Odayaasha Reer awdaloow hadaad riyaale taageersanaydeen riyaale wuu tegey hadaad somaliland taageersanydeena somaliland wayjirtaa wayna jiri doontaa inshaa allah

 



Inta aanan bilaabin dulucda maqaalkayga waxaan halkan salaan iyo hambaluo uga dirayaa dhamman sha cabka reer somaliland iyo madaxweynhooda Mudane Axmed Maxamed Maxamuud.

Salaan dabadeed waxaan jecelahay inaan shacabka xusuusiyo qiimaha ay leedahay nabadgelyadu taaso o ay lagama maarmaan uatahay isku duubnaanta,hadaba waxaan shacabka kula dar daarmayaa inay  is ku duubnaanta ilaaliyaan iskan jiraan cadowga iyo xaasidka faraha badan ee gudo iyo debedba ka soo q ooraansanaya nabadgelyada iyo barwaaqada ilaahay siiyey. Hadaan intaa kudhaafo hordhacaa yar, wax aan halkan ku falanqaynayaa Dhawaaqa foosha xun ee ka soo burqanaya Odayaasha Gobolka Awdal.

Hadaba aniga oo ah qurba joog dalka la socda ayaa waxaan joogey doorashadii madaxtooyada  somalila nd ee dalka kaqabsoontay 26-6-10,taasoo xisbiga kulmiye ugu awood sheegtay labdii xisbi ee Udub iyo Ucid oo xisbiga kulmiye kaga guulayastay in kudhow 50% marka labadooda laysku daro, halka  madaxwe yne Riyaale dalka siddeed sano ku xukumayey 80 cod uu kaga guulaystay xisbiga Kulmiye. taasoo ah wax kayar 1% oo aan caalamka kadhicin haday kadhacdona waxay noqotaa in awooda laqaybsado ama awo od qaybsi. Hadab iyadoo arintu sidaa ahayd ayaanay jirin cid Madaxweyne Riyaale kadaba qaylisay  isag oo weliba xabsiyada dhigay boqoro ,salaadiin ,siyaasiyiin, suxufiyiin ,culimo awdiin ,dhalinyaro iyo  cid  kas ta oo uu qoonsadoba taasoo lahayd xaq iyo xaqdaroba reerr somalilandna kukala aragti  duwanaayeen Wxaa weliba intaa u dheeraa isagoo ciduu doonana shaqada ka eryayey ciduu doonana bedalayey

Dadkaa laxidhayeey ama lakala bedelayeywaxay ubadnaayeen ama ahaayeenba dad kasoo jeeda  bees ha dhexe ee reer Sheekh isxaaq, ayaanay jirin cid ka hadlijirtay ama xag xagan jirtay ,hadaba  maxaa  ke enay inay reer Awdal maalintii labadaa ee riyaale madaxtooyada kasii maqnaa lasoo baxaan calan aan ka somaliland ahayn isla markaana ku dhawaaqaan hadalo meel kadhac iyo deel qaaf isugu jira oo lagaga  s oo horjeedo Madaxweynaha Cusub iyo somalilandba?, aan hoos u daa dego.

Haddii aan suaashaa jawaabteeda lakaashado maskaxdayda iyo maankayga anigu waxaan qabaa inay keentay Maahmaahdii somaaliyeed ee odhanjirtay Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo,reer Awd al somalilandnimadu daacad kama ah waxaana ka muuqata astaan munaafaqadeed waxaana taas loo  fa siri karaa hadaanaan Madaxweynaha lahayn somaliland marabno. hadaan hoos u eegno saami qaybsigan ay sheegayaan su'aashu waxay tahay yay ku cad goosanayaa ? ma reer sh,isxaaq ,ma  Habar Jeclo,ma Habar Awal,ma Habar Yoonis ma Harti? Hadab reer Awdaloow mabdi'iina cadeeya oo xishooda malaa is mana qaba taane.

Waxaan kaloo reer Awdal xusuusinayaa in aanay Xisbiga kulmiye ugu abaal sheeganayn cod ay siiyeen iyagoo weliba madaxweyne ku xigeen hadiyad ah helay ,Madaxeynaha ay xag xaganayaan waxy siiyeen 20.000 kun oo cod ookeliya oo u dhiganta wax kayar 1% isagoo madaxweynuhu kursiga ku fadhiya 266.000 kun oo cod.

Madaxweynha waxa ku waajib ah oo keliya inay helaan xuquudooda asaasiga ah laakiin kuma laha reer  Awdal inay cod kula gorgor tamaan oo yidhaadaan saami qaybsi baanu rabnaa taasi reer Awdaloow w axay idiin ekayd doorashada ka hor haddii aad taa samayn lahadeen xaq baad u yeelan lahaydeen gor  g ortan laakiin tan aad iminka wadaan waa gardaro ee adeerayaal gardarrada joojiya caalmkana kama dha cdo. Taasna waxaba kasii daran maamulkan aad faraha kula jirtaan,adeeryaal dalku madxweynuu leeyah ay aqlabiyad baa lagu soo doortay shacbi idinka badan baa doortay hadaba fara farynta ka daaya  shaq diisana u daaya idinkoo mahadsan.


Geba-bebo iyo talo soo jeedin kusocota madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa


Madaxweynaha waxaan kula dardaarmyaa inuu samirkiisa halkaa ka sii wado ilaahayna hala qabto, mada xweyne ku xigeenkana waxaan kula talinyaa inuu tolkii u caqli celiyo, waxaan maal mahan maqlayey inuu madaxweynuhu Boorame tegayo anigu mana qabo inuu madaxweynuhu iminka boorame tago ee waxaa kaga haboon madaxweyne ku xigeenka oo reer awdal ha haday ka fursan waeydo odayaasha iyagu  mad axweynaha waxay tabanayaan ha ula yimaadeen, si uu uga qanciyo.
 


Nabadgelyo ,

 

 

 

 

Qalinkii Axmed A. Ducaale (walhad)
Denmark