Qaar ka mid ah Ergadii Xalinta Shaqaaqada
Ceelbardaale oo Xabsiga la dhigay?
Hargeisa (Longlivesomaliland
News)-Laba oday oo ka mid ah Ergadii dhex dhexaadinta u
metelayay gobolka Gabiley xallinta shaqaaqadii deegaanka ceel
bardaale ayaa caawa ciidamada booliisku xabsiga u taxaabeen.
Ilaa imika lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay xadhigooda
hasa ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay oo la soo xidhiidhay shabakada
wararka Longlivesomaliland News caawa cawayskii wax yar uun ka dib
markii labad aasi oday la xidhay ayaa noo sheegay in ay
labadaasi kala yihiin: oday Cali Cabdillaahi Xareed (Weerar) iyo
oday Aaden Cilmi Ceelaabe
( Aaden Dheere). Waxa wararka aan ka helayno gobolka Gabiley oo lagu
kalsoon yahay ay intaa ku dareen in labadaasi oday laga soo kala
qabtay Magaalada Kala baydh iyo Gabiley ka dibna loo taxaabay
xabsiga dhexe ee Magaalada Gabiley.
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu khadka telefoonka kula
xidhiidhno masuuliyiinta gobolka si aanu arintaasi faah faahin uga
helno, hasa ahaat ee, taasi nooma ay suurto galin.
Xadhigan labada oday ayaa ku soo beegmay waqti ay xiisada shaqaaqada
ceel bardaale aan ilaa imika wax xal ah laga gaadhin. Waxa kale oo
arintan lala xidhiidhinaya soo qabasho la’aanta dadkii jidgooyada ka
gaystay jidka udhexeeya kalabaydh iyo dilla.
Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Odayaasha kala soco
shabakada wararka ee Longlivesomaliland News
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland
|