Odayaal dhaqameedka Gabiley oo in caantayn hadlay
The regional tribal political groups spoke as they were paid
Wixi la ley, ilayn waxeedii ma deyso. Ceeb ma ah waa caadadeedii.
Waa caana yar oo xileh oo xaaraan ah, oo Kalabaydhka lala taagan
yahay. Xaajo ma ah ugub ah in odayaal dhaqamee dka Gebiley ay hadlaan
in caantayn oo Buule dalacsiiyaan, iyaga oo aan afti ka haysan dadwe
ynaha Gobolka oo dhan.
Xaasha, Xaashaa kala caantaynku Gebiley kuma koobna. Waxaa la
wadaaga dhammaan oday aal dhaqameedka gobolada oo dhan iyo inta
magaca beelaha u adeegsata danahooda gaarka ee manaafacaasata ee
Qaran iyo Qoys midna dan ka lahayn. Kuwaas oo ah (Tribal political
pressure groups} oo la moodayo duul ay tolka wada socdaan oo aan wax
u dahsoonayn. Waa kuwa kala dila dadka is jecel oo isku deegaan iyo
dan ah, sida Togdheer oo kale.
Odayaal dhaqameedka Gebiley ee la soo wadhay warbaahinta maqal iyo
muuqaal iyo ahkrisba, ereyadoodii waxaa ka muuqata in ay ka
hadlayeen jabhad hubaysan oo dibeda kaga soo duu shay guriga
madaxtooyada, kuna haysta M/weynihii la doortay ee Axmed Maxamed
Maxa mud, kursigii.
Yaa salaam, hasayeeshee aakhirka waxaad ogaaneysaa in ay ka
hadlayaan kooxda wada tas higa iyo toosinta qaranka(National
political pressure group) oo dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa.
Kuwaas oo la wada ogyahay in aanay cidna duulaan ku ahayn, laakiin
isku kaashay in ay ereygooda, taladooda ka dhiibtaan hadba waayaha
qaranku marayo amma soo waaja ha, dawlad kasta oo timaada. Golahani
wuu jiraa waana jiri doonaa, siday u jiraan odayaal dh aqamedku iyo
golaha culamaa’udiinku ee dhawaynta lagu martiqaaday Guriga
ma daxtooyada.
Golahan Wada tashiga iyo toosintu wuxuu ku celceliyey in aanay ahayn
xusbi qaran oo hogaa minta dalka u tartamayn, sida odayaal
dhaqameedka iyo culamaa’udiinka oo kale; haddana miidanyo dhega ma
leh, hadduu malag dhawaaqe eh, iyaga oo iska dhega marinaya odayaal
dhaqameedku oo calooshooda la cayaaraya, waxay cuskadeen dacaayado
rakhiis ah iyo ere yo xaalad abuur ah, oo aan damaca iyo dhaqanka
muwaadiniinta midna ahayn.
Odayaal dhaqameedkani warkooda markaad u dhaba gasho waxay dadka ree
Gabiley u qayb iyeen kacaan iyo kacaan diid. Taasina waxay ku
tusaysaa in dawlada hoose ee Gabiley maal gashatay odayaal
dhaqameedka iyaga oo dadweynihii soo doortay iyo adeega, ka door
bid aya kacaamaynta dadweynaha iyo raaligelinta guriga madaxtooyada.
Ma hawl u taalaa? Waxaa laga sugayey in ay daruuraha cika sare, ku
soo leexiyaha beeraha oo ay dalooliyaan circa meel dushooda ah.
Ma hadday bilaabeen sidii buul duqeed in daaha loo rogo oo hantidii
dadweynaha ku baashaa laan kana barakaystaan barjaha odayaal
dhaqameedka. Taa waxaa dhaanta siyaarada Sh. Cali Beyle oo awr,
sange, iyo wanan lagu qalo oo caloosha baahanuhu ducayso, oo
awliyada laga barakaysto lana raaligeliyo inta daallin sharciyeysan
oo la doortay, oo adeeg laga sugay ey, la raaligelin lahaa.
Odayaal dhaqameedkan markaan dhegeystey, waxaan ogaadey in ay yihiin
tuugii damaaciga ah ee reer Hargeysa. Aan kuu faahfaahiyee nin ree
miyi ah, ayaa saylada Hargeysa u soo iib geeyey lax. Tuugaas
daamiciga ah ayaa moodey in ninkan reer miyiga ahi neefkuu wataa,
ya hay wan. Isaga ta ka duulaaya ayuu nin kii ku qabsaday neefkii.
Markaasuu yidhi wankani waa wankaygii, waan ina daylo, sumadiisu wuu
dhag xariiran yahay, wuu galaalan yahay. Ninkii ne efka watey intuu
laxdii badhida ka faydey oo sibiisheedii tusay ayuu ku yidhi: “Waaba
lax baa lagaa yidhi”.
Saxiibayaal Golaha wada tashiga iyo toosintu waaba lax baa lagaa
yidhi ma ah wankan aad ka sheekaynaysaan.
Hamud H.Duale
|