Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Codsigii Shacabka Somaliland Ku Codsadeen Aqoonsiga

 

 

 

New York (TNN) :- Safiirka qarramada Midoobay u fadhiya dalka Ingiriiska Mr. Matthew Rycroft, ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ah ka soo saari doono, jawaab ay ka bixinayaan codsi ay ku dalbanayeen aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo shalay ku soo bandhigay Hargeysa codsi bul shada Somaliland oo tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan qof ku dalbanayeen aqoonsi caalami ah oo dalkoodu ka helo beesha caalamka munaasibad uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha So maliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu jawaab ka bixiyey safiirka dalka Ing iriiska u fadhiya Qaramadda Midoobay.

Weriye Matthew Lee, oo qora shabakada Inner City Press, oo wax falanqeeya arrimaha Qara madda Midoobay ayaa shalay galab wax ka weydiiyey sida uu u arko mowqifka bulshadda Soma liland ku dalbanayso aqoonsi dalkoodu helo, Mr. Matthew Rycroft, safiirka Ingiriiska u fadhiya QM.

Mr. Rycroft, oo jawaab kooban ka bixiyey ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal ra smi ku soo saari doono jawaabta, waxaanu yidhi “Qoraal rasmi ah ayuu golaha Amaanku ka soo saari doonaa arrintan.”

gaadhitaanka dalabka codsiga shacabka Somaliland ee aqoonsiga dalkooda Golaha Amaanka ay aa noqon doonta mid wax badan ku soo kordhisa, kuna soo jeedisa dareenka beesha caala mka qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.