Qaramada Midoobay oo saldhig ka samaynaysa Uganda

 


 

Uganda (TNN)-Qaramada Midoobey ayaa dalka Uganda ka hirgelineysa saldhig weyn oo laga h agi doono hawlgalada nabad ilaalinta ee Bariga Afrika iyo dalalka harooyinka waaweyn. Saldhigaasi oo kumanaan ciidan ay ka hawgeli doonaan ayaa waxaa laga furaya magaalada Entebbe.

Wafdi ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo booqdey Uganda ayaa kulan arri mahaasi looga hadlayo la yeeshey Madaxweyne Yoweri Museveni.

Uganda waxay xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iy adoo ciidamadeeduna ay qeyb ka yihiin hawlgalada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay ka wado Soomaaliya.

Saldhiggan cusub waxaa ka hawlgeli doona 50,000 oo askari iyo ku dhowaad 12,000 oo  shaq aale rayid ah. Qaramada Midoobey waxay sannad kasta ku kharash gareyn doontaa barnaamijkan 5bn oo dollar.




Source:VOA