Qurbajooga Beesha Habarjeclo ee Degan Wadanka Ingiriiska oo Beeniyey Bayaan lagu sheegay in Qurbajooga Beeshu Xisbiga Wadani Gashay.

 



Salaanta islaamka ee sharafta xambaarsan ayaanu ku salaamaynaa dhamaan umada Muslimiinta ag gaar ahaana shacabka reer Somaliland meel ay aduunka ka joogaanba.

Salaantaas sharafta xambaarsan ka bacdi waxaanu maanta halkan ku beeninaynaa Bayaan lagu sh aaciyey shebekadaha internetka qaarkood 21/April/2013 oo lagu sheegay in Qurbajooga Beelweyn ta Habarjeclo oo isaga kala yimi Gobolada UK ay ku biireen xisbiga Wadani taasi oo ahayd war si kha ldan u baxay oo aan laga fiirsan habka loo gudbinayo iyo sida wax u dheceen, hadaba angoo ixtira am iyo sharaf weyn u hayna dhamaan beelaha Somaliland iyo dhamaan xisbiyada qaranka ee Kulmiy e, Wadani iyo Ucid, dhawraynana sharafta Beelweynta Habarjeclo waxaanu si mug leh u beeninayn aa warkaas aan laga fiirsan ee saxaafada la geliyey.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in Magaca Beesha aanay isticmaali karin shakhsiyaad aragtidooda iyo fikirkooda meel ku galay iyadoo hanaanka dimoqraadiyadeed ee aynu qaadanay uu muwaadin k asta u fasaxayo inuu fikirkiisa siyaasadeed ku geli karo xisbiga uu doono ee ka mida Xisbiyada Qaran ka Somaliland balse aan qof iyo koox toona laga ogolayn inay magac beel ka been abuuraan,

Kulankii uu Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Md. C/raxman Maxamed C/laahi kula yeeshay xubno ka mid a beesha Habarjeclo magaalada Birmingham muu ahayn mid ka turjumayey Beesha ee wuxuu ahaa kulan ay wateen xubno toban qof ah oo uu hogaaminayey Agasimihii Shaqada laga eryey ee Maxa mud Raage sidaa darteed waanu cambaaraynaynaa inay ku isticmaalaan magaca Beelweynta Hab rjeclo shakhsiyaadkaasi laakiin waa u xor inay galaan xisbigii ay dan moodaan.

Waxaanu koox kasta oo aragtideeda u gaarka ah cid kula shuraakowda uga digaynaa inayna ka be en abuurin magaca Beelweynta Habarjeclo oo ay ku ekaadaan magacyadooda, waxa magaca Bees ha oo is huwan isticmaali kara Madax dhaqameedyada beesha oo isu dhan.
 

 

 


Allaa Mahad leh
Afhayeenka Gudiga Beesha Habarjeclo UK

Xuseen Cali Jibriil