ODAYAASHA GOBOLKA GABILEY OO SHIR JARAA,ID XALAY KU QABTEEN XARUNTA GOBOLKA GABILEY
 


Caaqilada shirka jaraa,id qabtay ayaa dhamaantood beeniyay inay run ahayd wararkii lagu baahiyay warbaahinta, dhamaantoodna waxay raali galin ka bixiyeen falkii jidka ka dhacay oo ay...


Gabiley (longlivesomaliland News)-Shan iyo labaatankii oday ee ka midka ahaa odayaashii shirkii xal u helida khilaafka dhulka ee ceelbardaale u  ma talayay gobolka Gabiley ayaa xalay shir jaraa,id ku qabtay xarunta  gobo lka Gabiley iyagoo beeninaya waxyaabihii lagu baahiyay warbaahin ee  wa x lagaga sheegayay kulankii dhex maray iyaga iyo madaxwaynaha oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin waxyaabaha ay wrbaahintu qoreen oo ahayd been cad oo ayna garanayn meel laga keenay iyo sidoo kale inay aad uga xunyihiin arinta foosha xun ee dhaca iyo boobka cad ah ee ka  dh acday jidka isku xidha magaalada Dila iyo Kalabaydh ee lagu laayay dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan.

Caaqilada shirka jaraa,id qabtay,  ayaa dhamaantood beeniyay inay run ahayd wararkii lagu baahiyay warbaahinta, dhamaantoodna waxay raali galin ka bixiyeen falkii jidka ka dhacay oo ay dadkii ku geeriyoodayna ilaahay uga baryeen in ilaahay janadii fardawsa ka waraabiyo qoysaskii ay ka bexeen iyo somalilandba samir iyo iyo iimaan ka siiyo.

Caaqil Cabdi Ciidle Amaan caaqilka guud ee gobolka gabiley oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii "ilaahay masiibada iyo  mash aqada meesha ka dhacday isagaa caalimulqayb ahee umada meesha lagu laayay ha u naxariisto, qoysaskii iyo eheladii ay ka bexeena samir iyo  iima an haka siiyo. arinkaa halkaas ka dhacayna maaha mid reer gabiley ku lug leeyihiin, mid ay raali ka yihiina maaha, ciddii falkaa yeelatana ilaahay kiiskeeda ha ku qaado. odayaashayadii shirka la galnay madaxwaynaha waxaanu kula jirnay shantii galabnimo ilaa iyo sideedii habeenimo  waxa anu isla dhaafnayna may jirin laakiin waxa idaacadaha laga sii daayay in shan iyo labaatankayagu aanu is diidnay madaxwaynuhuna yidhi kiis danbe ayaa laga qaadayaa. ilaahay bay been u sheegeen.

Annagu madaxwaynaha waxaanu ku heshiinay oo uu noogu dhaartay  in uu si daacad ah ugu dhakhsaha badan u fulinayo ee nimankii dacwadu idinka dhaxaysay ee arinkaa diiday intaan u yeedhayo ee aan qancinayo hala isugo ayuu nagu yidhi madaxwaynunhu anaguna waanu ka  ogola anay. Waxaa kale oo aan inkaar ku ridayaa waxa saqajaanka ah ee  wada da istaagay ee aananu garanayn inay reer Gabiey yihiin ee umadii   wada da maraysay habeenka madaw dhib iyo dhacba u gaystay.

Waxaanu balanqaadaynaa walaalahayaga dadkaasi ka dhinteen inaanu qalbiga waxba idiinku haynbaa nagu walaahiya, inaanu xumaan idiinku talo galin, oo aananu reer Gabileynimo idiinku talo galin dhib ka dhex dhacda labada Gobol. Dhibtu waxaa weeyi Beer kaliya ayaa la isku haystay  Beer tiina go,aanbaa laga gaadhay, go,aankii u danbeeyayna madaxwaynahaa u joogay anba bixinteeda. Cidii waxaa samaysayna muraad kamay lahayn Beerna, dhul in laga shaqeeyana muraad kamay lahayn ee waxay doona yeen in waxaasi sidaa u xumaado"

Dhinaca kale, Caaqil Cabdi Axmed Canbe oo shirka jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin arintii foosha xumayd ee xalay ka  dhac day wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh. isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi "waxaanu ka xunahay hadaanu nahay  oday aashii Gobolka, intaana kusoo jiray arintaas, madaxwaynahana la kulmay, waxaanu aad uga xunahay boqolkiiba boqol arinta halkaa laga sameeyay. Taladayadiina maaha, waa talo dad wadanka xumaynaya ay sameeyeen.

Waxaanu ka raali galinaynaa oo aanu ka tacsiyadaynaynaa dadkii  dadka asi ka dhinteen, eheladoodii iyo somalilandba in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo"

Caaqil Canbe waxaa sidoo kale uu eedayn usoo jeediyay warbaahinta  be en abuurka samaysay ee kicisay shacabka iyo shucuurta dadka reer Gabi ley sidoo kalana badashay arintii aanu madaxwaynaha ka wada hadalnay oo ku dhamaatay wanaag iyo is-afgarad.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo isaguna shirkaa jaraa,id ka hadlay ayaa isaguna halkaasi tacsi uga soo jeediayay dadkaa geeriyooday in ilaahay janadii geeyo qoysaskoodii iyo guud ahaan reer somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.

Maxamed Cabdi Qawdhan waxaa kale oo uu eedeeyay in ay arintaasi ka danbaysay saxaafada Somaliland oo buunbuunisay been cadna ka sheegtay waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay odayaashu la galeen madaxwaynaha oo ku dhamaaday is af-garad iyo natiijo fiican.

 "Madaxwaynaha waxaanu ku nidhi fuli arintaa, waan fulinayaa ee  waxaa n u yeedhayaa odayaashii dhinaca kale si aan ugu qanciyo ayuu nagu yid hi, arintaasaananu ku kala nimid madaxwaynaha" waxay ka mid ahaayeen hadaladii caaqi Maxamed Cabdi Qawdhan.

 



Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland