Odayaasha Beesha Reer Xareed oo Shir Jaraa,id Ku Sheegay Inaanay La Shaqaynayn Wasiirka Arimaha Gudaha Kuna Eedeeyay Inuu Isku-Dir Wado.
 

 

 

 


“Habeenkii Seemaal Dilku ka dhacay inankaygu Hooyadii oo Bugta ayuu Hargeysa Keenay aniguna Reerkii Miyiga…”
Daahir Cali Cige (Yabaal).

Hargaysa (TNN):- Salaadiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha Beesha Reer Xareed ee Jibriil Abokor ayaa Shir Jaraa`id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa ku sheegay inaanay la shaqayn doo nin Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur iyagoo eedeyn ba`an u soo jeediyey kuna eedeeyay inuu ka shaqaynaya isku dir uu ka dhex abuurayo labada beelood ee dee gaanada Dila iyo Gabiley.

Salaadiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha Beesha Reer Xareed ee Jibriil Abokor ee Shirka Jaraa`id qab tay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Caaqil Gaydh Cige Geele, Caaqil Nu ur Cilmi Samatar, Caaqil Farxaan Muxumed Taani, Oday Cuma Muxumed Sanyare, Daahir Cali Cige (Yabaal), iyo Cumar Barkhad Bulaale.

Odayaasha ayaa shirkooda jaraa,id ku tilmaamay in wasiir Duur uu ka shaqaynayay sidii uu iskugu diri lahaa labada beelood ee shaqaaqadu ka dhex dhacday, iyagoo halkaasina ku cadeeyay inaa nay kula shaqaynayn iskudirka iyo colaada aan waligeed dhamaanayn ee uu ka dhex wada beelaha deegaanada Dila iyo Gabiley.


Caaqil Gaydh Cige Geele oo ka mid ahaa cuqaasha Beesha reer Xareed ee shirka jaraa,id qabtay is la markaana ka mid ahaa cuqaashii wasiir Duur u xidhxidhay arinta Dilka Seemaal ee mudada bisha iyo dheeraadka u xidhnaa oo eedaymo badan usoo jeediyay Xukuumada iyo Wasiirka Arimaha Gud aha Somaliland, Caaqilku isagoo arimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Sacaadatu wasiir waxa ad tagtay Gabiley, waxaad tidhi waxaan hayaa 9 nin, Dhanka Kala waxaan u hayaa arinka Seemaal 4 nin. Maxaad ujeeday markaad sidaa u macnaynaysay, ma Reeraha ayaad isku gubaysay? ma dan kalaad ka lahayd? ma caqliyanbaanad Arintan xilkasnimadeeda u fahmin? Bulshada waad u Cadda yn doontaa Arintaa iyada ah. Arinkaa dadka waad u caddayn” Waxaa kale oo uu intaasi kusii dar ay.

Caaqil Gaydh Cigge Waxaa Kale oo uu Wasiirka Arimaha Gudaha Ku eedeeyay inaanu Shaqadiisa Ga ranayn oo uu Tuushka Cararay, iyadoo ay ka qaldantay halka uu baadhitaanka ka bilaabay, waxaa nu yidhi isagoo wasiirka la hadlaya “Sacaadatu Wasiir shaqadaadu waxay leedahay muhiimad, darii qad, iyo kalsooni loo mari bani aadamka loo dhex dhacaan si dabka loo bakhtiiyo . Mar reerahaad isku didisay. Marna waxaanad hubin ayaad sheegtay. Tuhmadbaad nagu haysatay Hadaanu bees ha waqooyiga gobolka Gabiley nahay baadhitaankii. Xilkasnimo waxay ka gaadhay hawshaanu ku maqnayn bil iyo labo cisho. Sacaadatu Wasiir Khaladyadaada, Abdoo Khalad Bil Xisaab ayaan leeya hay. Ninkii lacagta xisaabsaday ee ka qaldamay weeyaan. Shaqadaadaasi.”

Dhinaca kale caaqilku waxaa uu sheegay inay meesha fadhiyaan salaadiintoodii, cuqaashoodii, iyo odayaashoodii iyo waliba odayaashoodii oo qaar been laga sheegay oo jajaban ayna ku dhaceen muul dawli ah oo ugu dhacay si farsamo xun oo aan meer meer lahay, isagoo halkaasina ka cadeey ay inay soo sameeyeen baadhitaan cad oo dhamaystiran cidna aanay haynim.

“Waxaan u sheegayaa shanta nin ee aad aqalka ku xeraysatay ee reer Gabiley ee suldaanada iyo caaqilada leh. Anwar Al-Saadaad-baa Baarliin Qabtay. Wuxu yidhi “waar anigu reer Galbeed kalida y la dagaalami maayee kuwii ehel iigu dhawaana hablihii agoonta ahaa ee Masar ku noolaabay sha ndado lacag ah ula imanayaan buu yidhi. Waar Talaabiib ka dagi mayno anaguyee Dalkaanu leena hay.” Caaqilku Waxaa uu Sidaasi yidhi mar uu la hadlayay Qolada Jibriir Abokor sheeganaysay ee shirka la galay wasiirka.

Caaqilku waxaa kale oo uu sheegay in Jibriir Abokor intaa ka badan yahay, cuqaashii faraha badan ayd, Boqoradii iyo odayadii Jibriir Abokorna aanay marnaba matali karin shanta nin uu wasiirku qol ka Ku soo Xidhay.


Cumar Barkhad Bulaale (Yabaal) oo ka mid ahaa odayaasha shirka jara,id qabtay isla markaana ah odaygii wasiir Duur lahaa wuxuu yidhi anigu dhaaran maayo inankayga oo maqan, waxaanu oday gu sheegay inaanay wasiirka is arag ee uu dusha ka saaray danbi aanu galin, isagoo shirkaasi jar aa,id ka hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ Sacaadatu Wasiir waad ii soo ducaysee ana w aan kuu soo ducaynayaa. Habeenkii Seemaal Dilku ka dhacay inankaygu Hooyadii oo Bugta ayuu H argeysa Keenay. aniguna Reerkii Miyiga ayaan Joogay aniga oo aan Dilkaa aan qabin Inankayguna aanu Qabin ayaad i soo eedeysay adiga oo Nin Madax ah. kuma garanayo. Adna i garan maysidd ee, danbi aanan gelin baad dusha iga saartee Sacaadatul Wasiir ka noqo. balaayaa kuu warrantee, kii kuu waramay ka daba tag.”


Cumar Barkhad Bulaale (Cumar Gudbin) oo ka mid ahaa odayaasha shirka jar,aaid ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Hadaad Jeelasha oo dhan aad faaruqiso oo Toban kun naga soo xarayso qaar kale ayuun baa baaqi ah ilaa mandheera Xoog waxba laguma Qabto Dawladina Haybad bay ku shaqay saa Qorigu Meel walba wuu yaala.

“Waxaanu ummada u sheegaynaa wax lagu murmaaba ma jiree Ciddii meesha joogtay ee goobjoo ga ka ahayd Hargaysay joogtaa yoomkaa maanta. Ciddii uu doono ha ku sheegee hala waydiiyo maanta, oo raadkaa hala daba galo cidduu ula galoba ha ula galee in la dabo galo, oo halkaa dawl adu raad ka qaaday ahayd. Xasuuqii isagu (wasiirku) waxaa uu ka bilaabay Hargaysa iyo Gabiley isagoon meel kaleba tagin.” Ayuu yidhi Oday Cumar Gudbin oo ka mid ahaa odayaashii wasiirku xidh xidhay, iyadoo isaga la xidhay isagoo gacan ka jaban.



Dadwaynaha reer Somaliland ayaa mudooyinkan danbe si wayn u hadal hayay wasiirka Arimaha gudaha oo ay ku eedaynayeen inuu nimanka uu warbaahinta ka yeedhiyay ee aanu waxba ku hayn u abuuray colaad waligeed taagnaata iyo iyadoo la bartilmaameedsan doono inta noloshooda ka hadhay. Waxaana Gabiley ka soo baxay baryahan danbe Salaadiin iyo Cuqaal Calooshooda u shaqa ystayaal ah oo ay xukuumadu ku adeegsato inay siyaabo khaldan ugaga faa,idaysato barnaamijya da gobolka dhexdiisa ka socda.

 

 


Ahmed Biito.
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland.
ahmed_biito@hotmail.com