Orad Yahan Haysta Horyaalka Yurub ee Orodada 3000 Iyo 5000-Kun Oo Sheegay Inuu Ku Hawlan yahay Kor Ugu Qaadida Sumcada Somaliland Ee Caalamka

 

 

Maxmed Faarax waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah uu ka gaadhay ciyaaraha isaga oo sheegay in sanadkii 2006-dii uu ku guulaystay orodka 3000km.


Maxamed Faarax oo ka mid ah orodyahanada dalka Ingiriiska, islamarkaana asal ahaan ka soo jeeda wadanka Somaliland ayaa todobaadkan socdaal ku yimid magaalada Hargaysa.

Ciyartoygan oo ka mid orodyahandii dalka ingiriiska uga qayb galay ciyaarihii olombiga ee ka dhaca shiinaha, islamarkaana ka qayb galay tartamobadan oo caalami ah ayaa sheegay in uu ad ugu far san yaay socdaalka uu hada ku joogo Somaliland ooah dalkiisa uu asal ahan ka soo jeedo.

Mr.Maxamed Faarax oo shalay u waramayay saxaafada ayaa xusay in uu wakhtigan ku hawlan yahay sidii uu sare ugu qaadi lahaa sumcada Somaliland ku dhex leedahay beesha caalamka, waxanu intaa raaciyey in uu sanadka dambe qorshaysanayo in uu dalka kadhiso xarun ciyaarhanada lagu tababaro, taasi oo qayb ka qaadan doonta in ay soo baxaan ciyaarhayano tayo leh oo dalkafaaiido u soo hooya.

Ciyaartoygan oo magaalada Gabiley ku dhashay 23 March 1983, islamarkaana degan Magaalada London wuxuuna u ordaa Newham, Essex Beagles iyo England, wuxuu soo dagay Ingriiska sannadku markuu ahaa 1997. Inta badan wuxu ordaa 3000m iyo 5000m. Guulihisii ugu waaweynahaa waxaa ka mid ahaa. 2005 European Indoor Athletics Championships- 3000m Lixaad buu galay 2006 European Cross Country Championships kaalinta koobaad buu galay,isga oo bilad dahaba helay, 2006 European Championships in Athlectics - 5000m,kaalinta labad buu galay, wuxuuna helay bilada naxaasta ah, 2006 Commonwealth Games - 5000m ( Kaalinta Sagaalaad ayuu galay), 2007 World Championships in Athletics - 5000m (kaalinta lixaad ayuu galay.

Maxmed Faarax waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah uu ka gaadhay ciyaaraha isaga oo sheegay in sanadkii 2006-dii uu ku guulaystay orodka 3000km, isaga oo arrintaa sharax kooban ka bixinayana waxa uu yidhi "Sanadkii 2006-da waxa aan guul ka gaadhay orodka 3000 iyo 5000-kun ee tartamada loo qabto dalalka Reer Yurub, waxaanan aad ugu faraxsanahay in aan noqdo ninka haysta horyaalka Yurub ee orodada 3000 iyo 5000-kun," ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Dhanka kale ciyaaryahankan ayaa sanadkan ka mid ahaa xidigii nasiibka u helay in uu ka qayb galo ciyaarihii Olympic 2008 ee lagu qabtay dalka Shiinaha, nasiib daro waxa uu sheegay in aanu wax guul ah ka gaadhin ciyaarahahaas isaga oo sharaxaad ka bixinayana sidii ay ciyaarahaasi ugu dhaceen waxa uu yidhi "Waxa aan nasiib u helay in aan dalka Ingiriiska u metelo ciyaarihii Olympic-ga ee sanadkan lagu qabtay dalka Shiinaha, waxaanan ahaa ninka xaga orodka ugu dheereeyay ee markii sidaa siidhiigii loo afuufay hogaanka u qabtay orodyahanadii kale, balse mar danbe ayay orodyahano iga da' weyni xirfad iyo xeelad igu dhaafeen, laakiin waxaan odhan lahaa maan yaraysan"

 

 

 


Wargeyska Jamhuuriya