"Reer
Puntland waxaad ku daba-feesheen nin aan idinkana arxan idiin aheyn,
ummad kale arxan u aheyn, dantiisa qaaska ah oo guracan oo qabiilka
madax ka maray...`` Siciid C/fataax
Ibraahim
Siciid C/fataax Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee
ku dhaqan dalka Mareykanka, waxna ka dhigta Jaamacad ku taal
magaalada Dallas ee gobolka Texas, ayaa u soo jeediyey waxgaradka ku
dhaqan gobolada Puntland & Issimada in ay la gudboon tahay in ay
mowqif cad iska taagaan joogitaanka Cabdullaahi Yuusuf ee deegaanada
Puntland, haddii aaney arrintaasi si taxadar leh uga fiirsanna ay
cawaaqim xumo danbe ku yeelan doonto, wuxuuna xusay in dembiyadii uu
Cabdullaahi Yuusuf ka galay ummadda Soomaaliyeed ay mowqif cad ka
istaagaan oo aaney qabiil ku soo dhoweysan Cabdullaahi Yuusuf.
Siciid C/fataax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri "Soomaalida
waxaa u cadaatay in reer Puntland maanta ey faraxsan yihiin, oo ay
ka dhaadhacsan tahay in Cabdullahi Yuusuf uu guul qabiil u soo
hooyay, balse markii aad dhinaca kale u rogto uu soo jiiday boog
ummadda Somaliyeed aaney iloobi doonin iyagana lagu weel duwi-dooni,
waayo Soomaalida badankeed waxa ey aaminsanayeen in aan cidna soo
dhaweyn-doonin Cabdullahi Yuusuf oo uu yahay shaqsi dunuub badan ka
galay ummadda, wuxuun ahaa Ninkii ku fashilmay in uu dakiisa iyo
dalkiisa wax u qabto, cadow soo jireen ahna dalka ku soo hogaamiyay,
ninka sidaa ah beey maanta reer Puntland waxey ku soo dhaweeyeen
firaash iyo ubax.
Hadii taakiikhda dib loo raaco
reer Puntland, waxey ka mid ahaayeen, dadkii gobanimada halganka
dheer wax ka soo kifaaxay hase ahaate waxaa nasiib daro ah in maanta
guushaas ey u egtagay mid sii wiiqmeysa, oo aad ku daba-feesheen nin
aan adinkana arxan idiin aheyn, ummad kale arxan u aheyn dantiisa
qaaska ah oo guracan oo qabiilka madax kamaray ha ku halaagsamina
maalkiinaiyo ubadkiina hambadii ka soo hartayna dhowrta. Ma la is
weydiiyay kuwa barlamaanka ku jiray, waxa ey diyaarad u soo wada
raceen oo laga waayay nin yiraahda war halkee u soconaa! ma inaga
ayaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?. Hadii idiin dul maro
sheekadaan oo badiyaha ka dhacday: Nin baa wiil uu dhalay habeen
Libaax la baxay, waagii markii uu baryay ayaa ninkii yiri
ilama-adeerayaaloow Libaaxii wiilkeyga halay
Saqdii dhexe la tagay ha la ila soo dilo, sidii baa loogu gurmaday
ninkii, markii maalin galinkeed la marayay ayaa geed hoostiis laga
helay Libaaxii oo raqdii wiilka cunay fadhiya, markii indhaha la isi
saaray, baa ninkii wiilka laga cunay yir, bal fiirsha indhihiisa
sidii isaga oo aan waxba iga haleen! marka Somali jid iyo jadiine
kooxdaas oo maanta sawirka ey Qaran siiyeen lagu mithaali karaa dad
aan wax dambe Banaadir, looboow loo jooge.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa. Saddax aarsi ayaa umadda Somaliyeed
soo wjahday:
A) Waa Ethiopia oo colaad fac-weyn naga
dhaxeysa nagana dhaxeyn-doonta
B) Waa Mareykanka, oo maamulka Bush
wacad ku maray in uu u aaro 19kii Muqdisho diyaarada lala riday
aarsashadaas oo uu soo qoray nin u ahaa kaaliyaha kowaad xagga
Guriga Cad book uu soo baahiyay.
C) waa Cabdullahi Yusuf, oo isna wacad
ku maray isagana in uu dad hoobiyaasha taankiyada xabashida uu
umadda Banaadir ku laayay dad kumnaana berriga iyo badaha ku shubay
Dayniile
|