PRO cali khaliif galayd siiyaasi macquula[ hadaad haysaa xadhigii
laga garacayay
Jamhuuriyada Somaliland waxay ay tahay mid lawada leeeyahay
bil macna kalimah mid lawada leeyahay oon lakala lahayn
hase ahaatee waxay mudo haysay walina haysaa wado/ dariiq qaldan
waxa ilaa hada ka taagan dhibaatooyinka hoos ku xusan
1- Dad yar oo kaligood ku shaqaysata dalkana manaafacaadsada[ umada
inteeda kalana ilaa hada qatan yihiin].
2- Qabyaalad iyo nin kala jeclaysi xataa shaqadu noqotay garab [
dadka inta kalana afku dheeraaday siday meelaha u fadhiyaan with out
job shaqo la,aan].
3- DEGAANADA qaar kood oo la yidhi iska kaaya daawada/fiirsada
sidaanu wax u cunayno[ macnuhu waxa weeye iska kaaya ag jog jooga
hana hadlina ].
4- ciidamo loo samaystay umada oo hadii aad yar nuux nuuxsato saqda
dhexe ku miraaya oo guryaha inta salaamo loo dhigto dusha lagaga soo
daadanyo[ arimahan oo kale xataa dawladii siyaad bare ahn laguma
arag.[ tolow maxaa laga dagaalamay ].
Hadaba waxaad mooda ta mudane profisor cali khaliif galayd
uu diiday inay tahay tan ah iska kaaya ag joog jooga oo na daawada
sidana kama dhacdo aduunyada korkeeda kaliya waxay ka suurta gasha
dadka inta aaan AWOODA LAHAYN ama caqligu ku yar yahay ama aad u
liita.
Waa hubaal in nimankan odayaasha ah ee hada dalka maamula inay
yihiin rag aqoonyahana oo ku shaqaynaaya siyaasado xeel dheer [
nidaamka qaybiyoo xukun ].
Mudane profisor cali khaliif waxa hada ku talaabsaday wadadii uu
maray madaxwaynihii hore ee soomaliland mudane daahir riyaale kaahin,
waana hubaal in uu ku najaxayo quruskiisana banaanka loo dhigaayo
haduu soo jeestay
xataa waxaa iman karta isbahaysiga darafyada
taasina waxay keeni karta in xulafada hada maamusha dalka oo ah koox
khubaro ah
in laga guulaysan karo.
Mudani cali khaliif galayd muxuu samayn karaa good question ?
.waxa uu samayn karaa asagoo fahma in dad badan oo somalilander ah
oo xaga siyaasada laga awood batay ay jiraan una baahan inuu xagiisa
keeno
dadkaas oo degaan ahaan kasoo jeeda degaamada beelaha dhexe.
dadkan oo khubaro xeel dheeri heshay runtiina wax mustaqbala aan ku
lahayn saaxada siyaasada waxa suurta gala in aad shinbir u noqoto.
. waxa kaloo uu samayn karaa asagoo abaabula siyaasad waafiya oo uu
ka iibin karo dhamaan bulshada soomaliland dhanka galbeedka iyo
barigaba iyo degaanada lagaga awood batay xaga dhaqalaaha iyo
siyaasada .
Kalmadan ah dadka lagaga awood batay xaga dhaqalaaha iyo siyaasada
waxay noqon doonta kalmad hada hirgalaysa madaama ay tahay mid runta
ku dhow
waana mid aniga iga timu haba ku jirto afsoomaligee isticmaalkeeda
Ayaan la dhugan iyo halkay khusayso.
inkasta oo aanan cali kula taliyeen in soomaliland ay yeelato magac
kale fikirkaasi waxa uu abuuraya marxalad kale oo aan laga gayoon
Karin .
HADA tartanku wuxuu jogaa sadex xisbi wadani . ucid .kulmiye
waqtigana waxa la sugaya doorashada qabsoomaysa dhawaan bilo kadib
1.Mudane cabdiraxmaan ciro xisbiga wadani
2. mudane muuse biixi xisbiga kulmiye
3. mudane faysal cali waraabe xisbiga ucid
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
siciiddheen@outlook.com
London/ united kindom
|