Qarax Lala Beegsaday Hotelka Jazeera Ee Magaalada Muqdisho


 


Hotelka Jazeera waxaa uu ka mid yahay hotelada ugu qaalisan , waxaana had iyo jeer dega masuuliyiinta dawlada

Muqdisho (TNN):-qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay banaanka hotelka weyn ee Jazeera ee ku yaalla meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa goordhow dhacay qar ax labaad.

Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan, qaraxa koowaad ayaa ahaa baabuur is miidaam iyey oo isku qarxiyey iridka hotelka xilligaas oo dad badan ay fadhiyeen barxada gudaha e e hotelka oo aalaaba dadka hotelka degan ay habeenkii ku casheeyaan.

Qaraxa koowaad ayaa dhacay abaare 7:40 waqtiga Soomaaliya, waxaana saacad ka dib a  yaa waxaa baabuur labaad lagu qarxiyey banaanka hotelka oo ay ku sugnaayeen ciidamo soo gurmaday iyo gaadiid qaadayey dadkii ku dhaawacmay qaraxii koowaad ee ku jiray gu daha hotelka.

Xaalada ayaa weli cakiran, mana jiraan faahfaahin cad oo sheegeysa tirada dadka wax ku noqday qaraxyadan. Waxaa marar qaar la maqlaa rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka.

Xilliga ayaa habeen ah, waxaana adag in wariyayaashu goobta tagaan, dadka ku sugan gudaha hotelka ayaa iyaguna tafaasiil badan aan ka bixin karin waxa ka socda bannaanka hotelka.

Guud ahaan wadada tagta hotelka oo ah mida weyn ee gasha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa la xidhay, waxaana illaa hadda goobta ku soo qulqulaya ciidamada ama anka ee dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ma jirto cid dawlada ka tirsan oo illaa hadda ka hadashay qaraxyadan caawa lala beegsad ay hotelka Jazeera.

Hotelka Jazeera waxaa uu ka mid yahay hotelada ugu qaalisan , waxaana had iyo jeer deg a masuuliyiinta dawlada sida wasiirada iyo xildhibaanada iyo xitaa dadka ajnabiga ah ee degan Muqdisho. Waxaa sidoo kale hotelka degan qoysas ka mid ah kuwa madaxda dalka iyo dad ka mid ah Soomaalida qurbejoogta ee dalka ku soo laabatay.
 

 

 

Timacade News Desk
Muqdisho,Somaliya