RABBI AYAAN KUGU DHAARSHEE RAYAALOW IS-CASIl

 

Mucaaridku ma aha qof nacayb,muxaafidku ma aha qof jacayl.Dalka ay aa ka dhaxeeya waddaniyiinta u dhashay Somaliland,guul iyo guul-darro laba-daba way wadaagaan waddaniyiintu.

Mudane Madaxweyne waxa xisbiyadu ku loolamayaan ma aha qaranni m ada, ma aha calanka ee waa hab-dhaqanka hogaaminta dalka.Balaa n ku xasuusiyee dib u jaleec falalka aad odayga ka tahay fadlan:

1.Sababta dhaafisay 5tii sanno ee codka ummadu kuu cayintay.
2.Sharci darrada aad kursiga ugu fadhido 2da sanno.
3.Total-kan aad tidhi waa lama taabtaan.
4.Xoolahan aad u wareejisay Jabuuti.
5.Dekkada Berbera ee aad xidhay.
6.Warshadahii aad dhagax dhigtay ee hawada noqday.
7.Xisbiga UDUB ee aad 2da qaybood u kala jeexday.
8.Doorashada aad diidantahay.

Inaha kaba soo qaad Mudane Madaxweyne,haday arrimahaasi kula  to osanyihiin aan ku idhaahdo waad ku qaldan-tahay,shacabka iyo  dalk aba waa ku qoor gooyo. Nimanka kaa ag-dhow waxay kuu qodeen bohol hadimo.


Rabbi ayaan kugu dhaarshee Mudane Madaxweyne Rayaale is-casil.

Mudane Madaxweyne waa wax laga xishoodo erayada iyo aragtiyaha qaar- kood in aad saxaafada ku baahisid. Alle ayaan kugu dhaarshay ee bal dib u jaleec hadalada aad safar-kaagii Kuwait kaga jawaabtay:

(Waxa ugu muhiimsanaa ee aan kala hadlay wuxuu ahaa wixii dan u  no qon lahaa ummaddan, run ahaantii dhismaha aasaasiga ah inay inaga caawiyaan sida Wadooyinka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha kuwaas oo aan u arkaayey arrimaha ugu muhiimsan, jawaab fiican bay iga siiyeen… waxay balan qaadeen inay arrimahaas oo dhan wax  ina gala qabanayaan, haddii Ilaahay yidhaadona ay soo diri doonaan  hay ’adooda Deeqaha qaabilsan Kuwait Fund, taas oo xiligii dawladii hore ee Somalia markay jirtayna mashaariicda Wadooyinka wax ka bixin jirtay, markaa insha Allaah waxaan rajaynayaa inay inoo yimaadaan.)

Ma waxa shacabka leedahay qorshe la´aan ayaan ku tegay Kuwait.
Wadooyinka,waxbarashada iyo caafimaadka wax qorshe ah midna uma an samayn laakiin way innaga caawinayaan.
Rabbi ayaan kugu dhaarshee Mudane Rayaale is-casil.

Mudane Madaxweyne alle ayaan kugu dhaarshee bal dib u dhugo,una d hadhami waydiinta suxufiga iyo jawaabta aad ka bixisay:

S: Baahida ugu weyn ee Somaliland waa sidii ay Caalamka uga heli lahayd aqoonsi, ma kala hadashay Madaxdaas Kuwait inay aqoonsadaan Somaliland?

J: Horta aqoonsigu ha inoo dambeeyee wax badan baa inooga horeeya, haddaan dhaqaale helno Automatically ayuu aqoonsigu Adeer u imana yaa, maanta haduu dhulkeena khayraad ka soo baxo oo aan shidaal la soo baxno oo maalgelin dhulkeena lagu sameeyo Aqoonsiga adaa laguu baahanayaa waa lagu aqoonsanayaa, aqoonsiga waa raadinaynaa laakiin waxa ka horeeya dhaqaalaha, aqoonsigu waqti dheer inuu kugu qaataa laga yaabaa, waqti dheerna wuu inagu qaatay waanu socon doonaa ilaa wakhtiga aan ka gaadhayno laakiin wax qabadkaa ka muhiimsan.)

Waxay igu noqotay naxdin iyo hadal aanan kaa filayn Mudane Rayaale hadalada kaa soo baxay ee aad saxaafada ummada u soo marisay.Ta qudha ee ummadani aduunka uga oodantahay waa aqoonsi la´aan.Tiina ma hadaad tidhi aynu iskaga hadhno ku daalaye.

Rabbi ayaan kugu dhaarshee Rayaalow is-casil.

Allahayow dadkan iyo dalkan madax khayr qabta u door.

 

 

Hussein Badmah