Qaar ka mid ah Haweenka Qurbajoogta Somaliland ee Da lka UK oo Kormeer ku Soo maray Goobaha Adeegyada Bulshada Gabiley.

 



Haweenka Qurba joogta ah oo ay Hogaaminayso Marwo Kowsar Muxumed Bille.......
Daawo Sawiradda

 

Gabiley (TNN)- Qaar ka mid ah Haweenka Qurbajooga somaliland ee ka soo jeeda Gobol ka Gabi ley oo Booqasho ku tagay Magaalada Gabiley kuwaasi oo kormeer ku soo maray Goobaha Buls hada loogu Adeego sida Cusbitaalka, Dawlada hoose iyo Xarunta Agoom aha.

Haweenka Qurba joogta ah oo ay Hogaaminayso Marwo Kowsar Muxumed Bille ayaa waxaa K ormeerka ku wehelinaysay Cibaado Maax Cilmi iyo Raxm Xasan oo ka mid ah Qurba joogta Re er Somaliland ee Wadanka Ingiriiska iyo Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gabiley.

Haweenka ayaa kormeerkooda ka bilaabay Xarunta Agoomaha Gabiley oo ay ku soo dhaways ay Gudoomiyaha Xaruntaasi Marwo Safiya aw Aadan meecaad, Waxaanay halka asi kaga dha gaysteen Warbixin dheer oo ay ka waramayso Xaalada Agoomaha Gabiley ay ku suganyihiin Wakhtigan iyada oo ka faahfaahisay dadkii gacanta ku haya oo uu hormood uyahay Ganacsa de Jaamac Oomaar oo Raashinka bil walba siiya iyo Qurjooga reer somaliland oo iyana gacan ka gaysta.

Marwo Kowsar Muxumed Bille ,oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu f araxsantahay in ay aragto Xaalada Agoomaha Gabiley ku suganyihiin iyo baahiy aha haysta wakhtigan si ay ugaadhsiiso dadka dibada xaalada nololeed ee ay ku nooly ihiin, Waxaanay Balan qaaday in ay wixii karaankooda ah soo gaadhsiin doonan iskuna xidhi doonaan Haween ka Gabiley iyo Haweenka dibada.

Ubax Cumar Gaafane oo ka mid ah Haweenka Gobolka Gabiley ayaa iyana sheegtay in ay wax u qabtaan Agoomaha iyaga oo inta badana gaadhsiiya Caawimooyinka ay soo diraan Qurba joogu, loona baahanyahay in La isku duubnaado oo laga tashado Baahiya jira marwalba.

Haweenka Qurbajooga ahi waxa kale oo ay Booqasho ku tageen Xarunta Maamulka Da wlada hoose ee Degmada Gabiley oo kulan kula yeesheen Maayarka Magaalada Khadra X.Ismaaciil Yoonis, halkaasi oo ay ugu soo bandhigeen maayarka Ujeedada kormeerko oda oo ay xuseen in ay soo indho-indhaynayeen Xaalada Gobolku kusanyahay iyo sidii loo samayn lahaa isku xidhka haweenka Dalka iyo kuwa qurbaha.

Marwo Kowsar Muxumed Bille ayaa Amaan usoo jeedisay Maayarka Gabiley oo ay tilma amtay talaabada muuqata ee ay qaaday iyada oo ku hambalyaysay waxqabadkeeda joogtada ah. Sidoo kale waxay xustay in lagu dhiirado Wax qabadka Maayarka Gabiley waxaanay ku boorisay in haween kale oo noocan oo kale ahi soo baxaan iskaashina laga wada yeesho Horumarka bulshada ku dhaqan Gabiley.

Maayarka Gabiley Marwo Khadra X.Gaydh oo iyana kulankaasi ka hadashay ayaa Warbi xin ko oban ka siisay Xaalada Guud ee Gabiley gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay intii ay xilka hay say , waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay Xaalada Dhakhtarka, Agoomaha iyo Guud ahaanba Degmada.

Khada X.Gaydh ayaa sheegtay in aanay meel kale waxba uga iman balse Dadkhligii maali nlaha ahaa ee degmada wax ka qabsadeen, waxa kale oo ay sheegtay in Bilicda magaal ada iyo jidadka wax wayn ka qaban doono, iyaga oo furi doono jid kasta oo xidhan iyo goobaha Wadooyinka ee Dadka qaarkii oodaha dhigeen, taasi oo bilicda Magaalada wax u dhimaysa.

Haweenka Qurbajoogta reer Gabiley ee Dalka Uk ayaa sidoo kale Kormeer ku soo maray Cusbitaalka Guud ee Gabiley halkaasi oo ay Warbixin kaga dhagaysteen Dr. Deeqa Cum ar X. Siciid, waxaanay si kooban ugu sharaxday xaalada bukaanka iyo guud ahaan baa hiyaha cusbitaalka Gabiley ee wakhtigan.

Dr.Deeqa Cumar waxay sheegtay in Sanadkan gudihiisay ay ku Qashay 30 dumar ah, bis han gudeheedana ay Qaleen 8 dumar ah oo Caruur lagu jeexay, Dr.Deeqa waxay intaasi raacisa in baahida ugu wayn ee Wakhtigan Cusbitaalka ka jirtaa ay tahay laydhka oo habeenkii ka go,a iyaga oo aan haysan ijiino waawayn oo habeenkii loo shido dadka bu kaanka ah ee u baahan in loo shaqeeyo.

Ugu danbayntii Haweenku waxa ay kormeerkooda ku soo Afmeereen Xarunta Jaamac ada Timacade ee Gabiley halkaasi oo ay ku soo Arkeen Waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ka mid ahaayeen Maktabada Buugaagta jaamacada iyo Waliba Fasalada Comp uterka oo si fiican u qa labaysan.
 




Mustafe Future
Timacade News Desk
Gabiley/ Somaliland
mccfuture@hotmail.com