Qarashkii doorashooyinka oo la hakiyay

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-  Wararka ka imanaya  mag alaada Hargeyasa ayaa sheegaya in hey'adda Inter-Peace, oo xagga farsamada ka taageerta Gudiga Doorashada ee Somaliland ay hakisay lacagtii ay hanaanka doorasahada ugu tala gashay.
Hey'adda ayaa wararku sheegayaan inay soo bandhigtay  shuru udo ay dooneyso in la fuliyo.


Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland, Jaamac  Maxa muud Cumar, oo aan ka wareysanay ayaa sheegay in lacagtu ay tahay mid mar hore loogu deeqay doorashada, laakiin ay ku  xir een arrimo ay ka mid ah tahay xagga nabadgelyada oo uu  shee gay in dowladda laga filayo qorshe ku saabsan ammaanka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in doorashadu ay sidii ay ugu tala galeen xilligii loo qabtay ay u dhici doonto, isagoo intaa raaciyay inay heleen qarashka qeybtii ay dowladdu bixin lahayd oo ahaa 25%.
 



Source: BBC Somali