Qurba Joogta Beesha Gabooye,oo Canbaar eyne yna,Jirdilki LoGeystey ,Jamaal C/raxman,kana Dambeyey Safiirk Somalia ee Suriya

 


Canada-26-May-2009(Gabooyenews)anigoo ah"barkhad xaaji cabdi "mr gaboye" ahna wakiil ku hadlaya magaceyga & kan qurba joogta beelaha gabooye ee yurub & w/america ,ayaa waxaanu canbaar eynba xoogle u direynaa 'safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dimishiq ee suriya ,oo magaciisa la yiraahdo"Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)oo ka danbeeyey ,falkii jirdilka ee loogeystey wiil u dhashey beeesha gabooye ,

safiirkani waxaa uu ku talaabsadey fal arxan daro & naxariis la aan ah tasoo uu u geystey wiil yar oo dhaliin yaro ah ,oo da diisu tahey ,20,jir, ah ,wiilkan dhaliinyarada ah oo magaciisa la yirahdo ,JAMAAL CABDIRAXMAAN AW-AADAN ,una dhashey beesha gabooye ,ee reer somaliland ,kuna nool,dimishiq ,ayaa waxaa bishan ,17-may-2009, laga afduubey gurigooda waxaana afduubtey ,rag gaangiistar ah oo uu u adeegsadey ,

safiirkaasi,wiilkan dhalinnyarada ee jamaal ayaa waxaa loo geystey jirdil& dhaawacba iyadoo la wayey mudo 48-saacadooda ka diibn laga heley meel banana isagoo dhaawaca ,safiirkan ayaa wuxuu isagoo geystey dhacdadan arxan darada ah ee uu wiil ula mida ubadkiisa u gacan galiyey cadow ,uguna talo galey inuu halkas jamaal ku waayo naftiisa ,balse allah awooda lihii bixiyey , dhacdadan uu ka danbeyey safiirka soomaaliya u fadhiya dimishiq ayaa waxaan badhis dheeer ku sameeyey sababta wiilkan dhalaiinyarada ah ee jamal loogu geystey jir dilkan & dhaawacan ,waxaan soo helney inuu ka danbeeyye safiirkaasi oo uu hada ugu hanjabey rag jooga dimishiq inuu u gali doono siddii ,wiilkaas jamaal ,uu u galey oo kale inuu iyagana u gali doono,waxaan ku arki doontaan qoraaalkan aan ka soo qaadey websetka ,www.calanka.com ,


waxaan kaloon soo ogaaney ariinta wiilkan yar lagu diley ee loogu geystey dhacdadan arxan dariida & naxariis la aanta eeloogeystey jirdilka & dhawaca ,JAMAAL CABDIRAXMAAN AW-AADAN ,iney tahey ,qeyb ka mida ku xadgudubyada & xaqdarada lagu hayo beesha gabooye oo ah cunsuriyad & heyb -sooc,ku saleysan qabyaalad & dhaqan caado jahli & aqoon darida soomalida oo ah , iney wiilkan dhaliinayrada ee jamal cabdiraxmaan aw aadan iney iska jeclaadeen ,gabadh ay isku da yihiin ,jamaal ,jaceylna dhaxmarey, safiirkuna adeer u yahey ,gabadhaas ,ujeeedaduna tahey jamaal ma gayo gabadhayada ,sababtaas dartedna loogu geystey jirdilka & dhaawacyada arxan dariida ah wiilka yar ee aan waxba galaabsan ,

waxaanu leehnahey waxaaa ayaaan dari & nasiib dari ah in qaar ka mida madaxda dowlada soomaliya ay umada u geystaan falalka arxan darida ah ,waxaanu leehnahey hadaanu nahey qurba joogta beesha gabooye waxaanu dhaliil & canbaarey kulul u soo jeedineynaa ,guud ahaan maamulka & dowlada sheekh shariif ,ee doortey madax & masuulna ka dhigtey qof aan ,xilkas aheyn ,oo jaahiilnimo & aqoon la aan heysato, kuna kacaya falalkan arxan darida & naxariisa la aanta ah ,ee uu kula kacey qeyb ka mida bulshada & umada masuulka looga dhige y, safiirka ,Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)
ee u dalbadey rag gaangiistar ah wiil dhaiinyaro ah lona geystey jirdilka & dhaawacyada bini aadanimada ka baxsan ,waxaanu leehnahey hadey si degdega dowlada sheekh shariif ee somalia aaney dhacdadan arxan darida ah ka bixiin jawaab degdega ,,waxaanu anagu ka yeeli doonaa ariintaas wixii nala gudboon,

halkan ka akhrista cadeyta inuu ka danbeeyey safiirkaasi ,afduubkii jirdilkii & dhaawacyada loogu geystey wiilkii dhaliinarada ee JAMAAL CABDIRAXMAAN AW-AADAN,dimishiq suriya,ee u dhashey beesha gabooye,hadana uu ugu hanjabey rag kale hadeyna ka bixiin suriya iney mari noonan halkuu marey jamaal,,waana kane bal akhriista,,


Gacmo-gaab oo wacad ku-maray inuu Dalka Suuriya ka tarxiiili-doono ama afduubi-doono Eng-Godo-Godo
Sunday, 24 May 2009 09:40
Safiirka ku-meel-gaarka ah ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed u fadhiya dalka Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)ayaa amar ku-siiyay inuu wadanka Suuriya uu 48-saacadood gudahood borsooyinkiisa xir-xirto Engineer Xuseen Yaaasiin Godo-Godo,oo maalmahan booqasho gaaban ku soo gaaray magaalada Dimishiq,hadii uu 48-saacadood dalka ooga bixi-waayana wuxuu wacad ku-maray , inuu la kulmi-doono ciqaab isugu-jirta dil iyo xarig,wuxuuna ku eedeynayaa Gacmo-Gaab in maqaal ku soo baxay Webka caalamiga ee Calanka oo ku saabsanaa fadeexad iyo musuq-maasuq ka-taagan Safaarada oo isu-bedeshay Cabdala Shideeyihii Bakaaraha inuu isaga qoray,inkastoo baaritaan-dheer kadib ay ogaadeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Suuriya,inuu maqaalkaas qoray suxufi lagu magacaabo (Cali Muxiyadiin Cali)sida-ku-cad halkan:(http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27548)
(Muuqaalka Ninka dhaarta ku-maray inuu ciqaabi-doono Eng-Godo-Godo,dhalashada dalka Holland ayuu heystaa)

Shabakada ShacabkaMedia oo khadka Telefoonka kula xiriirtay Godo-Godo ayaa noo sheegay in si fool-ka-fool-ah loogu sheegay inuu wadanka isaga baxo hadii kale muuqiisa iyo maqalkiisa la weyn-doono
"Hadii aadan dalka Suuriya ooga bixin 48-gudahood waxaad mareysaa halkii uu maray Jamaal oo isagu safaarada afduubtay usbuuc ka-hor,kadibna si-xun loo soo garaacay,hooyadiisna loo soo celiyay isagoo meel-walba la je-jebiyay"Walaahi inaan muuqaaga la arkeynin ee orod wiil-yahoow boorsooyinka xir-xiro inta aad fiyoowdahay ayuu si fool ka-fool ah Safiirka ku-meel-gaarka ah Maxamuud (Gacmo-Gaab)oogu hanjabay Godo-Godo.


Hadaba anigoo ah Suxufi Haashim Qaasim oo ku nool magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya waxaan ku war-gelinayaa dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed,Ehelka iyo Qaraabada Eng-Godo-Godo iyo dawlada Norwey,inaad la socotaan xaaladiisa maadaama hanjabaad iyo caga-jugleyn hawada loo soo mariyay,inkastoo uu ii sheegay inuu xiriir la sameeyay Dawlada Suuriya qaasatan qolooyinka amaanka,oo iyagu balan-qaaday inay il-gaar-ah ku-heyn-doonaan,xaaladiisa.

Waxaa xusid mudan in Qunsulka Safaarada Dimlomaasi-sare Maxamed Tareey (Deeqsiyoow)uu si aad ah ooga xumaaday kolkii uu maqlay caga-jugleynta uu Safiirka u jeediyay Eng-Godo-Godo,wuxuuna kula taliyay inuu ka waantoobo mu'aamaraatka uu maleegayo,maadaama waxaan ceeb iyo fadeexad ah aysan soo kordhineyn,runtiina anigoo ah Suxuifi Haashim Qaasim,waan ooga mahad-celinayaa Maxamed xilkasnimada uu muujiyay.

Wixii ku soo kordho hanjabadaaha iyo afduubka lala damacsan-yahay Eng-Xuseen Yaasiin Godo-Godo oo maalmahan booqasho gaaban ku soo gaaray dalka Suuriya kala soco warkeena dambe hadii Eebe Idmo.

Hadaba dhamaan inta bar-garneysa muuqaalka ninkan oo wacad ku-maray inuu tarxiili-doono,ama ciqaabi-doomo ama afduubi-doono,sidii uu u afduubay wiilkii maskiinka ahaa ee Muusa-dheriga ahaa magaciisana ahaa (Jamaal)ee uu 8-beri ka-hor ku diray gaangiistaro,waana ka suurtoowdaa inuu Eng-Godo-Godo sida Jamaal oola dhaqmo,sidaas daraadeed anigoo ah Haashim Qaasim oo ka tirsan suxifiyiinta ShacabkaMedia,waxaan idinku-wargelinayaa inaad il-gaar ah aad ku-heysaan arintan oo aydan dhayalsan.
Haashim Qaasim Awees
ShacabkaMedia:Warbaahinta Shacabka Soomaaliyeed
La Xiriir:Email: ShacabkaMedia@live.com

cidiii kale e u baahan ariintan xaqiijinteeda qoraalkan hore waxaad booqan kartan ,websetka ,www.calanka.com ,, oo ayduun ka heleysan qoraalkan ,

 


by-wakiilka qurba joogata beesha gabooye ee yurub& w/america,BARKHAD XAAJI CABDI,MR GABOYE,
ontario canada
email"abokoriye1@hotmail.com
email'mrg@gabooyenews.com