Qalinka Ina Diridhaba wuxuu Billaa Baraha
Internet-ka




 

Waa halkii gaariye eh Ina Diridhabe markuu sooho maqaal, baraha Internetka waa in ay siigo ligantaa. Waa in hugunka iyo sarwaxanku bataa. Waa in waa waree iyo hayaadu yeedhaa. Waxaa hubaal ah in uu qallinkiisu yahay muunad gooniya una badheedho in uu badka soo dhigo waxay isaga la tahay.

Nin qalin dhaba oo aragti leh qaatay amma abwaan aan reer la safnayni, haddii run la sheego sabankan aynu ku jirno waa eed ma waayaan, maxaa yeelay siyaasada  somali da iyo siyaasiyiinteedu aragti cad oo loola kala safto ama loogu kala hiiliyaa waa nadir.

Danaystaha iyo hankii bulsha weyntuna wixii hore loo eeday ayay weli aaminsan yihiin oo adeegsanayaa. Ruuxii graadkaa graad ka duwan la yimaadaa waa awawgii la cadaab oo afkaa ciida loo darayaa. Waxaynu adeegsaneynaa waa aabahay goblan. Aragtideen u hadday ugu sarayso heer beeleed ma dhaafsiisana. Sidaan anigu aaminsan  nahay.sh eekadeenu waa Nin reer ku duulaan ah iyo nin reer difaacayaa oo suti gaashaan ku jira, ismana darajo dhammaan.


Waxaa kale oo la maseeyey qofkii siyaasiga ahaa iyo beeshii(every clan and every sub cl n has its own sacred cow) oo haddii aad dar ilaahay uga hadashana midka mid ah iyo falakiisa, koleyba waxaad tahay nin beel amma jilib xaradhaamiyey. Waxaa taa ka sii da ran haddii aad aragtidaad daacad u sheegto cidi kaama dhegeysanayso oo ka beeshiinu wuxuu ku arkaya in aad ka hortimid hugunkii iyo hadaaqii beeshaad u dhalatay oo aad aragtidii kuwa kale la safatay, wuxuu kugu qaadayaa denbiga ah badhifur beeleed (bet rayal amma khiyaamatul cudmaa), ka kalana wuxuu ka ursadaa ciddaad u dhalatay oo aydaan isku reer ahayn oo xitaa haddii aad quraan akhriyayso amma muxaadarad  jeed ineyso dadku isku si kuuma dhegeysanayaan. Beeeshaad aad ka soo jeedaa way ka qus huuc badan tahay beelaha kala markaad akhriyayso casharka. Waxaanay u dhawdahay alla ka cabsi daraadii in ay wada ilmeeyaan. Hadday wax kale oo kugu ammaanto weydo waxay odhanayaan wuu ka luuq toosan yahay sheekhyada beelaha kale oo dhan amma wuu ka haybad badan yahay xiitaa haddaanad meel joog lahayn. Cayda helintaankeedu way ka fududdahay ammaanta sida dumintu qaran uga fududdahay dhisid qaran, oo be elaha kale waxaa ku filan sheekhu innaga ma ah ee waa ree hebel amma xaaskiisa ayaa ah ree hebel oo aynu col nahay, hadda waa markay wax kale oo ay kugu eedeeyaan wa ayaan.

Haddaba qallinka ina Diridhabe ma sheekhii gobobka ina Iigare ka daakirayeybaa ee qoy ska badhna luuqdiisa u bogey, badhna ka hinaase ammaantii iyo hadal hayntii eedaankii sa.

Sida aynu la wada socono Ina Diridhaba, maalintuu argtidiisa dhiibto ee uu soo sooho m aqaal, baraha Internetku way oogsadaan, oo way sanqadhaan. Waxaa soo hoobta  boq olaal maqaal oo weerar iyo difaacba leh. Anigu runtii waan ka dhuraa dadku soo laab ki ciyey, oo waxaan ka faa’iidaa maahmaahyo, gabayo, geeraaro iyo afkaar kala duwan oo aan ka shiidaal qaato hadba horumarka ay gaadhey qallinleydu. Markaa anigu waxa an qabaa qallinka ina Diridhabe in uu yahay qallinka muuneeya ee billa baraha Internet ka ee beelaysan. Waa waraabe la hadal, Wuxuu iba furaa qallimaanta u xidhan qof, qoy s amma qolo, ee aan godlan ilaa koorta yicibta ee qoortiisa sudhan laga dhawaajiyo.

Muranadii u danbeeyey bal dhugo kii Muuse biixii oo eeg bogaga warbaahinta oo u fiirso dadka weeraray.Shalay waxaa saaxada siyaasada hadheeyey Muse Biixi waana sobob ta keentay in uu qalinka Diridhabe ka hadlo. Maanta waxaa hadheeyey Xirsi oo bedelkii sii galay oo falalkiisa la hadal hayaa. Muuse Biixii warbaahinta wuu ka baxay.

Waa hagaage yaa shalay ku raaxaysnayey wax ka sheega Muuse Biixi? Yaa ka dhiidhiy ey wax ka sheega Muuse Biixi? Maanta ayaa ka dhiidhiyaya wax ka sheega Xirsi? Ayaa maanta ku raaxaysanaya wax ka sheega Xirsi?

Qallinka Ina Diridhaba kala eexan maayee, qallinleyda difaaca iyo weerarka ku jirtaa, is weydiiya shalay waxaad lahayd.

Waxaan ku soo gabagebaynayaa adiga oo aan Qallinka Ina Diridhabe maagin oo aan we erarin oo aan colaysan oo aan tixraacin, qof waliba tiisuun ha sheego oo qallimaanta ha lagala xishoodo oo ha laga dhawro suti gaashaan.

Anigu ma Difaacaya Ina Diridhaba amma kuma raacsani wax kasta oo uu yidhi, laakiin w axaan difaacayaa xuquuqda qallinleyda, Ma qabo in cidna aragtidiisa lagu daadufeeyo oo la gaadhsiiyo heer uu xaal bixiyo(sidii murankii muse Biixi) amma uu ka baqo in uu aas hii hadlo. Waxaan doonayaa in la wada ogaado in siyaasiyiinta iyo qofkasta oo xilqaada y iyo qofkasta oo qallin qaataa uu dadka ka dhexeeyo. Haddii Ina Diridhabe Habel eed ku leexiyey, badh buu leeyahay siyaasiga eh, adiguna badhkaaguun ammaan ku leexi. Cidna yaan loo digin cidna yaan loo dudin.

 

 

 

Hamud Duale