Qaar ka
mida Madaxdhaqameedyada oo Siyaasada ku dhex milmay & Khatarta ay
Gelinayaan Somaliland. Qaybtii 1aad......
Kaaramadeena kuma jirto
Madaxdhaqameed la yeesho balse waxay ku jirtaa Midnima da oo
la xoojiyo….. caan ku yahay sida Nabadda looga shaqeyn lahaa iyo
xoojinta daris wanaaga , si weyn looga qadariyo gudaha Degaanada uu
ka soo jeedo. ……. lagu door to in uu ku sifoobo Milgo iyo
Karaamo laguna soo xusho Diin oo ay ku dheehantahay ca qliyad
iyo aminimo uu Alle ku manaysto taaso uu Berito ku dhaqi karo umada
uu Mada xda u noqday, Hogaaminta umada uu masuulka ka
noqonaayo waa in uu ahaa nin lagu bartay waxkasta oo wanaagsan sida
Karti iyo isku soo dhawayn dadkiisa, dhaqamadii iyo Astaamihii uu
lahaa……midnimadeeda raadin doono dhamaan umadda oo dhan iyo waliba
tan gaar ahaneed ee Beeshiisa …
Waxaan hawada idiin soo Gudbinayaa Salaan Sharaf badan haddii aad
tihiin Saxaafad da Somaliland iyo macaamiisheedaba,
Waxaan ku eegaynaa Qormadeenan Qiimihii Madaxdhaqameedku ku lahaa
Bulshadeena dhexdiisa oo ku Salaysnaa karaamo iyo sharaft aad u
heersaraysay , Lakiin waayadan u xuubsiibtay karaamo-dhac iyo Aafo
aad u Weyn.
Xikmada ku dhexjirta ama faa,iidada ku duugan si loo sameeyo
Hogaanka Madax dhaq ameed ayaa ku salaysan mideynta
Beesha dhinac kasta , taasooo lagu doorto in uu ku sifoobo Milgo iyo
Karaamo laguna soo xusho Diin oo ay ku dheehantahay caqliyad iyo
aminimo uu Alle ku manaysto taaso uu Berito ku dhiqi karo umada uu
Madaxda u noqd ay, Hogaaminta umada uu masuulka ka noqonaayo
waa in uu ahaa nin lagu bartay wa xkasta oo wanaagsan sida
Karti iyo isku soo dhawayn dadkiisa, dhaqamadii iyo Astaa
mihii u lahaa … Madaxdhaqameedku wuxuu caan ku yahay Nabadda looga
shaqeyn lahaa iyo xoojinta daris wanaaga , uuna noqdaa shaqsi si
weyn looga qadariyo gudaha Degaanada uu ka soo jeedo.
Xaflada Caleemo saarka waxaa lagu soo gelbiyaa raxan Fardo ah iyo
iminka oo baabuur lagu soo daray lays daba-joojiyo aadna loo sharaxo
iyo sidoo kale odayaal iyo dhaliny aro sita caalamada dharka
hidaha iyo dhaqanka, raxanta fardaha ah ayaa waxaa soo fuula
dhaliyaro aad u taqaan farda fuulka iyada oo gelbiska laga bilaabo
guri ku yaal meesha magaalada ugu dhow badhtankeeda ilaa barta
caleemo saarka , gelbisyada ayaa noqon jirey kuwa aad kuu soo
jiidanaya waxaa looga sii gudbaa goobta ay xaflad u
tahay,waxaa ku jirta iyadana Caanoshub waxaana lagu shubaa Caano
loogu talo-galay ,waxaana ku shuba mid ka mid ah cuqaasha beesha ama
shaqsi qiimo badan leh oo uu Hogaamiyahaasi ka jeedo.
Isla markiiba Waxa uu xusaa Hogaamiyahaa la boqray in uu
midnimadeeda raadin doo no dhamaan umadda oo dhan iyo waliba
tan gaar ahaneed ee Beeshiisa, M/Dhaqame edku Doorashadiisa ka dib
ayaa Bulshadiisu waxaa ay Ballan qaadi jireen in ay la shaq
eyn doonaan , islamarkaana ay ku garab istaagi doonaan sidii uu u
fushan lahaa howli hiisa shaqo, waxayna kula dardaarmi jireen
in howshiisa dhaqanka ah si daacad ah u guto.
Kaaramadeenu kuma jirto Madaxdhaqameed la yeesho balse waxay ku
jirtaa Midnima da oo la xoojiyo
Intaas aan Araar u daayo’e waxaan doonayaa in aan maqaalkan ku yara
eegno qiim aha Hogaamiye Dhaqameedku ku lahaa dadkii hore ama
Soomaalida guud ahaan, iyo Bililiqada loo geystay xagga Dhaqanka ama
ku timi iyo saameynta ay ku yeelatay Buls hada iyo weliba cida
u ehelka ah waqtigan xaadirka, Waxaana aan filayaa Runtii Maan
ta in Bulshadu ay ka wada dheregsan tahay Arimaha ku saabsan Habkan
guracan ee loo isticmaalayo Madaxdhaqameedka.
Habka Samaynta Madaxdhaqameedka : waa Milgo iyo Maamuus Beel ama
Beello waxa ana loo dhiibaa Qofka ugu mudan Beeshaas, waxaa ku
weheliya Guddoon Weyn oo gar ashadiisa leh Hogaanka
Madaxdhaqameedkuna waxa uu Astaan u yahay ama Calanka u sidaa
Calaamadda Cimaammadda Astaana u ah ee Madaxdhaqameedka Beesha, Waxa
weliba taa guud u dheer tiisa gaar ahaneed oo ahayd Odeyinimo
Dhaqankeena iyaduna ah Derejo kale , oo laga rabo markasta Xaajo
Odey, markuu Hogaan Madax dhaqameed yahayna waa Wakiil
umaddeed oo Qaran ama Qoys, Had iyo jeerna Xaaj ada uu gelaayo
waa inay noqotaa mid Dhaqankii iyo Guddoonkii Beeshaba ka soo
dhammaaday Go;aankiina uu isagu sido.
La Soco Q/2aad, … Su,aal ….Yaa iska leh Xulashada Madaxdhaqameedka
……?... Hadalka ugu horeeya …..balanqaado.. amaanadan loo dhiibay uu
u gudan doono sidii uu Ilaahay raali ka yahay isla markaana Beesha
Caleemo saaratay uu ku dhiqi doono sida Shareecadu raali ka tahay,
isagoo ka fogaan doona wax kasta oo keeni kara Dulmi iyo Xad-gudub,
..Waxaa ka reebanaan jiray, wax kasta oo meel ka dhac amase gef ku
ah sharaftiisa iyo tan Beesha uu Madaxdhaqameedka u yahay haddii …
odhaah ahaan iyo dhaq dh aqaaq ahaan……dhaxal siiso ama
aynu dib uga hadhno Hanaanka Dawliga ah ee aynu Hiigsanayno iyo
Nolosha Casriga ku qaabaysan inaynu seegno, …… aynu wada degno aynu
u sii kala baxno Jilib-jilib iyo Caasimada oo looga huleelo
Madaxdhaqameedka ha dh iyo habeen la taagan anagaa leh…Tvyada
.. taasina ay dhulka la sinto ama dumiso Qaranimadii aynu wada
lahayn………..
Fiiro Gaara, Waan soo koobay intii muhiimka ahayd, Waana layga
Badiyaa dhaqanka
Lakiin haddii aanay sidaas ahayna ninkii iga badiya ayaan u deynayaa
…… !!!.
!!!! ..Waxaa jira Madaxdhaqameed badan oo ku amaanan Hawshii loo
igmay kuna koo ban isla markaana Bulshadooda dhexdiisa ku leh
karaamo iyo sharaf badan, lakiin wax ay ku socotaa Qormadeenu
Madaxdhaqameedka ka Baxay xayndaabkii uu lahaa kuna dhexmilmay
Siyaasada Somaliland.
Qalinkii ,
Adan Yusuf Elmi /UK |
|