Qofna quruxdii Togdheer qurbahan kuma doorsanine, marka uu hobolka codka macaan

 

C/lahi Qaboojiye heesta sida habsamida ugu luuqaynayo dadbadan ayaa is waydiiya  qurux da Togdheer. Qaarbadan ayaa ku murma oo yidhaahda Togdheer miyaanay ahayn meeshan dhirti la dabarjaray inta soo hadhayna ay bacdu gaftinada ka lulato ee bafta ka hayso. Kol ay quruxda qofba si ayuu u yaqana lakin shaki kuma jiro inay qurbaha ka quruxbadan tahay waxaana layidhi hantiye xoolo kamacan.

Yaaka quruxdadab qofka ku nool magaladii uu ku dhalashay ku barbaaray meesha ay  joog een ehelkii, qaraabdi, jiraankii, asaxaabti ay isla soo koreen ee isku fasalka ahaan jirteen (class mates) isku skuulka isku malcaamada ee kubada wada ciyaari jireen. Qofka sakadii uu ka soo waragtaba qof ay isgaranayaan isku salamyaan. Miyaanay ka qurux iyo qiima  badn ayn qurbahan maskax fardku (stress) yaalo.


Qiyaas adigoo hurda salaadi subax marka lagaadho masaajidadii marka ay eedanka isku  wa da daraan ee cod bahiyayaashu minaaradaha dhaadheeri ku dul xidhni kaa duuliyaan hurdii ee aad jameecada salaadi subax ku tukato ee halka aad hawl maalmeedkagii aduunyo kaga sii bilawdo salaad walbana aad jameeco masjidka ku tukanaysid marka aad hawlagii soo  dh amaysato aad kitabkaga xaga masjidka u qadanayso ee aad tafsiirka iyo kitaabada bacda makhrib majidka ka raacanayso. Miyaanay ahayn nimco nimco ku darsantay.Qiyaas jawagii dhexdhexaadka ahaa ee kulayl iyo qabowtoona aan lahayn.Waxba yaanan ku dheeran  dar eenkan wadaninimo ee sawirka gaarka ah ii leh maanta ee aan qofna ila ogoyn dadka  qaa rna u arki karaan inay sheekadaydu tahay magaalo khayrka u cay adna hadayn oo aan uga sii gubo mucdi maqaalka.

Sidaad la socotan laga soo bilaabo 1997 oo ahayd xiligii dagaaladii sokeeye iyo  dhibaatoy inkii ina afeeyey laga soo gudbay waxaay magaalada Burco ku talaabsatay horumar wax ku oola oo la taabankaro oo dhinacwalba ah. Horumarkaas oo intiisa badan dadka reer  Togdh eer isu xilsareen kuna guulaysteen inay qabsadan waxbadan sida dhisida iyo dayactirka  sk uulada gobolka oo intooda badan markii hore si iska wax u qabso ah lagu bilabay, cisbidaal ka guud ee magalada burco oo iyna iska wax u qabso lagu lagu dayac tiray. Horumarka iyo wax qabadka dadka reer Togdheer waa mid sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa.
Gacmo wada jir ayay wax qabsadane waxaa suurto gashay inuu gobolkani yeesho oo laga asaasay cusbitalka Maandhaye oo dadka dhibrirku hayo loogu daaweyo, Jamacda Burco oo Hada ay dufcadii labaad ee ka qalin jibasa ay imtixaanki guud u fadhiyaan, biriijyada  dhawr ka ah ee fududeeyay isku xidhki magaalada oo baxadeedu maalinba maalinta kadanbaysa sii waynaansa, wadooyin dhawaan dawlada hoose ee burco bilawday oo lami laga dhisayo, iyo biyo xeedhinka wayn ee shalay Beer laga sameeyay ee shalay xadhiga laga jaray ee  shirk ada Telesom hirgalisay oo kaydin doona biyaha beeralayda magaalda Beer oo ah meesha ugu badane qudaarta magaalada burco lagu cuna ka soo g´odo.

Wixii rag u kaco ee rabbina aqbala way rumooban horumar ganacsi oo baladhan ayaa iyana ka socda magalada burco oo ay kutaalo saylada xoolaha nool ee ugu wayn geeska Afrika. Waxaa iyna jira Burco inay tahay magaalda ugu warshadaha badan Somaliland waxaa ku yaala dhawr darsin oo warshado ah oo wax soo saarkoodu gaadho dhamaan gobolada  So maliland iyo dawladaha jaarka ahba. Dadaalka dadka reer Burco mayara dawlada lafteedu waa ka qayb wax qabadka inkasto aanay dhaliisha aanu uhayna marna meesha kabaxayn inta ay lacagta giinbarta shilling Somaliga ah wadhatahay suuqyada Burco. lacagtan oo dhibaato badan oo xaga dhaqaale iyo caafimad daro ku haysa bulshada reer Togdheer oo dadbani xiiq (asma) iyo sanboor ka qadeen madaama ay tahay lacagta gabowday. Kudarso eeda ganacsaduna qayb ayay ka yihiin oo iyaga inbadan isku dhajinayay Burco waa  mees ha kaliya ee 50shgs 100shgs 500shgs ka socdaan ee ay hadhay. Somaliland iskaba daayo 1000shgs ayaa ugu yar lacagta laga qaato Mogadishu iyo Somaliyada kale xataa.

Magaaloyin yar yar ayaa ku gulaystay inay iska badalan oo qataan lacagta Somaliland  kuw aa soo ay ka mid tahay dagmada Garadag oo iyadoon cidi kabadalin joojisay isticmaalka lagata giinbaarta. Waxaa kale oo iyan iska joojiyay deeganka dagmad Gashamo ee Reserve Area oo ah meeshi ugu dambaysay ee lacagtan giinbarta ahi ka socon jirtay Kilalka oo birta iyo shillin Sland kuba si isku mida uga shaqeeyaan hada, walibana intii ay lacagta giimbaarta iska joojisay Gaashamo ganacigeedi wuxu ku xidhmay Hargaysa iyo wajaale wana wax burco ka maqan oo giinbartu sabab u tahay.

Sikastaba ha ahaate dawlda ayaa looga fadhiya badalka lacagtan giimbaarta ah. Dad  bad an oo reer Togdheer ah qurba joogto ha u badan yihiin ayaa laydhka caasimadu uga ilays batay ka Burco hantidoodi iyo ganacsigoodina ula wareegay xagaa iyo Hargaysa daaraha hotelada ugu dhaadheer Haraysna badankooda reer Burco ayaa leh laakin taas lafteedu waa hurumarka record ugu jira ee reer Togdheer ku faani karan madaama ay bilicda iyo horumarka caasimadeena oo xaruntii dalka ahna aanu qayb kanahay. Isku soo wada duubo dadaalka reer Burco mayara waxbadan ayaynu qabsanay waxbadana wali waa inaga  qab yo oo iyagana insha Allahu tacala waynu qasan doona.



 

 

Mustafe C/lahi Cumar-Leedo (Mukhtar)
Mustafe49@hotmail.com
London UK