RAAXADII WAJAALAY

 

 

 

Raaxadii Wajaalaay

Allow rabashka kaa hay

Riyadii naftaydiyo, ramaashkii baxaayaay

Allow rabashka kaa hay

Raaxadii adduunkaay, nafta beryo u rooneey

 Allow rabashka kaa hay

Reeraha hareeruhu ,risiqaay cunaaneey

Allow rabashka kaa hay

Raaliya haweeniyo ,rugtii xoolo iibkaay

Allow rabashka kaa hay

Ramaashiyo hir dooglaay ,roob soo onkodayeey

Allow rabash ka kaa hay

Rays iyo hadhuudheey, reerkii lagu nagaadaay

Allow rabash ka kaa hay

Rugyartiyo Agoomaha, raaska biilka siiyaay

Allow rabashka kaa hay

Roobkii da'aayee rabbi noolisaay

Allow rabashka kaa hay

Riiqdiyo abaaraha ,meel u rabbi ka dhawraay

Allow rabashka kaa hay

Reerkii lagu nagaadee ,lagu naafo baxayee, abid lagu nuglaadaay

Allow rabashka kaa hay

Roob meel ku hooraay, ramaash baxay Wajaalaay

Allow raba shka kaa hay

Rubadkiyo qalbiga ,riiqdii waraabkaay, raashinkii adduunkaay

Allow rabashka kaa hay

 

 

 

Abwaan, Cabdiraxman Ibrahim Buux