Ololaha Doorashada Madaxtinimada oo ka bilaabay Djabuuti iyo Madaxweyne Geele oo maanta la hadlay dadweynaha Reer Belbela.

 

 

Jabouti (TNN)-Ololaha Doorashada Madaxtinimda ayaa maanta si rasmiya uga bilaamay Wadanka Ja b uuti ,iyada oo ay madaxda Xisbiyada ee ku loolamaya Doorashada Madaxweyninimada ee 8 Bisha soo socota dalkaasi ka dhici doonta ay taageerayaashooda kala hadlayaan meelo loogu talo.


Madaxweynaha hada talada haya ee Ismaaciil Cumar geele iyo Madaxda kale ee Xisbigiisa ayaa Ma anta Kumanaan taageerayaal ah kula hadlay Xaafada Belbela oo ka mid Xaafadaha Caasimada Jabu uti ee jabuuti.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ka codsaday dadweynihii uu halkaasi kula hadlay inay u Codeeyaan Xisbigiisa marka la gaadho Doorashada si uu Hogaanka dalka u sii hayo,isaga oo sidoo  k ale dadka wadankaasi ee jooga wadamada jaarka ka dalbaday inay 8 Bisha soo socota ka hor isu di yaariyaan inay ka qayb qaataan doorashada,soona doontaa kaadhka lagu codaynayo.


Ismaaciil Cumar Geele waxa uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in dadka reer jabuuti ka fikiraan Aayahooda iyo horumarka wadankooda, isla markaana ay doortaan cidii looga bartay inay kor u  qa ado bulshada Wadanka Noloshooda oo ah isaga,waxaanu xusay in Muddadii uu madaxweynaha ahaa wax badan dalka ka qabtay oo uu horumar gaadhsiiyey, hadana uu doonayo in uu halkaasi ka sii  wa do dedaalkiisa hadii mar kale ay dadku u codeeyaan oo uu ku guulaysto Doorashada.


Mr Geele oo Xafladan uu maanta kula hadlayey Taageerayaashii ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Fanaaniinta Reer Jabuuti iyo kumanaan qof oo Xisbigiisa taageeraa, waxa uu gabagabadii ka ku dhawaaqay in dadka reer jabuuti uu uga fadhiyo wixii uga bartay si u sii wado wixii ay uga barteen.
waxaanu yidhi “8 Bisha soo socota waxaan idiinka doonayaa wixii aan idiinka bartay si aan u sii  wad o wixii aad iiga barateen,waxaanan doonayaa inaad codkiina i siisaan si aan dhamaanteen u guula ysano

Source:Waaheen