Rayaale oo ku Dhawaaqay inuu si Madaxbannaan u Fasaxay Dhoofinta Xoolaha ee Al-Jaabiri u Xayirnaa

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in la soo afjaray khilaafkii ka taagnaa dhoofka xoola nool ee ka dhashay heshiiskii kootada ahaa ee xukuumaddu la gashay ganacasadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabiri, isaga oo caddeeyey in ganacsatadu fasax u yihiin dhoofka xoolahooda.

Sidaana waxa uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay waraysi dheer oo ka hor intii aanu u baqoolin Itoobiya uu dalka Jabuuti ku siiyey telifiishanka Universal TV, kaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Senator Russ Feingold, Budhcad-badeeda, weerararadii argagixiso iyo qodobo badan oo ku saabsam mandaqada geeska Afrika

Madaxweyne Rayaale waxa uu waraysigaa ku sheegay in Jabuuti iyo Somaliland yihiin labada dal oo walaal iyo jaar ah, isla markaana ay waxyaabaha mandaqada ka dhacayaa wada khuseeyaan, waxaanna uu xusay inay madaxda Djibouti ka wadahadleen sidii arrimahaas la isaga kaashan lahaa.

Waxa kale oo Madaxweynuhu ka xogwarramay kulankii uu la yeeshay mudane ka tirsan Golaha Senate-ka Maraykanka Mr. Russ Feingold, kaas oo uu xusay inuu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa qaraxyadii ka dhacay dalka iyo in aanay mar dambe weerarro noocaas ah lagu soo qaadan dalka, isaga oo dhinaca kalena sheegay in arrimaha mandaqada khuseeya si gaar ah uga wadahadleen, isla markaana ay kulmaadaasi ku dhammaadeen is afgarad.

Madaxweynaha oo la waydiiyey in masuuliyiinta ay Djibouti kula kulmeen isla soo qaadeen arrimaha budhcad-badeeda ka dilaacay xeebaha Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Runtii budhcad-badeeda cid la dagaallanta annaga [Somaliland] uun baa jirna Soomaali marka la sheego, waxa jira qaar aannu qabayn oo aannu maxkamad saarayno, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen Boosaaso, waanna la hayaa hadda oo xabsiga ayey ku jiraan, markaa budhcad-badeedu waxyaabaha aannu ka wadahadalnay ayey ka mid tahay ee ay ku jirtaa.

Markaa guud ahaan adduunka wixii nabad danaynaya haddii aannu Somaliland nahay waxaannu jecelnahay in aannu gacan-saar la yeelano, arrintaa budhcad-badeeduna saamaynta ay adduunka ku yeelatay mid la mid ah ayuun bay annagana [Somaliland] nagu yeelatay, maraakiibtana caymiskii ayaa ku qaaliyoobay oo cabsida dakeduhu ka qabaan ayuunbay kuwayagana qabaan, waliba markaad u fiirsato annagu waanu u dhawnahay oo saamayn gaar ah ayay nagu yeelanaysaa haddii aan wax laga qaban.”

Madaxweynaha oo la waydiiyey dareenkiisa ku waajan aragtida waddamada reer Galbeedka ee Maraykanku ka mid yahay ee ah in aqoonsiga Somaliland ay u daba fadhiisan doonaan midawga Afrika, waxa uu isaga oo arintaa ka hadlaya uu yidhi; “Run ahaantii had iyo jeer qolyahan ajanabigu waxay yidhaahdaan aqoosiga Afrika ha nooga horreyso, laakiin annaguna taayada ayaanu sheeganaa, waxaanan ku nidhaahnaa Afrika had iyo jeer go’aanadiina ayay raacaan, waayo waxa Afrika ku shaqayso waa qaraarada iyo go’aamada ka soo baxay Qaramada Midoobay, qaraar ka soo baxa Midawga Afrikana laguma shaqeeyo, mida labaad Miadawga Afrika waxba ma aqoonsado oo daldal baa wax lagu aqoonsaadaa ,waddan baanna wadan aqoonsan kara,markaa Maraykanka dhibaato ka hortaagan in uu na aqoonsado ma jirto. Annaguna codsigayaga aqoonsi raadinta waanu wadaynaa, kolay cid ayuun baa ka jawaabi doona ama Maraykan ha ka jawaabo ama Afrikaan ha ka jawaabo.”

Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale sheegay in aannu jirin wax habayaraatee iska beddelay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ahmaduo Ould-Abdallah, xidhiidhkooda wada shaqayneedna uu fiican yahay, isaga oo xusay in Somaliland danaynayso dawladda u dhisanta Somaliya si loo helo laba dal oo daris ah, kuna wada nool nabad galyo iyo is tixgalin.

Waxaanna uu tilmaamay Madaxweyne Rayaale in haddii Somaliland la aqoonsado ay qayb-libaax ka ciyaari lahayd nabadaynta Soomaaliya, halkaasi oo muddo badan ay hadheeyeen colaado daba dheeraaday oo sababay dhimasho iyo xusuuq bani’aadanimo oo ka dhacay, isla markaa dunidu u wayday xal arrintaa wax lagaga qaban karo.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd qaraxyadii argagixiso ee 29-kii October 2008 ka dhacay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Horta waxan la qariyey ee suurtogal ka dhigay in ilaa madaxtooyada la qarxiyo ma dhibyara in markiiba la yidhaahdo waannu wada ogaanaya, walina baadhistu way socotaa, raadadkeediina qaar baanu haynaa, qaar wali baadhis ku jiraana way jiraan, waxaananu rajaynaynaa inay soo baxdo.

Somaliland-na hore ayey falal argagixiso uga dhaceen, suurtogalna ay noqotay in aannu raadino dadkiina aannu helno oo maxkamad aannu saarno, waxaananu ku rajo weynahay kuwana in aannu heli doono maxkamadna horgeyn doono, baadhitaankuna ilaa uu dhammaado wax tibaaxo ah lama sheego, markaa ilaa aannu ka gun gaadhno iminka odhan mayno halkaas ayey ahayd iyo halkanay ahayd, baadhistuna ha dhammaato.”

Madaxweyne Rayaale oo la waydiiyey su’aal ahayd; “Qolyaha muraacadka ah ee Somaliland waxay tilmaamaan in tallaabooyinka ammaanka ee la qaaday hadday noqotay ciidammada fara badan oo la dhigay Hargeysa iyo magaalooyinka kale, waxay ku tilmaamaan bandoo aan rasmi ahayn oo magaalooyinkii la saaray, markaa tallaabooyinkaas dhinaca ammaanku adiga ma kula yihiin qaar haboon.” Waxaanna Madaxweynuhu su’aashaas kaga jawaabay; “Horta masuuliyadda dalka aniga ayaa haya, haddii aan khatar arkana in aan ummaddayda badbaadiyo oo nabadgelyada adkeeyo waa masuuliyad aniga i saaran ee maaha masuuliyad mucaaradka saaran, ninka mucaaradka ahi had iyo jeer waxay u badan tahay waxaan dhaliilba ahayn oo xil gudasho ah inuu dhaliil ka dhigo, markaa waxay ku hadlayaan xor bay u yihiin, aniguna kuma haysto, laakiin anigu xilkayga iyo waajibkayga ayaan gudanayaa. Nabadii badnayd ee aannu ku seexanayna waa ta keenay in madaxtooyadii la qarxiyo, waxaanan qabaa inay toosin noo ahayd cid kasta oo nagaga dhimatayba, in aannu markasta feejignaano oo aannu ka shaqayno in aan shacbiyga nabadgelyadiisa ilaaliyo, waajibayna igu tahay, waanan ku dadaalaynaaa, nin mucaarid ah ayaa meel ka hadlayna igama leexinayso xilka gudashadiisa, waayo masuuliyad baa i saaran, mucaaradkuna may sheegin dhibaato iyaga loo geystay, laakiin haddii mucaaridku nabadda la ilaalinayo ka didaan waa nasiib-darro ayaan odhan karaa.”

Waxa kale oo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waraysigaas ku sheegay in diiwaangelintii codbixiyeyaashu ku dhowdahay gebogebo, isla markaana doorashooyinka lagu qaban doono muddadii loo cayimay.

“Doorashada dib u dhigmayno ama ha naloo yimaado [goobjoogayaal caalami ah] ama yaan naloo imanine waqtigeedii ayaanu ku qabanaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo la waydiiyey halka ay ku dambeysay murankii ku saabsanaa dhinaca xoolaha, ayaa sheegay in arrintaas la soo afjaray waqtigii uu u qabay, isla markaana uu dhammaaday muddadii shanta bilood ahayd ee loo qabtay ganacsatada xoolaha ee ka madaxabannaan Al-jaabiri.

“Arrintaasi waxay dhammaatay, xoolihiina waannu fasaxnay, waxaanan leeyahay ganacsatada xoolihii way idiin furan yihiin ee meeshaad doontaan ka dhoofsada, ciddaad doontaana ka iibiya, anigu $50 dollar ayaan idinku idhi Berbera kaash kaga qaata, laakiin haddii aad diideen ama Carab keena ama isgarab yaaca ee bal yaan la arkin idinkoo wax ka yar ku iibinaya xoolaheena,” ayuu yidhi Md. Rayaale, waxaannu intaa ku daray in maxjarkii xoolaha ee Berbera la dhammeystiray, isla markaana la sugayo in la soo qaado shahaadadii lagu aqoonsan lahaa.





 

 


Jamhuuriya Online