QALINKA IYO WAAYAHA

 


Haddii Ilaahay ina solon siiyo kani wuxuu noqon doonaa maqaal totobaadle ah oo laga dheeha n karo mawduucyo kala duwan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin, waxyaabaha samaynta ku leh gu usha qofeed ama la xidhiidha nolosha, siyaasadda iyo geedi socodka Somaliland, dhaqaalaha, dunida islaamka iyo kulaylka ku baxaya, aqoonta iyo aqoon yahanka. Qormadda ugu soo hore eyaa waa Siyaasadda Arimaha debedda. Waxaa ku xiga laba ama qormo oo la socda oo aynu ku magacown ay tiirarka ay ku taagan tahay siyaasadaasi, waana mid arimo gudeed, hore u marineed iyo gaas haandhigeed.

Aan tilmaan ka bixiyo cinwaanka aan qaatay oo aan igu cusbayn. Qalinka waynu naqaan laaki in in yar ayaynu ka naqaan wuxuu gudo iyo wuxuu galo. Waxaan odhon karaa la’aantiis aada muhu wa x buuran kama duwanaadeen xayawaanka, taasoo macneheedu yahay astaan lid ku ah gumuca nafta jara. Si kale haddaynu u dhigno qalinku waa markhaati u dhexeeya qofka iyo waayaha. Quraanka Ilaahay wuxuu ku dhaartay qalinka, Subxaan Allaah!, sugaanteenana wa y ku aslan ta hay, Hadraawi, wuxuu lahaa, “qalinkaa wax suureeya.” Qalinku wuxuu godlaa ma skaxda, gaar ah aan marka ay wax suuraynayso (imagination,) sida hashaba loo godlo marka la lisayo.

Erayga waayuhu waa duruufaha xidhiidhiya qofka iyo wakhtiga, gaar ahaan marka aanay nol osh u raali gelin aadamaha. Duruufuhu ma qofka ayay ka yimaadaan, mise wakhtiga ayay la socdaa n? Si kale haddaynu u dhigno guuldaradda qofka ku habsatay ma isagaa u sabab ah, mise falkiisa way ka baxsan tahay? Erayga qofka halkan waxaa ku lamaan bulshadda. Guuldar adda qofka ku timaadaa waxay ku xidhiidhsan tahay jahliga hadheeyey.


Akhris Wacan

 

 

 

 

Yuusuf Goodir