono.

Muddada Mashruca

1 Sano gudaheedada

Faiidada Mashruuca
Dhallinyaradda Gobolka Gabiley oo xirfada yeelata isla markaana fursadahooda shaqo-helistu kordhaan; qoysaska badan oo noloshooda wax-iska-bedelaan; rabshadaha dhallinyarada oo hoos u dhaca iyo nabadgelyadda oo adkaata.
Qiyaasta Kharashka Mashruuc
$500,000








Mashruuca 3aad (Ec. Dev/Agri)



Magaca Mashruuca

Mashruuca Banka Tog-Wajaale

Faahfaahinta Mashruuca

Guud ahaan JSL ma laha dhul badan oo carasan ah kuna fiican wax-soo saarka beeraha. Sida ay sheegayaan daraasadaha ay la sameeyay wax ka yar 10% dhulka ku jira xuduudaha Soomaalilaan ayaa wax laga beeri karaa lagana soo saari karo cunto ay quutaan dadka JSL ku dhaqani. Waxaa wax xusid mudan in xataa dhulkaa aadka u yar misana aan laga faaiidaysan waana sababta 23 kadib iyaddoo siyaasad ahaan xor ah, aanay wali uga xoroobin cuntooyin deeqo ah iyo kuwa la soo dejiyo. Haddaba Gobolka Gabiley oo 90% dhulka wax laga beeri karaa ku yaal waa mustabalka cunto iyo nololeed ee guud ee reer Soomaalilaan. Gobolka imika wax-soo-saarkiisu aad buu u hooseeyaa marka la barbardhigo xiliyadda dawladii Siyaad Barre iyo mugga wax-soo-saar ee uu yeelan karo gobolku. Taas waxaa sabab ah u arrimo badan balse ay ugu muhiimsan tahay kaalintii siyaasadaha dawladnimo oo gaabis ah iyo dhulkan banka Tog-wajaale oo bedkiisu dhan yahay in ka badan 5,000 hektar oo haba-yaraatee aan laga faa’iidaysan. Mashruucani wuxuu si wax-ku-ool ah u hawl-gelinayaa khayradka intaas le’eeg ee tan iyo intii JSL xorriyadeed la soo noqotay xanibnaa.
Muddada Mashruca

1 Sano gudaheedada

Faiidada Mashruuca
Wax-soo-saarka gobolka oo kordha; cuntadda dibadada inooga timaad iyo ta deeqda ah oo hoos u dhacda isla markaana dalku ka ka gam’o halista bad-xidhan dhaca ama hay’adaha oo dalka ka guura; Somaalilaan oo amnigooda cunto sugmo; in ka badan 1000 shaqo oo mashruucaasi u abuuro Gobolka iwm.

Qiyaasta Kharashka Mashruuc
$800,000




Mashruuca 4aad (Social Pillar/Youth)


Magaca Mashruuca

Mashruuca Mutadawiciinta & Shaqo-Qaranta Gobolka (Regional Internship and National Service Programme)

Faahfaahinta Mashruuca
Gobolku wuxuu leeyahay khayraad kala duwan oo ay ka mid dad fara badan oo aqoo kala duwan leh sida dhakhtarnimada, macalinimadda, Injineerada, dhaqaaleyahano, iyo khibradlayaal kale. Sida kale gobolka waxaa jooga dhalinyaro faradan oo xooga isla markaan aqoontii jamacadeed iyo dugsiyo ba dhamaystay isla markaana wax-shaqo ah aan ahayn balse u diyaar inay gobolkooda u huraan muruqooda iyo maskaxdooda sidii ay dadkooda wax ula qaban lahaayeen. Mashruucan wuxuu ka faa’iidaynaynaa khayraadkaas noocaas ee ilaahay (SWT) si gaar u manaystay degaankan. Si dhabta ah arrintani waxay ahayd in berry hore ay dhacdo balse si ficil ah loogama fikirn waan taa hawsha mashruucani halka ay daaran tahay.

Muddada Mashruca

4 Sano (marka dambe wuxuu noqon doonaa mid waara oo joogta)

Faiidada Mashruuca
In si toggan looga faa’iideeyo maskaxaahaas iyo muruqaas ku duugan dadka ka soo jeeda gobolka ee u diyaarka inay dalkooda wax taraan; mashruuca wuxuu Gabiley ka dhigayaa Gobol isku-duuban dantiisa iyo ta qaranka meel uga soo wada-jeedo; waxay dhalinyaraddu ka helaysaa khibrad iyo waayo-aragnimo ka caawisa shaqo-helista; waxaa hoos u dhacay rabshadaha, isticmaalka balwadaha iyo camal la’aabta

Qiyaasta Kharashka Mashruuc
$500,000





Mashruuca 5aad (Social Pillar)



Magaca Mashruuca

Mashruuca Caafimaadka Ee Gobolka

Faahfaahinta Mashruuca

Mashruucani wuxuu gobolka ka hirgeliyaa dhismayaal kala ah : 2 Xarumood oo Hooyadda & Dhallaanka ah (MCH) & Dhamaystirka Dhismaha Dhakhtar Dhimirka; Hagaajinta Adeegyadda caafimaadka ee cisbitaalka guud ee degmadda Gabiley; Tababaro Shaqaalaha la siiyo; iyo Gudidda Caafimaadka Gobolka oo Laga dhiso.

Muddada Mashruca

6 Bilood

Faiidada Mashruuca
Adeegyada caafimaadka gobolka oo hagaaga; dhakhtar Gabiley oo hela waadh cusub oo aad loogubaahi qabo imika; shaqaalaha oo tayada iyo adeegoodu wacnaado iwm

Qiyaasta Kharashka Mashruuc
$300,000