QIIMEYN
GUUD TARTANKII CIYAARAHA-3
Waxa
inaga soo dhexgashay qiimeyntan ooy ahayd inaan mar hore sameeyo
damaashadkii iyo m ashxaradii cadada inoo ahayd kolka cid cusub la
magacaabo. Waa dabeecad wacan oo soo dhow eynta ayeynu can ku nahay.
Haddaba aan toos u abaaro ciyaarihii goballada iyo waxii dhacay iyo
sidaan u arkay.
Horaan hanablyo ayaan u dirayaa Wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda
iyo intii hawsha muggaa s leh isku soo dubariday. Tartanku aad ayuu
uga cuslaa ugana badnaa kii kal hore. Waxa kubba ddu dhex taalay 13
Gobal.
Dhibta ugu weyni waxay ka timid goballadan qabiileysan een haddana
afka mooye aan maamul ahaan dhisnayn. Waana masiib ina sugaysa wax
qabadkeedu. Waaa goballo fiirsasho la’aan loo magacaabay dalkuna
qaadi karin, ummaddana kala qaybin iyo gobal beeleysan ka dhigaysa.
Waana fikirkani kii aynu
KULMIYE ahaan qabnay, welina ah kan hagaagsan ee bulshadu badi aam
insantay. Haddii Gobollo la sameynaayo ha noqdaan qaar ayna lahayn
beel keliye. Hana noqdaan qaar dhaqaale ahaan is bixin kara, dalkana
wax ku soo kordhin kara.Yaan arrintan lagu eegin xuk uumadda oo
keliye. Waa mid u baahan in la gorfeeyo oo danta guud la wado eego
mucaarid iyo muxaafidba. Go'aan wadajir ah ayaa wax lagaga qaban
kara . Waxay leedahay culays siyaasa deed oon xukuumaddu keli riixi
karin.
Taas waxa xigtay garsoorayaasha oo u muuqday dar aan la siin tababar
farsamo iyo mid sharcib a, Waxay u muuqdeen qaar aan maareyn karin
qaska yar ee garoonka ka dhaca. Askarta iyo m as’uulinta soo
farogeliyana aan joojin Karin, oon xataa iskuba deyin inuu la hadlo.
Garoonka isag aa ka ah madax aan cidi uga sareyn cid amarkiisa
heysata ayuunba soo geli karta. Askartuna isagay amar ka sugaan.
Waxa iyana jirtay inaan sharci jirin sheegaya ciyaartooygu siday ugu
ciyaari karaan gobal. Waxa aynu naqaanay in ardaygu u ciyaaro halka
uu iskuulka iyo jaamacdada kaga jiro ee ayna ahayn halkuu abtirseen
ahaan ka soo jeedo. Waxa iyana la yaab ah inuu marba qof keliye
gobal u ciyaaro. Waxa habboon in sharci cad laga soo saaro cidda u
ciyaari karata gobal kolka uu gobal u ciyaaran aanu marnaba gobal
kale u ciyaari karin, kolka la eego ciyaarha goballada, bal see uu
kooxo kale oo magaalooyin kale ah ka ciyaari karo. Calaa kuli xaal
sharci tafaasiil leh ayaa loo baahan yahay.
Caasuumadaha kooxaha waxa habboon in furitaanka dhammaan kooxaha la
casuumo hal mar oo keliya. Xukuumaddu ma aha in mas’uul waliba
gobalkiisa casuumo. Dhaqaale ahaan waa khasaare magac ahaan waa
liidnimo iyo qaybsanaan. Magaca xukuumadda waa in hal mar oo qudha
si wadajir ah loo casuumaa. Kolka dambe gobalada koobabka qaata
iyana waa in casuumad wadajir ah lagu sagootiyaa.
Dhinaca farsamada, kol haddaanu garoonku ahayn cagaar waa in shabaga
goolka la mariyaa rinj iga cagaaran , lagana dhigaa nooca caalamku
kubadda ku cayaaro oo gudadka waaweyn ee kub baddu ka dusayso amba
daloolinayso la yareeya.
Halka ay fadhiyaan ciyaartooyga iyo tababarayaashu waa in loo
sameeya hadh. Teeda kale wax ay ahyd arrin adag in ciyaarta la
bilaabo 2 duhurnimo. Waxa aniga ila wacnaa in hal ciyaar maali ntii
la ciyaaro, oo dadku runtii madadaalo iyo arrin ay qaadka kaga
maarmaan ayey heleen mud dada loo dheereeyo, dhalintana wey u
wacnayd ee inay intaas dhaqaale ahaan dusha loo rito ayaa habboonayd.
Yaan la iloobin wiilasha kubbadda soo qabqabanaayey, ha la siiyo
labis wacan iyo waliba in afa rta geesood loo dhiibo afar kubadood
ooyna sugin kubadda meesha fog lagu laaday ee markiiba ay soo
dhiibaan tan ay gacanta ku hayeen.
Qalad weyni waxuu ka jiray dhinaca waqtiga. Ma garan karo saacadda
TVga iyo siidhiwalaha wax ay u wada socon waayeen. Inta badan iska
daa waqtigii lumay oo uu ku daro, ee iyadoo weli dh owr daqiiqadood
hadhsantay dhinaca TVga ayaa dhamaadkii la afuufi jiray. Waana arrin
u baahan dib u eegid.
Kolkaad guud ahaan qiimeyso iyo duruufaha dalka ka taagnaa, waxay
ahyd dhacdo guul iyo rey nreyn ku dhammaatay, nabad iyo wadajir ku
dhammaatay, oo laga soo kabtay qaskii hadheeyey bilowgii. Waxa
nabarka ugu weyni ahaa kii kooxda Togdheer gaadhay, oon ku tilmaami
karo aya an darro.
Ugu dambeyn waxaan hanbalyeynayaa hawlwadeenadii guushan soo hooyey,
dhaliishuna waa t oosin, waana mid inoo dhex ah iyo daris aynu wax
ku barano. Xaasha ee waxba meydaan hagra n, qaladkii dhacana waad ka
dabotegteen, waxayna inoogu dhammaatay farxad iyo kaftan bari iyo
galbeed ah, oo maanta ciyaari waa Galbeed, laakiin kal dambena waa
sanad kale iyo Bariyoo aargoosi oo waliba Togdheer ay ceebta
sanadkan raacday ku dhaarsan tahay inay ku meydho koobka kal
dambe..waa ayaamo tirsan ee Galbeed yuuna guusha ku sakhraamin..
Aad ayaan u xiiseeya una jeceley ciyaaraha, waaxaan isku dayi inaan
kalin ka qaato horumarinta ciyaaraha.
Guul iyo horumarinta ciyaaraha iyo dhallinta.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
samotalis@gmail.com
https://www.facebook.com/aharwo
http://samotalis.blogspot.com/
|