Qab iyo Qabiil

 


Aayad Qur'aan ah ayuu Ilaahay xumo ka hufnaaye ku yidhi nebigeennii Muxammed (SCWW), wa ani mu'miniinta; waanadu mu'miniinta ayay anfacdaaye ( wax-u-tartaaye).

عن أبي سعيد الخدري قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : من رأى منكم منكرا فليغيره بيده ، فإن لم يستطع فبلسانه ، فإن لم يستطع فبقلبه ، وذلك أضعف الإيمان . رواه مسلم

Rasuulkeennii suubbanaana wuxu Xadiiskan ku yidhi, kiinii arka wax sharci ahaan xumi( munkar), wax ha kaga qabto gacantiisa- waa haddii uu awood u leeyahaye- kiinii aan awood u lahayni na, carrabkiisa ha u adeegsado wax ka qabashada xumaantaasi. Haddii aanad af iyo addin, mid naba aanad waxba kaga qaban karinna; qalbiga ka nac xumaantaasi. Wuxuna rasuulkeenu (sc w) ku sheegay xadiiskan, in qalbi oo aad ka nacdo xumuhu yahay halka ugu hoosaysa ee iimaa nka qofku gaadho!

Haddaba innaga oo ka duulaynna waanooyinka Alle iyo rasuulkiisii suubbanaa, waxa loo baahan yahay; in aynu is waanino oo markii la arko wax leexsan dhinaca sharciga iyo dhaqan ahaanba la isku caqli celiyo oo la isku nasteexeeyo ee aan la is caayin.

Haddaba, beryahan dambe waxa aan cidnaba aan ka qarsoonayn oo sida cadceedda u cad; in ay innagu soo noqdeen qabyaaladdii iyo qaraabokiil oo in muddo ah hogosho (hibernation) ku jirey!
Waxa kale oo aan iyana shaki lahayn, in ay qabyaaladdii saaqday dadkeenna dal iyo dibadba.

Qabyaaladda oo aynnu qeexdeeda iyo aayaheedaba ku soo koobi karno tixdan kooban iyo shar raxaaddan yar, ayaa loo baahan yahay; in aynnu ummad ahaan aad uga fogaanno- waa haddii aynnu diyaar u nahay liibaan aakhiro iyo qaranka dhisidiisaba!

"Qabyaaladi waa qoqobe jaan
oo lagu qadaabtaaye
waa quful uu ibleys ku xidhay
qoomka aan nahaye
Waa wax aan qurux lahayn
oo Qaadirkeen nahaye
Qiimaheedu waa qoloqolayn
iyo naarta qiiqa lehe ..."

Marka aad is-ku-soo- xoorisid sharraxaad qabyaaladda waxa xuddun u ah:
Isir iyo abtirsiimoraac ku salaysan eex, ninjeclaysi (nepotism), qab aad abtirsiimo ahaan aad isla weyn tahay- taasi oo keenta in aad isirada kale quudsatid iyo wixii la mid ah.
Waxana ay qabyaaladdu dhashaa: qaybsan, xasad iyo xiqdi, xan iyo xumaan iyo in alla inta dadnimada iyo diintaba ku xun!

Qabiil qudhun buu dhalaa
Quluubtuu kala dilaa
Qab iyo quudsuu dhalaa
qaybiyo qoqobuu dhalaa
Qas iyo qayluu dhalaa
Qax iyo qori buu dhalaa
Qubuuro batuu dhalaa
Qarankoo qiiquu dhalaa
Qiyaame yar buu dhalaa!

Haddaba haddii aynnu eegno waxqabadka dawladdeenna maanta jirta, waxa la odhan karaa, wax badan bay qabatay- dhinaca mashaariicda- gaar ahaanna waddooyinka iyo dhismayaasha kale ee dawliga ah.

Waxase aan doodi ka taagneyn, in ay qabyaaladdii iyo qaraabokiilkiiba soo noqdeen oo dadkii reer Somaliland dal iyo dibadba qaybsameen oo loo kala baxay taageerayaal ( progovernment) iyo ka soo horjeedayaal ( against) ku salaysan reernimo!
Waxa kale oo aan iyana caad iyo ciiro lahayn, in ay ciiddaa ka bateen ragga loo cumaamado ee waliba caano lagu daadsho. Iyaga oo lagu boqrayo reernimo qabyaalad iyo qudhun salka ku haya.

Waxa kale oo iyaguna muuqda astaamo uu lahaan jirey kacaankii ina Siyaad oo ay ka mid ahaa yeen:


Cabbani iyo col-u-joognimo
Didmo iyo dulqaad yare
Ammaan iyo abaalraadis
Jiq-ku-sii iyo ha u joojin
Xeer iyo xaagaanba jabin
La jiifiyaana bannaan iyo wixii la mid ah


Inta taariikhda lagu garanayo, dawlad soo marta dhul Soomaaliyeed, dawladdii ugu waxqabad badnayd waxay ahayd; dawladdii Kacaanka ahayd ee Siyaad Barre- waa marka aynnu adeegs anno halhayskii ahaa, " Shaydaan xaqiisa sii" ama " Give the devil to his due!"

Haddaba bal aynu isweydiinno halka uu waxqabadkaasi ku dambeeyey iyo wixii cunay?
Halkan kaga warrami mayno hor-u-markii la gaadhey xilligii dawladda Siyaad Barre- inkasta oo ay xaqiiq tahay in aan marka horaba loo sinnayn hor-u-markaasi oo uu badnaa meelo iyo gobolo gaar ah!

Waxa marag ma doon ah, in aanay dawlad Soomaliyeed- meeshay doontaba ha ka jirtee-aanay weli fulinin intii mashruuc ee ay dawladdii ina Siyaad fulisey shanteedii sano ee ugu horreeyey!
Waxqabaddii dawladdaasi Kacaanka ahayd wuxu ku dambeeyey: burbur, baaba' , barokac,habaar iyo "hal bacaad lagu lisay".
Haddaba maxaa sababay inay sidaa wax u dhacaan?
Qadar Alle iyo wax sii qornaa waa halkooda e, waxase loo aanayn karaa burburkaa iyo baab a'aa ku dhacay dhawrkan arrimood oo kala ah:

Waxqabadkaasi oo aan ku salaysnayn Ikhlaas iyo Ilaahay dartii ee ku salaysnaa ha lagaa shee go iyo wixii loo yaqaanney, " guulihii Kacaanka " ama " revolutionary achievements"
Eex iyo cadaalad darro
Qabyaalad iyo qaraabokiil
Iyo guulwadayn iyo geedsarewaab xaqiiqda aad uga fogaa ( fantasy and day dreams)


Haddaba haddii aynnu nafta haynno, waxaynu ku soo qaadan doonnaa qaybaha dambe qodob adaasi aynnu soo tilmaannay iyo sida aanay aayo u lahayn; wixii aan Ilaahay dartii iyo daacad nimo aan la qabaninba- tiro kasta iyo tayo walba ha lahaadee!

La soo qaybaha dambe haddii Eebbe idmo.



Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com