Qaar ka mid Xildhibanada Barlamaanka Somaliland ee laga soo Doorto Galbeedka Burco ayaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Ku Eedeyey in aanu Wax Ceelal Biyood ah aanu ka Qodin deeganka laga Soo Doortay

 



Hargeysa (TNN) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Guurtida ee beesha galbeedka Burco, ayaa Mar kale Dhalecey Wasiirka wasarada Macdanta iyo Biyaha Xussen Cabdi Ducale oo ay ku Tilmaamen Mid Beeshiisa uu u sadburiyey Dhinca Biyo Soo saarka Dalka, Waxa kale oo ay X usseen in Deeganka laga soo doorto aanu Wasiirku Wax Ceel Biyood ah ka Hirgalinin.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Hotel KAAH ee Magalada Harg eysa.

Shirkaasi wax hadalo ka jeediyey Xildhibaan Xaashi Xussen Caabi, Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Ya asiir, Xildhibaan Saleeban Cawad Bukhaari, waxayna si adag u Naqdiyeen Wasiirka Wasarada Mac danta iyo Biyaha oo ay ku Tilmaameen Mid kala Fogeynaya Beelaha Somaliland.

Xildhibaan Xaashi Xussen Caabi oo ugu horeyan Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa wax uu Si kulul u Naqdiyey Hadal hore uga soo baxay Wasiirka oo uu ku sheegay in uu Ceel Biyoodyo ka Hirgaliy ey Deeganka Xildhibanadaasi ka soo jeedan, waxanu Xildhibaanku sheegay in warkaasi wasiirka ka soo baxay aanu sal Iyo raadtoona lahay. Waxanu yidhi” Waxa halkan Ka Cadeynaynaa in Wark ii uu hore warbaahinta uga Sheegay wasiirku ee uu ku yidhi Ceelal Biyoodyo ayaa ka hirgaliyey Deeganada Galbeedka Burco iyo Gobolka Sanaag warkaasi wax ka jiraa ma jiro, waana Been Cad oo uu wasiirku sheegay kuna Hafrayo dadka deegankaasi ku Nool.”Ayuu yidhi wasiirku.

Dhanka kale wax iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasiir, Xildhibaan Salee ban Cawad Bukhaari, Waxayna Sheegen Aan Deegankooda wax Ceelal ah laga qodin, Waxanay M adaxweynaha ugu Baaqeen in uu arrinta ay ka Cabanayaan uu Guddi Dhex dhaxaad ah u dirro si ay Xaqiiqda u soo Arkaan, Wax kale oo ay ka hadleen Shirkada Biyo galinta Magalada Burco ee Gaar ka loo leeyahay ee Naafuuro, waxayna sheegen in shirkaadasi tahay mid Bulshada Magalad a Burco ka Haqabtirtay Biyaha, iyaga oo sheegay in shirkaadasi iyo Cid walba oo muwaadin ahi xaq u leedahay Maalgashiga.

 

 

source:waaheen