Qosolka Maanta Ee Saddexda Hoggaamiye Muxuu Ku Dambayn Doonaa?

 


Diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ayaa toddobaadkan ka bilaabantay Somaliland, waxaana lagu furay gobolka Saaxil oo noqday gobolkii u horeeyay ee ay ka bilaabanto.

Diiwaangelinta oo ahayd mid ka mid ah caqabadaha dib u dhaca ku keenay in doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyadu xilligoodii ku qabsoomi waayaan, ayaa waxa dareen isku mid ah ku qaabilay saddexda siyaasi ee kala hoggaamiya xisbiyada KULMIYE, UDUB iyo UCID, kuwaas oo ah ragga isku hirdiyi doona doorashada madaxtooyada ee ay dadka hadda is diiwaangeliyaa codkooda ka dhiiban doonaan horaanta kal dambe.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo guddoomiye u ah xisbiga UDUB, waxa uu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay sidii ay diiwaangelintu u hirgeli lahayd, isaga o u arka inay dhammaystiri doonto doorashooyinka Somaliland ee uu bud dhigaha u ahaa qabsoomidooda. Sidoo kale waxa la aaminsanyahay inuu Madaxweyne Rayaale diiwaangelinta u arko inay sed ugu kordhin doonto codadka uu heli doona, isaga oo aaminsan inay meesha ka bixi doonto ku celcelintii la sheegi jiray inay ka dhacdo goobo badan oo ka mid ahaa goobihii cod bixinta ee doorashooyinkii hore.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa diiwaangelinta u arka inay quxinayso oo keliya doorashooyinka, waxaanu dhawr goor tilmaamay inaanay diiwaangelintu noqonin carqalad kolba dib u dhigta qabsoomida doorashooyinka. Mar uu Isniintoo doraad oo ay diiwaangelintu ka bilaabantay gobolka Saaxil, soo saaray warsaxaafadeed waxa uu ku baaqay in dadweynuhu u dareeraan diiwaangelinta, isaga oo ku taliyay inay fiiro gaar ah u yeeshaan diiwaangelinta, “Xisbiga kulmiye waxa uu ku boorinayaa dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil inay diwaangalinta si wayn ugu soo baxaan, Maadaama diwaan-galintu ka mid tahay nidaamka dimuqraadiga iyo horumarka dallka.

Xisbiga kulmiye waxa uu muwaadiniinta Somaliland ku dhiirigalinyaa inay fiira-gaara u yeeshaan isdiwaangalinta, Maadaama haddii aanu muwaadinku is-diwaangalin luminaayo codayntii iyo qaadashada kaadhka muwaadin-nimadda ee uu xaqa u lahaa.” Ayuu yidhi warsaxaafadeedka hoggaamiyaha KULMIYE, oo isaga laftiisu aaminsan inay diiwaangelintu wax tar u noqon doonto.

Guddomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo in badan ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay diiwaangelin in lagu sameeyo cod bixiyayaasha, ayaa u arka bilowga diiwaangelinta inay tahay talaabo hore loo qaaday, waxaanu Isniintii doraad shacabka reer Saaxil ugu baaqay inaanay u kala hadhin oo ay isdiiwaangeliyaan. Eng. Faysal, oo aad ugu dheganaa diiwaangelintu waxa uu qabaa in ay wax badan ka bedeli doonto natiijooyinkii doorashooyinkii hore oo uu xisbiisu ugu cod yaraa.

Si kastaba ha ahaate, marka si guud loo eego aragtiyaha muuqda ee saddexda siyaasi ee xisbiyada kala hoggaamiya, , waxa ay diiwaangelinta ku qaabileen qalbi furan iyo farxad, iyagoo sida la saadaalin karo mid weliba uu tirsanayo inuu isagu noqon doon midka ku najaxi doona diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland. Waxase ay runtu tahay in nin kasta ay bishu hor iman doonto maalinta la gaadho cod bixinta doorashada, taas oo qosolka wada jirka ah ee maanta u bedeli doonta niyad jab, marka laga reebo ninka guusha hela ee ay diiwaangelintu saaciddo.

 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika