Orodyahanka Mo Farah Oo Ku Guulaystay Tartankii Ugu Horeeyay Ciyaarihii Olympikada Kadib


 

 


Mo Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 3000m ee loo yaqaan British Grand Prix oo lagu qabtay Magaaladda Birmingham ....

London (TNN)- Orodyahankii ku guuleystay labada biladood tartankii Olympikada Mo Farah ayaa guushiisii ugu horeysay ka gaadhay tartan orodada gudaha ah oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 3000m ee loo yaqaan British Grand Prix oo lagu qabtay Magaaladda Birmingham. Mo Farah ayaa hoggaanka orodka qabtay markii la marayay kala badh isagoo ku dhamaystay toddobo daqiiqo iyo 42 second. Tartankan ayaa wuxuu noqon ayaa kii ugu horeeyey ee sanadkan uu ku guuleysto Mo Farah isagoo ka rajo qaba in tartano badan oo uu ka qeybgalayo uu fure u noqdo guushani.

Mo Farah ayaa ka qeybgeli doona tartanka Virgin London Marathon isagoo ordi doona wadooy inka London sanadka 2014ka. Orodyahan Mo Farah ayaa waxa uu rajeynayaa in uu u tartamo tartanka ciyaaraha Marathonka ee 2016. Tababaraha Farah Alberto Salazar ayaa hore u shee gay in uu u tartami karo Mo Farah orodka marathonka ciyaaraha Olymbikada ee 2016. Toddoba adka soo socda ayaa waxa uu Mo Farah ka qeybgali doonaa tartan mini-marathon oo ka dhacaya New Orleans.
 

 


Timacade News Desk
London, UK