QAABKII CIGAAL KU SOO GALAY SAAXADDA SIYAASADDA
-sida la wada ogsoon yahay , Xaaji Ibraahim Cigaal (Qasaalle) wuxuu
ahaa maal-qabeenkii ugu xoogga dhaqaalaha ganacsi roonaa, tujaartii
markaas ka Jirtay somaliland, wuxuuna ahaa nin kii ugu horeeyey ee
loo magacaabay inuu Madax ka ahaado Horumarinta Hoggaaminta
Deega anka Berbera oo xiligaas loo yiqiin
Town- Ship Authority, isagoo ahaa masuulkii ugu horeeyey ee Dejiyey qorshaha iyo habeynta
bilicsamida jidadka iyo wadooyinka Magaalada ee suuqyad da magaalada
,taasoo lagu xasuusto siduu u habeeyey una diiwaangeliyey, dhammaan
gurya ha iyo xaafadaha Magaalada , iyadoo la raacayo qorshihii
Ingineernimo ee Mr booldhan(Bolda n Plane)
- Xaaji Xbraahim , wuxuu Wiilkiisii
Maxamed Ibraahim ugu diray dalka
Ingriiska inuu soo Barto Arrimaha dhaqaalaha , si uu u Horumariyo
Ganacsigiisa , una Hanto Maamulka Ganacsigiisa , sii xoogeysa-naayey,
iyadoo shaqaalihiisuna ay u badnaayeen Carab iyo Hindi .
-Maxamed Xaaji Ibraahim markuu Ingriiska ka soo laabtay ee uu
Berbera yimid ,waxaa Xaflad soo dhawyn ah loogu Sameeyey Xaruntii
Golaha kulanka Rayidka (Civil Centre), Halkaasoo si diiran lagu soo
dhoweeyey Khudbado ku baxay Afafka Carabiga iyo Ingriiska , waxaana
Siyaas iintii halkaas ku soo dhaweeyey ka mid ah ahaa:
1. Maxamuud Jaamac uur-doox
2. Cali Qawdhan
3. Yuusuf iimaan
4. Ibraahim Cali Habarwaah
- Xiligaas waxa socotay dabayshii dhaq-dha-qaaqa Xornimo doonka
waxaana si xawlli ah oo taabbo-gal ah dalka uga jiray xisbigii
S.N.L,
waxaana markaas Madaxda Xisbiga Hormood ka ahaa
Xaaji Faarax Jire
Xandulle ( Gudoomiye) iyo
Cali Qawdhan ( Xoghaye)
- Markii la Arkay oo laga wada Dareemay Degmooyinka dalka oo dhan,
Cod-karnimada, Hayba dnimada iyo
Hoggaaminta ilaahay ku manaystay
Maxamed Ibraahim, ayaa Odaayshii iyo wax-garadkii Berigaas (1954)
Shir ku yeesheen Magaalada Burco , waxayna isku raaceen inuu Ma xamed
ahaado Xoghayaha Guud ee Xisbiga
S.N.L waxaana raggii Jagadaasi
Maxamed ku Khas bay ee soo geliyey saaxadda Siyaasadda ka mid ahaa:-
1. Xaaji Xasan Geele
2. Xaaji Abokor Xaaji Faarax
3. Xaaji Jaamac Warsame
4. Xaaji Siciid Cabdi
5. Carmiye Odowaa
6. Xaaji Jaamac Maxamed
(Mi`ateyn)
7. Xaaji Faarax Suusle
8. Xaaji Aadan yaaxeen
9. Xaaji Faarax Jire
Xandulle
10. Sheekh Cumar Askar
11. Sheekh Cabdulaahi Abuu-site
12. Xaaji Yuusuf Cali Hurre
13. Aaadan Cumar Furre
- Maxamed Ibraahim kumuu seexan kumuuna soo toosin
inuu siyaasi
ahaado,isaga oo ku taa mayey inuu si dhab ah u hanto Ganacsigii iyo
Hantidii balaadhnayd ee uu Aabihii u Aaas-aasay.
- Hase yeeshe Odayaasha kor ku sheegan ayaa ku Qanciyey inuu
Saaxadda Siyaasadda soo galo oo uu isu Habeeyo isuna dhigo
Hogaaminta Mustaqbalka Dalka.
- Sida runtu tahay Maxamed waxa uu ahaa nin
Qalbi Furan oo saaxiibtinimo leh,
kaftan badan oo ragga ay siyaasadda iskaga soo
hor jeedaan kasban og, soona jiidan kara.
- Maxamed markii uu Aqbalay Codsigii Odaaysha Xisbigu u soo
jeediyeen, wuxuu Meel Fagaare ah ka yidhi,
Madaxnimadu waatii laguu
Garto ee maaha taad Adigu doon-doonto, wuxuuna ah aa
Geesi Haybad leh
oo Dal iyo Dad yaqaanba
ah oo aan cidina uga sheekayn Karin
Duruufaha yaala Degmo iyo Gobol kasta,una ah Xog-ogaal Buuxa oo
Dhammays tiran.
- Komoshinkii Doorashooyinka ee ugu horreeyay,wuxuu
Maxamed kaga
tegay Dar-darnkiisi ug u Danbeeyay oo ahaa Inay Cadaalad ku
shaqeeyaan uguna Garsooraan Axsaabta tartamaysa
kana fogaadaan eex
iyo Dulmi kuna Dedaalan sidii ay mar kastaba u raali-gallin
lahaayeen muc aaridka Oomman una Qancin lahaayeen, si ay u Helaan
kalsoonidooda
SIDAASI IYO NAXARIIS JANO
By: Axmed Aadan Cali Goodir |
|