Qaxooti Itoobiyaan Ah Oo Xawli U Soo Qulqulaya Iyo Dad Laxaad Laawayaal Ah Oo Laba Casho Gudahood Laga Celiyey Tog-wajaale

 


Qulqulka dadkan ajaanibka ah oo maalinba maalinta ka d anbaysa sii kordhaya,  ayaa sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Tagsiilayaasha ... (Daawo Sawiro)



Tog-wajaale(TNN)-Dadka soo galootiga ah ee ka soo hayaamaya Dalalkoodii gaar ahaan  Dal ka aynu Jaarka nahay ee Itoobiya ayaa muddooyinkan danbe si xawli ah ugu soo qulqulaya Dalk a.


Dadkan Qaxootiga ah oo badidoodu ka soo gala Dalka Magaalo Xuduudeedka Tog-wajaale  ku na soo gala hab qarsoodi ah oo ay soo tahriibiyaan Muwaadiniin u dhalatay Somaliland ayaa u badan Dadka naafada ah ee ay maqan yihiin Xubin ka mid ah Xubnaha Jidhkoodu, kuwaas oo u yimaada Dawarsi ay ka dhex dawarsadaan Gudaha Magaalooyinka Somaliland, iyaga oo inta badan raxan raxan u socda ayaa gaaf wareega Xaafadaha Magaalada, isla markaana is  har eera tuba goobaha Dadku ku badan yihiin ama Istaanada Gawaadhidu ka baxaan.



Qulqulka dadkan ajaanibka ah oo maalinba maalinta ka banbaysa sii kordhaya ayaa sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Tagsiilayaasha iskaga kala goosha Magaalooyinka Hargaysa iyo Wajaale ay malinta ay ugu yaryihiin soo galaan cel-celis ahaan 10 qof ilaa 15 qof oo nolol raadis u socda inta badan Caasimada Somaliland ee Hargaysa "Maalin kasta waxa Dalka soo gala Dad Itoobiyaan ah oo u badan Qoomiyada Oromada oo badankoodu ay Indho laawayaal ah oo u socda Hargaysa, Qarsoodi ayay ku soo galaan, annaguna Gaadiidka ayaanu u soo kiraynaa Khidmad fiicana waanu ka qaadanaa" sidaa waxa yidhi Mid ka mid ah Dilaaliinta  Ga waadhida yaryar kiraysa oo ka cudur daartay in aan Magaciisa xusno. Waxaanu intaa ku daray hadalkiisa; "Maalinta ay ugu yartahay Shan Oromo ah ayaan gawaadhida u socota Hargaysa saaraa, Maalmaha qaarna Dhawr iyo toban ama Labaatan ayaan saaraa, annagu waxaanu eegnaa Shilimaadka naga soo galaya" ayuu ku soo gunaanaday Wiilkaa dhalin yarada ahi .



Sidoo kale Labadii Maalmood ee ugu danbeeyey waxa iyagana laga celiyey Magaalada Tog-wajaale ee Xuduuda Labada Dal ee Itoobiya iyo Somaliland tiro Tobaneeyo Qof oo badidoodu ahaayeen Dad Indho-laawayaal, iyo lugo-laawayaal ahaa oo doonayey in ay soo galaan  Gu daha Dalka una socday isla Caasimada Hargaysa. Haseyeeshee ay diideen in ay soo galaan Dalka Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Magaalada Tog-wajaale sida ay noo sheegeen Dad goob-joogayaal ahaa markii la celinayey Dadkaasi isla markaana Sawiro nooga sii  qaadeen ba, waxa lagu celiyey Daanta Itoobiya ee isla Magaaladaasi, Waxana la hawl galiyey Ciidanka Booliiska ee Wajaale si ay arrintaa Daba-gal ugu sii sameeyaan.



Soo galootigan sida Xawliga ah u socda oo aanay ilaa hada Xukuumada dhexe aanay u  hay nin Xerooyin Qaxooti ah oo lagu hayo Dadkani, isla markaana ilaa hada aanay muuqan wax qorshe ah oo uga meel yaala Xukuumada ayaa laga yaabaa hadii ay ku sii socoto sidani ay saamayn Togan ku yeelato Xaaladaha Nololeed ee Muwaadiniinta iyo ta Nabad-galyo.

Waxana haboon in Xukuumadu ay la timaado qorshe cad oo ku waajahan Qaxootigani sidii ay kula tacaali lahayd isla markaana ay wada hadallo toosa ugala gali lahayd Xukuumada Itoo biya ama Hay'adaha Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiyada

 


Cabdirisaaq Maxamuud Aw Daahir
Timacade News Desk
Tog-wajaale Somaliland