Rabbi naxariistiijanno fardawsa ha ka waraabiye waxa ma gaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuumMaxamed Max amuud Kastam,oo ahaa Suxufi ruug cadaaya iyo Qoraa weyn

 



Hargeysa (TNN):- Alle ha u naxariisto oo ha u nuuro qabrigee, waxa goor dhawayd Maga al ad a Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (M.M.Kastan).

Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (M.M.Kastan), oo ahaa qoraa ruug cadaa ah ,oo reer Somaliland ah, ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxu um Kastan, ayaa ka mid ahaa qorayaasha iyo bahda saxaafadda Somaliland ee aqoonta dheer u leh mihnadda saxaafadda, waxaanu ahaa shaqsi af-gaaban oo dhalinyarada saxa afaddu jecel yihiin isla-markaana mar kasta oo ay kulmaan tusaaleyn jiray.

Marxuum Kastan, oo ahaa qoraa leh buug faro badan, ayaa buugaagta uu qoray waxa ka mid ah, BUSTAANKA FANKA, BADWEYNTA NOLOSHA iyo kuwo kale oo faro badan.Sidoo ka le, marka laga yimaaddo buugaagtaasi, waxa uu qoray sheekooyin taxane ahaa oo caan ka noqday warbaahinta Soomaalida iyo sheekooyin tusaale iyo toosin ah oo uu shacab kiisa u soo bandhigi jiray.

Maamulka iyo hawl wadeenada Bahda Timacade News,waxay tacsi tiiraanyo u dirayaan ehelkii,qaraabadii,asxaabtii,bahda saxaafada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay. Wa xaan Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu marxuumka janno fardawsa ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland