Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Sabtida London Kula Kulmi Doona

 

Dhammaan taageerayaasha, Odayaasha, Xildhibaanada Golaha dhexe, Gudoo miyaasha iyo Gudiyada laamaha xisbiga kulmiye ee ku nool Carigga Ingriiska (UK) iyo Cidkasta Reer Somaliland ah oo Daneynaysa Horomarka , Nabad , Xasiloonida ,Daganaashaha, Jiritaanka iyo Aayaha Qaranimada Somaliland waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono shir balaadhan oo u marti inoogu yihiin Madax badan oo Xisbiga ka mid ah:

1. Mujahid Xaaji Axmad Maxamad Maxamuud Silaanyo Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka kulmiye Somaliland islamarkaasina ah Musharaxa Madaxweynaha doorashada Madaxtooyada

2. Dr. Maxamad cabdillahi Cumar Xoghayaha Arimaha Dibada xisbiga Kulmiye

3. Dr. Cumar Duxood lataliyaha Arimaha Cafimaadka Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

4. Ikraan Xildhibaan Golaha wakiilada Somaliland

5.Axmad Cilmi ( Xubin gudida Fulinta)

6.Iyo xubino kalo badan

Maamulka shirka:

Shirgudoonka
Xoghaynya shirka
Soo dhawaynta iyo nabadgalyada
Cuntada
Shirka waxuu yeelan doonaa Afar Qaybood:

Furitaan
Fikrad/dareen/ dood soo jeedin
Khudbado ka jawaabaya doodaha iyo dareenada lasoo jeediyay
su’aalo


Muhimada shirka:


Wadicigga iyo Xaalada ay ku jirto Somaliland
Geedi socodka Dimuqradiyada iyo Horomarka ay hiigsanayso Somaliland
Xogwareysi iyo Tallo sojeedin
Taariikhda: Maalinta Sabtida , 30 Bishan May 2009 - Saacada- 1400-1900 (2da ilaa 7todobada)

Goobta: The Beacon Centre

Malcolm Jeffrey Place

Scott Crescent

Harrow, Middlesex

HA2 OTY

Tilmaanta Madasha shirka:

Underground tub/ Buses:

Piccadilly line kaga dag South harrow

Metropolitan Line kaga dag Reynerslane

Bus line H12 Third Stop / Jogsiga Sadexaad kaga dag