Rayaale iyo Siilaanayo iyo goldalooloyinka Dasto orku carqada bey ku yihiin doorsho xalaal ah oo dhacda‏



 

Dhamaan waxan aad u salaamaya bahda shabakada iyo dhamaan shacabka xiiseya SHABAKADA marwalbana soo booqda.

Maalinba maalinta ka danbeysa ayaad maqlaysa ama arkeysa waxanad fileyn, maantana ma waxay sheekadoodi mareysa waxan sakaaro ba ka biiqsan, waxad arkeysa in wali BIYO HOOSTOOD dagaalkii ka socdo oo an waxba lagu heshiin, dadku sidoodaba marka ay heshiis i ee gacan qaad dhaco waxbadan baa isbadala. Waxad mooda sheekadoodiiba in ay u biyo shubatay Inantii xumaatey ee wanaanada iyo wanaaga la farayay ee la heyd i dhakhsada waa la i fadhiyaye

Bal u fiirso qodobkan sharxaya xubinimada komishanka ee u muranku ka taagan yahay.

Inanu ka mid aheyn urur/xisbi siyaasadeed kana madax banaan yahay -

Waxan haddaba leeyahay bal aynu dib u eegno xubnihii hore komishanku sida ay kala aheyn ee loo soo magacaabay 3da xubnood ee madaxweyne Rayaale soo magacaabaya waxay ka tirsanayeen xisbiga UDUB, labad xubnood ee mucariidku soo magaacabayna waxay ka tirsanayeen xisbiyada mucariidka taasi cidii ay shaki kaga jirtoo dib u wareysi taga o shantaasi xubnood dabgal ku samee. .

Maadaama u qodobkaasi ku jiro shuruurdaha xubinimada gudida  komisha nka. haddaba waa maxay sababta u sharcigu ugu ogolaaday in ay sadexda xisbi iyo madaxweynaha tartanka ku jiraa ba in ay soo doortan 5 xubnood o ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka, taasi waxay marwalba ka hor imanaysa xulashadii xubnaha k/Qaranka.

SHARCIGA SIIYA LABADa XISBI MUCARIID LABA XUBNOOD, EE MADAXWEYN AHA SIIYAY 3 XUBNOOD EE GUURTIDA SIIYA 2 XUBNOOD EE HADDAN INA ODHANAYA MA SOO DOORAN KARTAN XUBNO IDIN TAAGEERSAN. bal  aakhris tow qodobkaasi muxu taaran nuxurkiisu NOQONAYA.

Haddaba talow dastoorkan ma waxa qoray qof an muslin aheyn miyaanu ogeyn ama anu la socon in la dhaarin doono xubanahan, waayo 7daasi xubnood ba waxa lagu xakameyn kara uun oo lagu aamini kara in kitaabka alle oo lagu dhaariyo ee maha in la yidhaahdo masaajidada iyo suuqa ka soo doorta xubno matal gudida doorashooyinka.

Waxan haddaba aakhristow aad u la yaaba nahay dastoorkeena dhigaya ee u qoondiyay ama u ogolaaday 3da xubnood inuu Madaxweyne Rayaale soo magacaabo ama soo doorto, golaha guurtiduna soo magacawdo laba  xub nood, labada xisbi mucariidin laba xubnood, tiradaasi aadka u kala badan markaad eegto waxa meeshaasi ka garan karta inuu sadbursi iyo xaqdaro badan dastoorkeenu jideynayo haddii an maanta waxbadan laga badalin, haddii cadaaladi inuu jirto maxa loogu qoondeen waayay ama loo siin  waa yay axsaabta nambar isku mid ah. horaa loo yidhi HAL XAARAN IHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO, maadaama u khaladaad badani ka muuqdan dib ha loogu noqdo o waxbadan ha laga badalo islamarkan ha la dhameystiro kuwa wali qabyada ah.

Waxa hubaal ah o marag ma toonta ah inuu xisbi waliba soo xulan doono  xu bin si toos ah ama si dadban ba u taageersan xisbigaasi soo magacaabay. Waxa hubaal ah inuu madaxweyne Rayaale hore ba u sii diyaarsaday  xub naha looga baahan yahay isaga xagiisa kuwaaso noqon doona xubno isaga si toos ah ama si dadban u taageersan una daacada ah madaxweynaha, qodobkaasi odhanaya waa inanu ka mid noqon xisbi iyo urur, kana  madax banaan yahay siyaasada dalka, waxan u arka inuu yahay qodob an ku habooneyn xulashada xubinimada gudida komishanka, oo markaste keeni kara muran iyo dabgal xubintaasi la soo magacaabay sidan maantaba taagan.


Haddaba waxa runtii iga dhaadhici la' ama iga daadagi la' sababta u  mad axweyne Rayaale u soo celinayo xubintaasi la soo doortay iyo wuxu ka faa'iidayo, kala xulashadooda xubnaha kulmiye haddii la soo badalo Ilhan iyo haddii kale, miyanu ogeyn inuu soo magacaabi kara kulmiye xubin kale o ka sii kulmiyeysan Ilhaan oo xisbiga u qarsoon o an islamarka wax xil ah u heyn xisbiga maanta horan uga soo qaban laakin ka mid ah xisbiga kulmiye, waxan odhan laha madaxweyne miyanad aaminsanayen kitaabka alle ee lagu dhaarin doono Ilhan iyo xubnaha kalaba marka ay hawsha si buuxda loogu igmado, waxa marwalba mudan in aynu aamino dhaarta iyo kitaabka alle.

Waxakaloon aad u la yaaban nahay isaga laftiisu waa madaxweyne Rayaale ma wuxu inaga dhaadhicinaya xubnaha u soo magacaabi doona in ey  noq odoona culimada masaajidada ka adinta ee dadkoo odhani ku kalsoon yihiin, soo ma wada garanayno ashkhaasta u soo magacaabin doono kuwa ay noqon doonan, waxan ka codsanaya madaxweyne maadaama u sharicigu u ogol yahay xubin xisbiyada mucaaridka ah siida, si ay arimuhu toos inoogu socdan o aynu doorasho u higsano xalaal ah, adiguna waxad ku soo  kordh isa kuwa ad ugu kalsooni badan tahay xisbiga UDUB ee ad doorbideyso.

Runtiina waxan leeyahay ragga qoraalada soo qoray ee leh gudoomiyaashu waxay soo doorteen xubno beeshooda ka tirsan, runtii ila ma aha in ey xaarantahay inuu gudoomiyuhu soo igmado xubin ka tirsan beeshiisa haddii ay xubintu tahay mid buuxin karta shuruurdaha looga baahan yahay komishanka qaranka xaq buu u leehaya inuu soo doorto, waxanad ogaatan in ay beeshu ka mid tahay muwaadiniinta soomaliland ee looga baahan yahay in ay ka qeyb qaatan hawlaha qaranka.

HADDII AN MAR LABAD IDIN XUSUUSIYO QODOBKAASI U MADAXWEYNUHU KU DHAGSAN YAHAY MA SAX BAA MISE WAA QALAD, runtii waa sax sida u qoran yahay oo wuxu qoraya dastoorku, waa inanu xisbi iyo urur midna ka tirsaneyn xubinta noqoneysa komishanka qaranka, laakin maha mid sharcigu ilaahey soo dajiya ee waa mid laga wada hadali karo waxna laga badali karo islamarkan laga wada tashan karo waxka badal kiisa haddii wanaag la rabo. teeda kale bal dib ugu noqda xubnihii hore ee  madaxwe ynaha iyo axsaabta mucariidku soo magacaabeen ee ka tirsan komishankii hore ma waxay ahayeen qaar gidaarada laga soo toosiya o an taageersaneyn xisbi, waar TIMIR LAF BAA WALI KU JIRTA ee yaan dadka been loo sheegin o an la odhan waanu heshiinay.

Waxan haddaba ku soo gunaanadaya o an xusuusinaya dhamaan inta iimanka iyo qalbigu fayooyahay in aynu AAMINO DHAARTA TODOBADAASI XUBNOOD LOO DHAARINAYO IN AY SHAQADOODAASI LOO IGMADA DAACAD U NOQDAAN O ANEY XISBI IYO MUSHARAX MIDNA U RIYAAQIN.

Waxakaloon halkan bogaadin iyo hambalyo uga diraya gudoomiyahay  xisbi ga qaran ee UCID Inj. Faisal Cali Waraabe iyo dhamaan madaxda xisbigaasi ee go'aanka geesinimada leh ee ay ku garwaaqsadeen in ay badalaan  xubi ntii hore ee komishanka ka tirsaneyd ee la soo celiyay. wuxu marwalba  xi sbiga UCID doonaya inuu soo afjaro carqalad kaste o doorashada dib loogu dhigayo, taasin waa mida markaste ad ka dareemeyso siyaasada xisbiga UCID iyo go'aan qaadashadood, waxad haddaba ogaata aakhristow inuu yahay UDUB iyo Kulmiye iyo Rayaale iyo Siilaanayo, kuwa carqaladaha  ma leegaya marwalba doonaya in doorashada dib loo dhigo oo ay wali ku jiran ijiid an ku jeede, labadaasi mas'uul ee kala aha Rayaale iyo Siilaanayo o ad moodo in ay sidii GAMBAYARTII U FIICIL TAMAYAN.
 

 


Omar Daarood Xassan

Norway