Rayaale oo Safar aan la Shaacin ugu Duulaya Dalal ka Tirsan Qaaradda Yurub

 

 
Madaxweyanaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa in dhowaan booqasho ku tagaan qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Weftiga oo ku horreyn doona Farnsiiska, ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale booqdo waddamada Jarmalka iyo Ingriiska, iyadoo wararku sheegeen in in weftigu muddada ay joogaan Faransiiska kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta dawladda iyo ganacsatada waaweyn ee dalkaas.

Hase ahaatee, ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin dhinaca xukuumadda Somaliland oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Rayaale.

Faransiiska ayaa ah dal ka mid ah dalalka caalamka ee aad u danaynaya inuu xidhiidh ganacsi oo xor ah la yeesho dalka Somaliland. Iyada oo xukuumadda Rayaale la sheegay in ay beryahan dambe xoojisay xafiiska ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sidoo kale Faransiiska ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee caalamka u soo bandhigay ataarta qadiimka ah ee ku duugan dhulka Somaliland, iyada oo ay dhawaan khubaro ku xeeldheer arrimaha taariikhihii hore ay shaaciyeen in Somaliland qani ku tahay raadraaca taariikhihii quruumihii hore, kuwaas oo dalka u soo jiidi kara dalxiisayaal fara badan.

Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Qarannews waxa xubnaha weftiga Madaxweynaha ku wehelin doona socdaalkiisa ka mid ah wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, marwada koowaad xoghaynta khaaska ah ee Madaxweyne Rayaale.

Weftiga ayaa lagu wadaa in ay dalka ka soo dhoofaan saddexda casha ee foodda innagu soo haysa gudahooda. Haseyeeshee, wararkaasi ma sheegin inta uu qaadan doono safarka madaxweynahu, hase ahatee waxa dalka Faransiiska ku sii qulqulaya diblomaasiyiin iyo saraakiil u dhashay Somaliland iyo caalamka kale ee iyagu daneeya arrimaha Somaliland, kuwaas oo isu diyaarinaya soo dhoweynta weftiga Md. Rayaale.

Geesta kale, waxa iyaguna qaaradda Yurub safar shaqo ku jooga xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo la filayo in ay Jimcaha maanta gaadhaan dalka Norway.






Source:Jamhuuriya Online