Qaraxyada Hargeysa (somaliland) = Qaraxyadii 11/09/2001 ee USA.

 

Horta, waxanu Tacsi tiiraanyo leh halkan uga diraynaa hadaanu nahay dadka reer Somaliland ee ku nool Holland, Guud ahaan dadka reer Somaliland, gaar ahaana dadkii ay ka dhinteen dadka reer Somaliland ee maanta ku dhintay Hargeysa, ee gacanta cadaawaha ku naf waayay, oonu leenahay Samir iyo Iimaan, marxuumyadana waxanu ilaahay uga baryaynaa inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Qaraxyada sida qorshaysan ee tudhis la' aant ah loo fuliyay ee maanta ka dhacay Hargaysa, waa wax qof kasta oo inuun isha ku hayay cadaawada iyo colaada Guunka ah ee loo hayo Somaliland filayay, dib u raax sooyaalka dhaw oo qudha oo xasuuso dhacdooyinkan iyo hadaladan,-

1- Baabuur-gubistii Isir-raaca ahaa ee ONLF ay gubaysay iyo hanjabaadii ay ka mida ahayd '' far haday Somaliland na saarto shan baanu saaraaynaa'' ee Car haku dhacdo inay dadkayaga Hargaysa jooga waxyeeleeyso Somaliland, oo ay ku hanajabi jireen madaxda ONLF..

2- Hanjabaadihii ahaa '' Nabada lagu caabudayo Hargaysa waanu ka jabin doonaa'' ee maxaakiimta Islaamka iyo weliba Garnayladii gacanta ee guryaha madaxda iyo dhismayaasha Dalwada lagu qarxinayay, iyo weliba maxaaabiistii laga si daayay Jeelasha iyo dadkii Ajaanibka ahaa ee la laayay iwm.

3- Dagaalka lanagu soo qaaday waanu ka jawaabi doonaa si ay noqotaba ee ay Puntland ku hanjabtay ka dib markii Laascaanood laga qabsaday maamulka Puntland.

4- Somaliland iyo sheegashadeeda dawladnimo wax meel fog jira maaha, waa hadaladii Maamaulka TFG.

5- Iyo cid kale oo meelo kale salka ku hayn karaba.

Qaranka Somaliland waxa soo weeraray dad si aad iyo aad ah isku soo abaabulay, oo gacan wayna oo hiil iyo hooba leh-na ka helay dad jooga Somaliland gudaheeda, Cadaawada loo hayaa qarankeena Somaliland jiritaankiisa inta ay le' eg tahay, ayay muujinaysaa dhacdadan argagaxa lehi, bal eeg, xiliga lagu soo beegay oo ah xili aynu mashquul ku nahay isu diyaarintii Doorashooyinka Somaliland, bal waxa kale ood eegtaa halka iyo goobaha la weeraray ee kala ah Halbawlihii qaranka Somaliland waa Madaxtooyada-e iyo Rugihii ay lahaayeen hayadaha Caalamiga ahi, waa Rugta ganacsiga ee Itoobiya iyo UNDP-da e.

Waxay Somaliland Hooy u tahay dad badanoo kaga soo qaxay/ hayamay dalalka jaarka ah sida Somaliya, Itoobiya iwm, oo aynu si gobanimo ugu soo dhawayanay daalkeena oo sida aynu ugu noolnahay ugu nool, on laga sheeganm,waxase Abaal-ka dhaca oo hubaal ah in dadyoow badanoo cadaw u ah Somaliland ama la-soo adeegsanayaaba ku jiraan kuwaas, hadaba waxa ina la gudboon inaynu ku difaacano Jiritaanka qarankeena waxii kasta ee suurta gal ah, waa in dadweynaha Somaliland ilaashadaan nabadaa iyo kala danbayntaa Cadawgeenu ku taamayay inay inaga baabiin doonaan, ee ay kuba dhaqaaqeen maanta!

Gabagabo,- Hadaanad Maandeeq ka hirin Cadawgii shalay aad ka soo dhicisay, adaa Cirka Roob ku og!. Waar fadhiga ka kaca oo wax hoos u eega. Bal isku eeg sida ay iskugu eeg yihiin qaraxyadii Maraykanka lagu qaaday 11/09/ 2001, iyo kan sedexda meelood lagu qarxxiyay ee Hargaysa, waa caasimada Jamhuuriyada Somaliland-e! Maanay mataano ahayn?!.

Reer Somalilandoow '' Maandeeq yaa maali jirayeey '' ayay taagan tahay maanta-e, ee Qarankeena hala daafaco.

Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed.
 

 

 


By:Cali Cumar Xasan