Qaadhaankii Jaamacada Gabiley Ma Badhasaabka G abiley ayaa la degay mise Ololaha Xisbiga UDUB ayay ka dhex raacday?

 

Tan iyo markii Gabiley loo macaabay Gobolka 22/03/2008 waxa dadwaynaha reer gabiley ubaryay waa Cusub oo wakhtigiisa iyo waayihiisaba wata, waxaana isugu biiray farxada Gobolka oo ay mudo dheer sugayeen, oo ay u soo mareen dhib iyo  dhe ef-ba iyo Maamul Cusub oo qurba jooga oo xilkii Gobolka loo  ma gacaabay, waxaa soo baxay rajooyin iyo ididiilo horleh oo la  ko wsaday Gobolka curdinka ah iyada oo dadku ka filayaan  horum ar iyo Mashaariic wax ku ool ah, Maamulka Cusub ee Gobolka Gabiley waxay  dar dar galiyeen markii loo magacaabay hawlo badan oo ay ka mid ahayd Gudida  hor umarinta Gobolka oo la dhisay, iyo Qaadhaan ururinta jaamacada iyo Dhakhtarka Gabiley,waxaanay noqotay Talaabadii ugu horaysay ee Lagu farxo soona jiidatay qof kasta oo rajo ka qabay in gabiley horumar gaadho.

wax yar ka dib waxaa uu Madaxayne Rayaale Digreeto ku Amray Jaamacada  Ga biley oo uu Wasiirka Waxbarashda Xasan Gadhwayne dhagax dhigay,taasi  wax ay soo noolaysay rajadii ardaydu ka qabeen hirgalinta Jaamacada, Badhasabka Gabiley ayaa isaguna kulamo la yeeshay Maamulka Jaamacada Camuud ee  Bora ma, waxaanu kala hadlay sidii loo hirgalinalaa jaamacada Gabiley Univesity, dad badan ayaa is waydiinayay Dhagaxdhigaasi armuu noqdaa kii xukuumada riyaale lagu yaqaanay ee Dhisme aan jirin inta la dhagax dhigo dabadeeto halkaa lagu ilaawi jiray, wax yar ka dib Badhasaabka Gabiley Mr.Xabiib waxa uu u ambabaxay Safar dibada ah oo uu ku sheegay inuu Jaamacada Gabiley qaadhaan ugu  raadin ayo, safarkaasi oo uu ku soo maray wadamo badan oo ka mid ah Qaarada yurub, halkaasi oo uu kula kulmay jaaliyadaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka oo balan qaadyo badan uu ka soo sameeyay, ka dib markii uu soo noqday waxaa uu noo sheegay inay fuliyeen Balanqaadkii kaliya laba jaaliyadood oo kala ah  Jaaliy ada Feland iyo jaaliyda Woqooyiga swedan, halka wali aan la hubin inay oofiyeen Balantii jaaliyadaha kale. Gudoomiya Xabiib waxa uu Saxaafada lab jeer ka  shee gay in la dhamaystirayo Jaamacada Gabiley iyo Dugsiga caafimaadka lagu barto Dabayaaqadii sanadkii 2008 ilaa horaantii 2009, isaga oo waliba ku daray in  ard ayda sanadkan ka baxaysay Dugsiyada Sare la bilaaban doonaan  Waxbarashad ooda iyaga oo ku qaadanaya Gabiley University.

Hadaba waxaa is waydiin leh Maxaa hakiyay Firficoonidii iyo dardartii cusbayd ee loo hayay Hawlaha horumarka Gobolka? Mise qofkii Xukuumada riyaale ku biira maalintaasi ayaa runta ugu danbaysa? Maamulka Gobolka Gabiley waxa uu ku fashilmay arinta Dhismaha Jaamacada Gobolka, waxa ay dhawaan ka bilaabeen magaalada arabsiyo Xaflada kale oo qaadhaan ururinta jaamacada loogu magac daray, ma garanayo in Ololaha udub Qaadhaanka loo ururinayo iyo in jaamacad loo ururinayo, waayo waxaa isku dhex milmay hawlihii Danta guud iyo Dantii  gaa rka ahayd ee raali Galinta Xukuumada Rayaale. Qaadhaan ururintaa danbe ee dalka laga sameeyay Waxaa la filayay inay daboosha baahiyaha Aasaasiga ah ee Gundhiga jaamacada, si,aanay ardayda Sanadkan baxaysaa uga hadhin  san ad dugsiyeedkooda, oo ay ku qaataan Gabiley University.

Balse waxaa dhabar jab ku noqotay dadwaynaha reer Gabiley Maamulkii Gobolka oo ku mashquulay ololaha udub ku kaliyaysatay, oo maalin walba ku hawlan sidii ay usoo ururin lahaayeen dhalinyaro ay ku raali galinayaan Daahir riyaale oo ay leeyihiin Waxay ka soo bexeen xisbiga kulmiye oo noqotay Mashruuca ugu wayn ee Amaanta laga kasbado Madaxtooyada Somaliland, Taasi oo ay ku tartamaan Maamulka gobolka iyo Golaha deegaanka, halka uu Badhasaabku bilad sharaf  ka ga qaato Hawlaha kala jabinta axsaabta mucaaridka ah. waxaa kale oo uu  Ma d axtooyada u hayaa Hawlo badan oo ay ugu wayntahay danta Gaarka ah ee raali galisa Madaxwayne Riyaale iyo Marwadiisa koowaad Huda Barkhad aadan, Hadii aan tusaale Gaaban ku soo qaato, Isu soo Bixii kulmiye ee gabiley waxa uu isu dayay inuu baajiyo, isaga oo dib uriixay hal maalin,balse aanay usuuro galin in uu baaqdo isu soo baxaasi oo laga sameeyay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, iyada oo loo diiday inay lagu qabto fagaaraha khayrida oo kaliya loo ogolyahay xisbul xaakimka udub iyo Cid si gaar ah utaageeraysa Daahir riyaale, waxaanay ku qabteen Munaasabadii isu soo baxaasi Xarunta Dhexe ee Xisbiga kulmiye uu ku leeyahay Gabiley.

Isla markii uu bilaabmay Banaanbaxyada xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye kaga soo horjeedo Diiwaan galin la,aanta doorashooyinka iyo Go,aamadii Komishanka ayaa waxaa uu bilaabay Badhsaabku inuu u kuur galo Bal waxa ay mucaaridka ka kala hadlayaan Dadwaynaha reer gabiley,Waxaa uu dhuumasho ku soo galay Farmasi ka soo horjeeda Xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye oo ahayd barta lagu qabanayo isu soo baxa masuuliyiintuna ay kala hadlayaan dadwaynaha, waxaa na uu ka dhagaysanayay khubadaha kala duwan ee ay halkaasi uga jeedinayaan masuuliyiinta kulmiye dadwayne-ha reer gabiley, Banaan baxaasi waxaa uu ka mid ahaa Banaan baxyadii ugu waawaynaa ee Abid ka dhaca Gabiley, waxaana Goob joog ahaa Gudoomiye, ku xigeenka koowaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Abiib Timacad, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) iyo Masuuliyiin tiro badan oo magac wayn ku leh xisbiga kulmiye, Badhasaabku waxa kala waynayd dadkii  daawana yay sida foosha xunleh ee uu ukhaawisayay Madaxda kulmiye iyo  Banaanbaxy ada dadwaynuhu kaga soo horjeedaan xukuumada sirdoonka uyahay, Danta  ga arka ee uu ku raali galinayo Madaxwayne rayaale.

Waxaa iswaydiin Mudan in la ogaado halka sartu ka qudhuntay? Dad badan ayaa Aaminsan in Xabiib loo keenay Gobolka in uu wiiqo Awooda baaxada leh ee  Muca aridku ku leeyihiin Gabiley, taasi oo tusaale kuugu filan talaabooyinka bilawga u ah Hawlaha loo igmaday oo uu ku talaabsaday, isaga oo ay dadku  aaminsanaa yeen inuu wax wayn kusoo kordhin karo gobolka, laakiin aan laga filayn inta  dhal inyaro lasoo ururiyo inuu yidhaahdo arinta ceelbardaale reer gabiley baa ku  qal dan, awdalna sax ayay ku taagantahay.

Waxaan kula dardaarmayaa Maamulka Gobolka Gaar ahaana Badhsaabka inaanu ka dooran Masiirka umada iyo Karaamada uu ku dhex lahaa, raali Galinta shakhsi dan gaar ah loo fulinayo iyo Xisbiga taagta daran ee taageerada looga  raadina yo Gabiley, Arinta jaamacadan waxaan leeyahay, Hadii Daacad laga yahay in Gabiley loo dhiso jaamacad aan Kolba cid ku qaadhaaman, balse hadii anay jirin cid dan gaar ah ka wadata arintaasi, Dugsiga Hoose ee ka dhisan Gabiley  magaa lada korkeeda oo aanay cidi ku jirin wakhti xaadirkan in la dhamaystiro  dhismi hiisa halka laga bilaabayo sees Cusub oo kale, somaliladu waxay tidhaa “Dani waa seeto” waxaa muhiima in horta waxaad haysato aad wax ku darsado oo la qabyo tiro, waa hadii la doonayo in dadka wax sax ah loo sheego oo aan la marin habaabin. Hadii kale waxay noqon doontaa dhakhtarkii Gabiley ee Marka ololuhu soo dhawaado Marwada madaxwayne riyaale kolba inyar ku dari jirtay,Qurba jooga iyagana waxaan odhon lahaa Hadii ay daacad idinka tahay inaad dadkiina wax uqabataan usamaystay Gudi ka madax badanaan siyaasad ku sheegta  Som aliland ragaadisay oo usmaystay Dad daacad ka ah Danta guud iyo masiirka umada Somaliland.





Wa bilaahi Tawfiiq



 

Nimco Muxumed Ibraahin
qaali540@hotmail.com
Hargeisa  Somaliland