Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Hargeysa oo dareen Cabsi leh iyo Saadaal xun ka bixiyey Waraabe si xad dhaaf ah ugu soo badanaya Gudaha Magaalada

 


Hargeysa(TNN)-qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha Shacabka iyo New Hargeysa ayaa dareen Cabsi leh iyo Saadaal xun ka bixiyey Waraabe si xad dhaaf ah ugu soo badanaya Xaafadahaasi,kaasoo habeenkii marka ay cagtu yaraato sida Eyga u soo gala xaafadaha dhexdooda.


Daweynaha Xaafadaha Agagaarka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sheegay in middooyinkii u  da mbeeyey uu xiliga Habeenkii ee cagtu yaraato ama la kala hoydo Waraabahaasi si baraad la’aan ah oo aan cabsi ku jirin isaga dhex yimaado Xaafadaha, isla markaana wakhti kala duwan lagu arkay  isa ga oo Guryaha iska hor maraya ama hor taagan,waxaanay tilmaameen in waraabahani khatar ku ha yo nolosha dadka iyo Xoolaha ay haystaan, gaar ahaan Riyaha iyo Digaaga oo inta badanba Guryaha hortooda xero aan aad ku adakaun looga sameeyo.


Mid ka mid ah Raga Waardiyayaasha ah ee Habeenkii ilaaliyaha Meheradaha iyo Xaafadaha Dhaktarka ku dhaw ayaa Waaheen u xaqiijiyay in uu tiraba Saddex habeen oo aan kala fogayn Waraabahaasi ku arkay Xaafadaha dhexdooda iyo Hareeraha Laamiga hormarta dhakhtarka isaga oo Maraya xili ay  Me heradaha Ganacsiga iyo xaafadaha qaarkoodba soo jeedaan,kaasoo hore aanu u arki jirin balse  mud do dhawr bilood ah Guddohood halkaasi uu ku arkayay.


“Habeenkii Sadexaad ayaan waraabahan ku arkay isaga oo laamiga iska dhinac taagan,waxaanu  hab een walba galaa Xaafadaha Dhakhtarka ka dambeeya,markaa bahalku waa Gu’haan oo laba mid uun buu Saadaalinayaa, in dalka Colaadi ka dhacayso oo laga Qaxayo iyo in Abaartu sii daba dheeraanay so” ayuu yidhi Mr Shabag oo ka mid ah Waardiyayaasha ilaalisa Meheraha Dhaktarka hortiisa ku yaa la.


Nin isaguna ka mid ah Dadka Meheradaha ku haysta Agagaarka Cusbitaalka Guud ee Magaalada Harg eysa ayaa sheegay in Waraabahani uu Muddooyinkan dambe ku soo batay Magaalada gaar ahaa Xa afada Shacabka,isla markaana xiliga Habeenkii lagu arko Xaafadaha dhexdooda isaga oo maraya,wax aanu xusay in uu isagu tiraba dhawr jeer ku arkay eeriyada Cusbtitaalka,habeenada qaarkoodna isa ga oo Cusbitaalka gelaya laga eryaday Albaabka hortiisa.


Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan Xaafada New Hargeysa ayaa qaarkood sheegeen in Waraabe badan oo aan hore u soo geli jirin Xaafadaasi hada joogo,kaaso wakhtiga Habeenkii ah Xaafadaha dh ex Meeraysta,waxaanay intaasi ku dareen in Waraabahani Haraad dartii ugu soo badaanayo Magaala da si uu biyo uga raadsado meelaha Biyaha lagu keydiyo ee qasabadaha Xaafadaha.


lama oga ilaa hada sababta keentay Waraabahan ku soo badanaya Gudaha Magaalada balse dadwey naha arintan aanu wax ka waydiinay ayaa isku raacay in Haraad awgeed uu Magaalada u soo galay,i sla markaana Khatar ku keeni karo Bulshada iyo Xoolaha ku dhaqan Gudaha Magaalada hadii aan wax laga qaban.

 

Source:Waaheen