Qurbajooga Taagera UDUB Oo Shir Ay Isugu Yimaden Birmingham Ku Qaadacay Natijadi Shirweynahi UDUB

 


Shir ay maanta isugu yimaadeen dhamaan xubnaha taageera Xisbiga UDUB ee degan Caasimada 2aad Uk Birmingham iyo nawaaxigeeda ayaa ka dhacay LE Hiltop Confrence Hall.

Shirkan oo ku bilaabmay jawi xamaasad iyo buuq cadho leh ayaa waxaa gudoominayey Md.C/raxmaan Cali Ubaxle( xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga UK iyo Xafiska dhexe Hargeysa) wuxuuna dadkii shirka yimi kula taliyey in ay is dejiyaan si nidaam lehna u fadhiistaan si ay qof kasta ugu suuro gasho inuu si saraaxad leh fikirkiisa uga hadlo ka dibna uu sheego sida uu xal u arko.

Intaasi ka bacdi waxaa bilaabmay shirkii oo u badnaa war bixino ku saabsan sidii uu u dhacay shirkii 2aad ee Xisbiga UDUB kana dhacay Casimada Hargeysa, warbixinahaas oo u badnaa kuwa dhaleecayn ah isla markaana dadka hadlay badankoodu ay sheegeen in qaabka shirkaasu u dhacay iyo sida loo soo maamulayba ay ahaayeen sharci daro iyagoo wixii halkaasi ka dhacayna ay dusha ka saareen Gudigii qabanqaabada ee uu hogaaminayey Axmed Yusuf Yaasiin waayo waa isaga ninka loo adeegsaday Dhismaha Biriijka Sharci darada ah ee uu Riyaale Kaga gudbay cabudhinta Dimoqraadiyada.

Waxaa dadka qaarkii oo isugu jiray Rag iyo Dumarba ay ku dhawaaqayeen Axmed Yuusuf Yaasiin waa lagala xisaabtamayaa Dulmiga uu horseedka ka ahaa Shacbiga reer Somalilandna waxaanu uga digaynaa in ayna aaminin Koofiyada Axmed Yuusuf yaasiin ee ay u aqoonsadaan nin cadaalada ka fog.

Ugu Danbayn waxaa hadal dheer halkaa ka jeediyey Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga UDUB uk & Xafiiska dhexe ee Hargeya Md. C/raxmaan Cali Ubaxle oo isagu shirkaasi inta aanu bilaabmin qaadacay markuu ka war helay sida wax u socdaan wuxuuna yidhi.

Waxaan salaan sharaf leh u soo jeedinayaa dhamaan dadkiina halkan isugu yimi ee waqtigooda u soo huray inay ka hadlaan dulmiga uu ku talaansaday xisbigii aynu ka tirsabayn ama taageeri jirnay, waxaan kaloo amaan gaara u soo jeedinayaa intiinii iska xil saartay in shirkani qabsoomo oo xataa lacabtoodii ku bixiyey si Xaqa loogu Adimo, waxaan filayaa in inteenan aanu qofna shaqadii ama taageeradii uu xisbiga u hayey mudada dheer aanu mushahar ku qaadanayn wax isaga kaga baxa mooyee balse waxa aynu ku wada soconayn uu ahaa in laga gudno Qabyaalada, dib u dhac ,gobolaysi, Digtaatoornimo, qof jeclaysi iyo danaysi.

Waxaynu isla qaadanay malaa xisbigan UDUB ayaa dadkoo dhami ka dhex muuqdaa oo uu hogaankiisana hayaa Nin ka soo jeeda Awdal hadii dadku u haystaan in Somaliland tahay meel Reer iska leeyahay oo aan cid kale loo ogolayne aan isaga taageerno oo dhisno oo dhiiri gelino hadaynu nahay aqoonyahankii qurbo jooga ahaa si aynu u gaadhno aqoonsi caalami ah sidii ayaynu ku hawlgalay oo qof walina iskii isu diray waxaase nasiib daro ah in hogaankii xisbiga ee aynu inagu cagaha u taagney waqtigeenii gelinay uu la soo boxo Digtaatooriyad isagoo Codkeenii, cududeenii iyo Ciidankeenii u isticmaalay inuu ku cabudhiyo muwaadinkii xaqa ku taagnaa ee dulmi diidka ahaa taasina ay keeni karto cawaaqib xumo aan meesha ay gaadho laga soo dejin karin masuuliyadeedana ay leeyihiin Rayaale iyo Kooxda uu ku adeegtay ee u suura gelisay inuu sidan yeelo.

Waad ogtihiin in aan anigu ka mid ahaa dadkaa loo soo ururiyey in ay Goobta u yimaadan Sacabka iyo mushxarada laakiin aan loo ogolayn hadal kale waxaase nasiib waxaag ah in aan goor hore iska gartay oo aan qaadacay iyadoo saaxiibaday qaar ka mida ay ila soo xidhiidheen oo yiraahdeen ilaahay ayaa xaqa ku garansiiyey anaguse waanu isku cilkaambiyaynaa goobtaas aanu tagnay waayo waxaa xataa naloo diiday i aanu fikrad ka dhiibano xeerkii xisbiga oo wax laga bedelay oo nala yidhi sidiisa ku ansixiya qofkii farta taagana la yidhi aamus, dhinaca kalena qaar ayaa igu soo canaantay una haysta in ay saxsanyihiin oo leh waad na cayday kuwaana waxaan leeyahay idinkaa is caayey anuu idinma caayin idinmana caayi doono, balse Daahir Rayaale waa shakhsi damac leh oo isku deyaya wax ala wixii kursigiisa uu ku ilaalin karo laakii waxaa Naftiisa, Dalkiisa, iyo Dadkiisaba denbi ka galay waa 700 ee qof ee la isugu keenay Hoteel Maansoor ee aan Sacabka iyo mushxarada waxaan ahayn laga ogolayn iyadoo ay u muuqato dulmiga iyaga loo adeegsanayo iyo weliba cida u adeegsnaysa halka mujaahidintii dalka u soo halgantay marba meel la riixriixayo, waxaad kaloo ogaataan in shirweynaha 2aad ee UDUB qaybtii dimoqraadiga ahayd uu weli socdo shirkoodii oo aynu ka war sugi doono wixii ka soo baxa.

Ugu dabnayntiina shirka oo jewi qurux badan ku soo dhamaaday ayaa dadkii halkaasi isugu yimi oo ku dhowaa ilaa 130 qof waxy isla qaateen in ay ka soo hor jeedaan natiijada shirka Maansoor kuna baaqayaan in dib la isugu yimaado shir loo midaysam yahay.
 

 



Axmed Jaama (Gorgor)
Birmingham Uk