Professor Samatar iyo qadiyada Somaliland



Waxa ay ahayd bishii June 4-teedii ee sanadkan 2013-ka markii Professor Axmed Ismaaciil Samatar uu socdaal taariikhi ah ku taggay dalka Jamhuuriyada Somaliland oo uu asal ahaan amma dhalasho ahaan kasoo jeedo laakiin muddada 22-ka sanadood ah ee Somaliland jirtay kasoo horjeeday lasoo noqodka madax-banaanideeda.


Professor Samatar waxa uu kala kulmay dalkiisii iyo dadkiisii uu u taggay soo dhaweyn aanu filanaynin waxa ayna ku dhalisay qiiro iyo jaceyl cusub oo ugusoo abuurmay dadkiisa. Waxa aan shaqsiyan ka mid ahaa dadkii taageerayay ilaa maantana taageerayaa sida karaamada leh ee professor-ka loosoo dhaweeyay ee kalgacalka iyo wadaniyadu ku dhehneyd isla marka ana loo tusay in la rabbo sababtoo ah waxa aan aaminsanay in shaqsiga amma kooxda Somalil ander-ka ah ee kasoo horjeeda qadiyada Somaliland uu yahay amma ay yihiin waran ku taag an dalka oo aanu ka fadhiisan karin. Madaama aan si wayn u qiimaynayay uguna faraxsanaa soo noqodka professor Samatar waxa aan si dhaw ulla socday socdaalkiisii iyo qudbadihiisii iyo waraysiyadiisii kala duwanaa ee uu dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka jeediyay.


Hadaba waxyaabo aad iiga yaabiyay oo aan ka aamusi kari waayay ayaa iigasoo baxay waray siiyo uu professor Samatar siiyay warbaahinta kala duwan (Heemaal News, Universal..iwm) markuu ku noqday magaaladiisii Minneapolis ee dalka Maraykanka. Sidaa daraadeed qoraalkay gan waxa aan ku fasiraya amma kaga faaloonayaa jawaabo amma hadalo ku jiray waraysiyad ii kala duwanaa ee professor Samatar siiyay warbaahinta markii uu noqday.

Wakhti uu waraysi siinayay Heemaal News ayaa professor Samatar la waydiiyay oo uu wariyi hii ku yidhi:”professor Samatar su’aalaha lagu waydiin doono waxa ka mid ah ma Somalilander ayaad noqotay?” Professor Samatar su’aashaa kooban wuxu kaga jawaabay sidatan: “Aniga Islam-nimmo iyo Somali-nimmo waa la igu dhalay meel aan uga tagana garan maayo, haddii a an is-idhahdo ka tagna meel aan taggo garan maayo oo dee hadalka ugu horeeya waa magac a? Axmed Ismaaciil, oo magacaasi waa Islam-e ma muslin-baad tahay? Haa dee anna waan ah ay waana la igu dhalay, oo dee xageed ka timid? Dee Maraykan baan ahay. Haa, laakiin asalk aaga magacani John Smith maahe xageed ka timid? Waxaan ka imid East Africa, Somalia ayaa n ka imid oo Soomaali baan ahay. Laakiin waxa weeye siyaasadda sida la isku maamulayo aye ey tahay, anigu waxa aan noqday, siyaasiyan, qof goystay Somaliland waxan la qaban karayo inaan la qabto.”


Waxa kaloo professor Samatar waraysiyadii uu bixinayay hadaladiisii ka mid ahaa oo uu Soma lia ku tilmaamayay qolada Calanka Wayn haysata oo uu markaas saarayay masuuliyada wayn ee qaranimmo Soomaaliyeed oo markaas albaabkeedu furanyahay mar walba, haddii waxa So maliland haysato wax ka weyn ay keenayaan.


Iyana waxa jirtay jawaab uu ka bixiyay Calanka Somaliland ee uu diiday in la saaro amma ko ofiyada Calanka in loo galliyo oo isagoo micneynaya sababta uu u diiday yidhi: “Aniga igamay aheyn nacayb calan laakiin waxaan doonayay dadka inaan u sheego waxa aan anigu ku hadla yo dhagayso, sow hadda maad garan, waxaan markii dambe idhi, maalin damboo dadka aan u sheegayoon macnaynayay waxa aan ku idhi addunyada qofka calanka waxa la saaraa qofku markuu dhinto, yaa, ee naxashka uu dulyaalo ayaa la saaraa calanka qof nool calan lama duls aaro, markaa dadku dee ma fahamsana ariimaha caynkaas ah.”


Aan ku horeeyo jawaabta khusaysa ahaan-shaha (identity) professor Samatar ee uu sida b al-balaadhan u sharaxay. Waxa isku-key qaban-la takhasuska aqooneed ee professor Samat ar ee ah culuumta siyaasadda (Political Science) iyo sida ay iskaga khaldantay professor-ka ahaan-shaha isir-nimmo (ethnicity or ethnic identity) iyo ahaan-shaha jinsiyadeed amma dhalasho ahaaneed (Nationality or National Identity). Professor Samatar ma wuxu garan waayay su’aasha ah xageed ka timid (Where’re you from?) inay khusayso dhalasho amma dalka uu ka yimid la waydiinayo? Adduunkan galbeedka (The West) ahaan-shaha la iswaydiiya amma la isku haybsadaa waa ka dhalasho ahaaneed oo qofku dalka uu kasoo jeedo ayuu bulshada uu ku dhex noolyahay ugu tilmaamanyay. Mida kale ahaan-shaha dhalasho ahaaneed amma dal-nimmo waa ta qaran walba oo addunkan jira seeska u ah (sense of nationhood) ee uu ku taaganyay ee ah xabagta isku haysa bulshada dalkaa ku abtirsata. Shuruudaha umaddi dawlad amma dal ku noqon karto ayaaba dhigaya oo qodobka 2-aad tahay in la hello dad daggan (permanent population) oo ku abtirsada.


Ta kalee mucjisadi waxa ay tahay in professor Samatar jideeyo Somaliland inay ku meel-gaad h ahaato oo haddii wax Soomaalin-nimmo iyo Islaam-nimmo ku dhisan la hello loo digarogan karo. Ma qaran wakhti kasta (any time) baabi’i kara ayaa taagnaanaya? Iska-daa innuu taag naadee dagganaanshihiisa ayeey halis u tahayba oo dadka ku nool ayeey jahadu ka lumaysa oo taasina wuu ku dhacay professor-ku.


Arinka ugu dambeeyee aan isdul-taagayaa wuxu yahay arinka calanka. Waxa runtii aad u qo sol badan in professor Samatar oo daggan USA (The United States of America) uu yidhahdo calanka waxa la saaraa dadku markay dhintaan. Waxa aan garan laayahay in professor Sama tar uu adduun yar oo uu samaystay ku noolyahay iyo innuu yasayo aqoonta iyo fahamka Somalilanders-ka. Miyaanay aheyn madaxwaynayaasha maraykanka kuwa laga bartay inay calankooda sudhaan koodhadhka ay xidhanyiin? Miyaanay aheyn maraykanka meesha guri walba, siiba inta talisa ee maalqabeenka ah, uu calanka maraykanku sudhanyay? Qofka aad dal-wadaagta tihiin haddii uu calan ku saaro amma shaqsigu isagu calanka qaato oo uu lulo amma huwado waa muujinta farxadeed ee ugu saraysa (the highest form of expression of joy). Waad aragteen oo ciyaartoygu, ciyaartay doonaan ha ciyaaraane, markay guulaystaan waxa ay huwadaan oo ay isdul-saaraan calanka dalka ay ka yimaadeen, iyadoo laga yaababa inaanay guushaa usoo hoyn dalkii ay ka yimaadeen amma u dhasheen waayo farxadda ayaa ka keenaysa. Sideedaba calanku waa astaanta kowaad ee umaddi amma qaran leeyahay wuxuuna matalaa ahaanshe dhalasho iyo dhaqan-ba. Inaankii koofiyada calanka Somaliland ullasoo orday professor Samatar markuu Gabiley ka hadlayay-na kamay aheyn wax kale ee farxada ayaa ka badatay oo professor-ka u muuji sidaad ugu faraxsantay imaatinkiisa ayuu islahaa, runtii il-baxnimada iyo aqoonta professor-ku sheeganayana midna kuma farayso in hadyad qaali ah oo lagugu sharfay aad dib ugu celiso qofkii kuu hibeeyay, waa badawtinimo ayeey illa tahay waxaana la gudboon professor Samatar innuu inaankaas iyo umaddii reer Somaliland ee soo dhawaysayba raali gallin uga bixiyo arinkaas.


Iskusoo duubo qoraalkaygan waxa aan uga dan leeyahay inaan da’yartii reer Somaliland iyo dadkii badnaa ee professor-ka soo dhaweeyayba tusaaleeyo in wixi laga filayay professor-ka, ee ahaa innuu qadiyada Somaliland iibgeeyo, inaanu nasiib daroo iibgeyn karin oo ay ku jirto uun dhakada ku jirta odayaashaas iyo intaa maanta horjoogayaasha innoo ah. Qoraalkaygani marnaba maaha ceebeyn amma xumeyn aan ulla jeedo professor Samatar ee waxa ay ujeed adaydu tahay in aan ka hortaggo in da'yarta reer Somaliland fikiro sax aheyn amma shaqsi looga dhiggo kitaab Quran ah oo markaas ahaan-shahoodu khal-khal gallo (identity crisis) oo markaas ay waayaan amma garan waayaan waxa ay umaddaha adduunka la qaybsanayaan.


Ugu dambeyn professor Samatar iyo dhammaan umadda reer Somaliland-ba waxa aan leeyahay Ciid Mubaarik, eebe ha inaga dhiggo kuwii soonkoodii iyo salaadoodiiba la aqbalay ee naarta laga fogeeyay ee garta wixi u dan ah qarankan ay isleeyihiin dhisa, aamiin.

 


Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com

London