Taariikh: 10/05/2014                 Tixraac: UTRECHT, SLNL/002/14

 

UJEEDO: OGAYSIIS KU SOCDA JAALIYADA SOMALILAND EE DALKA NEDERLAND

Ururka ay ku midaysan yihiin dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Nede rland ee loogu magacdaray SOMALILANDERS IN NEDERLAND (SLNL), waxa uu ugu horeyn u hambalyaynayaa bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanu ugu hambalyaynaa maalinta qaaliga ah ee 18ka May. Waa maalin qaali ah, waana maalin astaan u ah qaranim ada Jamhuuriyada Somaliland una horseedi doonta aqoonsi buuxa inshaa Allah. Waxaanu lee nahay maalintan qaaliga ah aanu u damaashaadno una xusno meel kasto oo aanu ka joogno dalkan Nederland bulshadeena reer Somaliland. Waxa sanadkan isku xilqaamay oo tunka u ritay xuska maalintan nagu qaaliga ah ururo badan oo bulshada reer Somaliland ee dalkan Nederland u adeega. Ururadan waxa ay noo fududeeyeen in aanu helno goobo aanu ku dabaaldegno oo aanu ku kulano. Waxa aanu u mahadnaqaynaa dhamaan ururada iyo shakhsiyaadka ku hawlan xuska 18ka May. Waxa aanu idinla garab taaganahay hiil iyo hoo.


WAXA AY DABAALDAGYADANI INSHAA ALLAH KU QABSOOMI DOONAAN GOOBO KU YAALA MAGAALOOYINKA GORINCHEM, SOESTERBERG IYO ZOUTERWOUDE. WAXA HALKAN HOOSE KU XUSAN GOOBTA, CIWAANKA, WAKHTIGA IYO HALKA LAGAGA XIDHIIDHI KARO MASUULIYII NTA KU HAWLAN HAWSHAN XUSKA 18KA MAY.

MAALINTA XUSKU WAA 17 KA MAY,

1. WAKHTIGA 17:00 ILAA 01:00, GOOBTA: FRANKLINWEG 2, 4207 HZ GORINCHEM. KALA XIDHIIDH:NOMAD.GROUP@HOTMAIL.COM
2. WAKHTIGA 18:00 ILAA 02:00, GOOBTA:STEMERDINGWEG 1, 3769 CE, SOESTERBERG.
3. WAKHTIGA 17:00 ILAA 01:00, GOOBTA:KOOIKERPEIN 1, 2382 EG ZOUTERWOUDE. KALA

XIDHIIDH:0684235138. Ururka SLNL waxa u qorshaysan in uu u hawlgalo dhinacyada wacyi gelinta diinteena suuban, taakulaynta bulshada inteena dhibaataysan, dhiiri gelinta is dhex galka bulshada inteeda kale ee Nederland, kor u qaadista hidaha iyo dhaqanka, iskaalmayn ta xaga dhaqaale, isku xidhka bulshada reer Somaliland iyo tii dalkeena hooyaba.

Walaalayaal ururka SLNL waxa uu jiray mudo gaaban, inshaa Allah mustaqbalkana wuu ka midho dhalin doonaa himiladiisa.Hadii aad muwaadin danaynaysid in aad hawlaha na horya ala nagu gacan qabato, fadlan ha moogaan in aad nala soo xidhiidhid amaba nala kulantid maalintan qaaliga ah. Waxa goobaha xuska 18ka May ka dhacayaan ee halkan sare ku qora n inshaa Allah noogu sugnaan doona wakiilo ka socda SLNL. Waxa kale oo had iyo jeer naga la soo xidhiidhi karaa e-mailka ururka: info@slnl.nl Waa inoo iyo xuska 18ka May Inshaa Alla h

Maca salaama

 

Ismaaciil Cawl Gudiga SLNL