QOYSKII MARXUUM CIGAAL OO DAREEN CADHO AH KA MUUJIYEY HADAL LAGA SHEEGAY XOGHAYAA UDUB

 

Qoyskii Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ka muujiyey dareen cadho leh hadalo la sheegay inuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB qoraal ay saxaafadda soo gaadhsiyeen Qoyska Marxuum Cigaal kuna saxeexan yahay Cali Maxamed Daa’uud Cigaal ayaa u dhignaa sidatan:

"Waxaanu u sheeegaynaa in aanay falaadhi gilgilasho kaga go’ayanin iyo shir jaraa’id uu qabtaa toona wixii aad tirina aanad dafiri Karin cadaymahoodiina laguu hayo Jariiradda jamhuuriyana xaal baanu ka siinay aflagaadadaadii aad ku beeninaysay warkooda Jariiradu waxba may dhimin ee wixii aad tidhi ayay qortay hadalo badan oo kaa soo yeedhayna mudadaa yare e aad shaqadda xisbiga udub haysayna, diiwaanka ayay kugu jiraan hadal xumadda oo aad cid walba ku tilmaanto wax aan asal ahayn nasiib daro shirkii laalaysna waxa aad ka lahayd xisbigani waa midhihii ina cigaal, maantana sidaa ayaad u hadashay laakiin layaab ma lihidoo hadalka kaa soo yeedhay waa mid lagu galiyye ama laguu laqimay , Oo nin reer jabuuti ah ayaad tahay oo waxba kama taqaanid dhaqanka dadka reer Somaliland.

Dhinaca xukuumaddana waxaanu leenahay waa in aad canbaaraysaan, hadalkaas aan meel loo da’in ee ka soo yeedhay xoghayaha Xisbiga Udub haddii kale waxay noqonaysaa mid aad raali kaga tihiin.

Qoraalkan ayaa ka dabeeyey kadib markii ay dhawaan qortay wargeyska Jamhuuriya in uu xoghayaa guud ee Udub uu sheegay in marxuum Cigaal masuuliyada dagaalkii sokeeya uu lahaa taas oo uu beeniyayna xoghayuu sheegayna in hadalkiisi la turjumay.
 

 

 

Togaherer