Olole Xoogan Oo Lagu Doonayo In Madaxweyne Rayaale Muddada Loogu Kordhiyo Oo Ka Dhex Socda Golaha Guurtida
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Olole xoogan oo lagu doonayo in  Mada xweyne Rayaale muddada xillka loogu kordhiyo ayaa toddobaadkan si weyn looga dareemay golaha Guurtida dhexdiisa.Ololahani waxa uu si cad u soo  sha ac baxay kadib markii Komishanka Doorashooyinku 6/9/2009 ay soo saareen, go’aan ay ku sheegeen in doorashadii Madaxtooyadu aanay ku qabsoomeyn 27-ka September 2009, balse ay dib uga dhacayso taariikhdaas, sheegeena in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada siyaasada aan ilaa hadda xal loo helin, balse ay socdaan hawlo dhex-dhexaadin ah oo lagu doonayo xalinta khilaafaadka, loona baahan yahay in la sugo ilaa inta heshiis laga wada  gaad hayo arrimaha khilaafku ka taagan yahay.

Ololahan muddo kordhinta guurtida laga dhex wado waxa si weyn uga dhexmu u qda wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, oo todobaadkan gurigiisa shirar ugu qabanayay xubno ka tirsan golaha guurtida.

Siciid Sulub oo hadda lagu tilmaamo ninka ugu dhow-dhow Madaxweyne Raya ale ayaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada oo toddobaadkii hore soo jeediyey in dalka lagu soo rogo xukun deg-deg ah xabsigana loo taxaabo madaxda xisbiyada mucaaradka. Hase yeeshee waxa la sheegay inay soo  jee dintaasi ka hor yimaadeen koox wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka  maa liyada Cawil Cali Ducaale, taas oo la sheegay inuu ku dooday in arrimahaasi ay sii xoojin doonaan xaalada siyaasadeed ee cakiran ee hadda taagan.

Waxa kale oo muuqata in ololahan lagu doonayo in Madaxweynaha muddada loogu kordhinayo uu ka qayb qaadanayo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, iy adoo la sheegay in xildhibaaanada kasoo jeeday gobolka Sool iyo Buuhoodle oo intooda badani ka mid ahaa mudanayaashii ka codeeyay go’aankii muddo kord hinta Madaxweyne Rayaale ee u dambeeyay, taas oo toddobaadkan ay la kul meen Madaxweynaha. Arrintaas oo uu kasoo shaqeeyay Xaabsade.

Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mu ddo kordhintii u dambeysay ee golaha Guurtidu u sameeyay 28-kii March 2009, waxana la filayaa in Madaxweyne Rayaale uu toddobaadka soo socda  horaan tiisa Golaha Guurtida usoo gudbin doono qoraal uu ku codsanayo muddo kordhin kale.

Sida la ogyahay Golaha Guurtida ayaa awood u leh inuu muddada uu u  kordhi yo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa haddii ay duruufo ammaan darro iyo  ma siibooyin dabiici ah ay u suurtoobi waayaan in doorashadii lagu dooran lahaa labadaa masuul ay qabsoomi weydo.

Muddo kordhintii ugu dambeysay ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu si weyn ugu kala qaybsameen, kaas oo ay 42 mudane cod gacan taag ah ku ansixiyeen halka ay 35 mudane kaga codeeyeen in wax muddo kordhin ah loo sameeyo hal mudanena uu ka  a amusay.



Source:Haatuf