Qaraxyada Hargeysa Waxa Ka Dambeeyay Faraca Afrika Ee Al-Qaaciida

 

Dawladda Djibouti ayaa sheegtay inay weeraradii argagixiso ee Hargeysa ka dhacay 29 Oktoobar, ay ka dambeeyeen faraca Afrika ee Ururka Al-Qaaciida ee uu hoggaamiyo Osama Bin Laden.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Djibouti Md. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey wargeyska Sharqal awsat toddobaadkan waxa uu ku weeraray Madaxweynaha dawladda Imbigaati Cabdillaahi Yuusuf, oo uu tilmaamay inuu cadow ku yahay nabad ka dhalatay dalka Somaliya. Wasiirku waxa kale oo uu waraysigiisaa kaga hadlay wada hadalada Djibouti ku dhex maray dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliya, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha budhcad badeedka Somaliya. Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlayey budhcad badeedka Soomaalida ayaa sheegay in dhibaatada budhcad badeedku ay qayb uun ka tahay dhibaatada amni iyo siyaasadeed ee ka jirta Somalia waxaana hadalka wasiirka ka mid ahaa, “Waxa jira dadaal badan iyo xaalad abaabul oo aanu doonayno in aanu mushkiladda Somalia xal ugu raadino, waanu bilownay oo waxaanu marti gelinay wada hadalo dhex maray xukuumadda iyo mucaaradka. Waxa aanu wada hadalladaa ku gaadhnay heshiis dhamaystiran oo guud iyo mid siyaasadeed oo dhigaya in la dhiso dawlad midnimo qaran kadibna la dhiso baarlaman ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan dhammaan xisbiyadu. Intaa kadib waxa la dooran doonaa madaxweyne cusub, dabcan waxa ay waxan oo dhami dhacayaan marka ay Somalia ka baxaan ciidamada Itoobiya oo si dhab ah uga baxaya ugu dambayn dhammaadka sannadkan.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu ka digay bannaanshaha amni ee iman kara marka ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Somaliya isaga oo ku booriyey bulshada caalamka inay dhaqso uga hawl gasho, “Waa lama huraan ina aynu dhaqso u dhaqaaqnaa, waayo waqtiga ayaan ina sugayn, mana eegan karno inaynu sugno bannaanshiyaha amni oo ay ka faa’idaysanayaan ururrada argagaxisada ah iyo xag jirayaasha oo gacanta ku dhigaya caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyo deegannada ku xeeran.”

Md. Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu tilmaamay in weerarradii argagaxiso ee bishii October ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo maamul goboleedka Puntland Somalia ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen urur uu ku magacaabay Faraca Afrika ee ururka Alqaacida, waxana ka mid ahaa hadallada wasiirka, “Haddii aanu nahay dawladda Jabuuti iyo dawladaha deriska la ah Somaliya, sinaba uma doonayno in Muqdisho ay yimaaddaan dad ku andacoonaya inay yihiin faraca Afrika ee ururka Alqaacida, oo ah kuwii ka dambeeyey weerarradii dhowaan ka dhacay Hargeysa iyo Bossaso. Iyaga oo leh u jeeddooyin siyaasi ah ayey beegsadaan dad shacab ah iyo mu’asasado rayid ah. Arrintani waa ay iska cadday, sidii wax looga qaban lahaana waxaanu ka wada xaajoon doonaa qaar ka mid ah dalalka Carbeed.’

Waxa uu sheegay wasiir Maxamuud in madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhowaan booqasho ku tegey dalka Yemen lana soo kulmay madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalix, waxa kale oo uu sheegay in arrinakan ay xidhiidh kala yeesheen boqortooyada Sucuudiga, Masar, Sudan iyo Qatar. Waxa uu wasiirku sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii dhaqso loogu dhisi lahaa quwad amni oo Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 10 Kun oo Askari oo beddela ciidamada Itoobiya.

Waxa uu wasiirku sheegay in aanay rajo buuran ka qabin in Somalia la keeno ciidamo caalamiya taas oo ugu yaraan qaadan karta Lix bilood illaa Sannad. “Xaaladda Somaliya hadda ma sugi karto waqti ina le’eg” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti waxa uu sheegay in dalalkaas uu magacaabay ay ciidamada la dhisayo ee Somalia siin doonaan qalab iyo dhaqaale isla markaana lagu soo tababari doono dalalka ku xeeran Somaliya, sida Itoobiya Jabuuti, Kenya iyo Uganda.. “Dabcan uma baahna wax weyn, waxa keliya ee ay u baahan yihiin waa mushahar aan ka badnayn bishii qof kasta 100 doolar.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti oo la weydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko mucaaradada uu Cabdilaahi Yuusuf kaga hor yimi heshiiska jabuuti oo uu ku sheegay mid beeleed iyo mucaaradka Asmar oo qudhoodu heshiiska diidan waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliya ma taageeri doono dib u heshiisiinta waayo waxa uu u arkaa in aanu waafaqsanayn dantiisa shaqsiga ah, arrinta mucaaradka Asmara, waxa aanu la yaabanay waxa keenay in Eritrea oo aan muddo 17 sano ah laga maqal wax ku saabsan Somalia ay u danaynayso inay ka hadasho hadda.

Cabdilaahi Yuusuf waxa hadda hor yaalla masuuliyad culus, dawladdii kumeel gaadhka ahayd ee uu hoggaaminayey afarta sano iyo badhka waxba may qaban, maantana Somaliya iyo shacabkeedu waxa ay u baahan yihiin inay ka gudbaan marxaladdan isla markaana ay helaan xal siyaasi ah oo dhamaystiran. Haddii uu Cabdilaahi Yuusuf is leeyahya xaaladdan oo lagu sii jiro iyo xalka arrintan oo dib loo dhigaa inay dantiisa u adeegayso been ayuu isu sheegayaa, waxa aan leeyahay qof kasta oo ka soo hor jeeda dib u heshiisiintu waa cadawga nabadda ee Somalia” ugu dambayntii waxa la weydiiyey wasiirka arrimaha dibadda. Markaa Cabdilaahi Yuusuf ma waxa aad u aragtaa inuu cadaw ku yahay nabadda dalka?, waxaanu ku jawaabay “Haddii uu ku sii socdo mucaaradadda uu kaga soo horjeedo jidka dib u heshiisiinta ee ay Qaramada midoobey waddo. Waxa aanu aaminaynaa in aanu nabad Soomaaliya ka dhalata doonayn.”

 

 

 


Source: Geeska Afrika, Hargeysa