Rayaale VS Cigaal: Kala Duwanaanshaha Dookha Xulashada Wasiirada

 

             

Golaha Wasiirada ee xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa ku jira xubno tiro badan oo haysta dhalashada wadamo shisheeye, waxaanay ka soo guryo noqdeen qurbaha oo ay badankoodu u hayaameen xilliyadii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Waxyaabo badan ayaa kalifay sababta uu Madaxweynuhu u magacaabay xubnahan. Laakiin waxa macquul ah inay kaliftay isaga oo filaya inay xubnahani ka dardar badan yihiin muwaadiniinta dalka sii joogay.

Marka la is bar-bar dhigo xulashada wasiirada ee Madaxweyne Rayaale iyo Marxuum Cigaal, waxa soo baxaya farqi xulasho oo dhexeeya labada hoggaamiye. Marxuum Cigaal, waxa uu door bidi jiray oo uu xilalka u dhiibi jiray rag badankoodu tababar macalinimo lahaa sida Caynab, Daahir Caamiye, Gees, Cabdiraxmaan-Cadami, Nuux, Axmed Yuusuf Ducaale iyo kuwo kale, ama mujaahidiinta dalka u soo halgamay sida Axmed Maxamed Siilaanyo, Dayib Guray, Muse Bixi, Mohamed Barud, Cabdillaahi-Darawal, Ina Cali Caateeye. Laakiin Madaxweyne Rayaale waxa uu xulashadiisa ku saleeyaa laba nooc oo kala ah dhallinyarada qurbaha ka soo hayaantay sida Aadan-Dhoolayare, Liibaan Ducaale Casayr, Maxamed Saleban Weyne, Faadumo Suudi, Axmed Xaaji Daahir, Cabdillaahi Cali Ibrahim iyo kuwo kale, amaba ragga u soo shaqeeyay dawladihii hore, gaar ahaan kuwii ku shaqada lahaa mukhaabaraadka sida Cali Maxamed-Warancade, Cabdillaahi-Cirro iyo xubno kale.

Bal eeg, liiska hoos ku taxan ee isugu jira wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo agaasimayaasha guud ee ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee haysta dhalashada wadamada shisheeye.

NO

Wasiirada

Wasaarada

Dalka

1

Abdi Hassan Buuni Xidhiidhka Golayaasha Holland

2

Hassan X. Mohamud Warsame Waxbarashada Holland

3

Fadumo Sudi Xasan Horumarinta Qoyska Canada

4

Ahmed X. Dahir Elmi Warfaafinta-Wacyigelinta Canada

5

Abdi Haybe Mohamed Caafimaadka-Shaqada  UK

6

Wasiiru-Dawle Ahmed Ali Shire Caafimaadka-Shaqada UK

7

Mohamud Sulieman Warshadaha UK

8

Dr. Idris Abdi Ibarhaim Xanaanada Xoolaha UK

9

Liban Dualle Casayr Isgaadhsiinta-Boosaha UK

10

Abdullahi Ali Ibrahim Gaashaandhiga Sweden

11

Ahmed Elmi Dhoolayare Beeraha Norway

12

Mohamed Yusuf Osman Dib u dejinta UK

13

Cabdillaahi Maxamed Ducaale Arrimaha dibadda US
       

NO

Wasiir Ku-Xigeenada Wasaarada Dalka

1

Ahmed Xaashi Qorshaynta UK

2

Mahdi Cisman Buuri Caafimaadka UK

3


A/Xakim Ali Shire
Dib-u-dejinta Denmark

4

Ahmed Cagadable Duulista Hawada Canada

 

     

NO

Agaasimayaasha Guud

Wasaarada

Dalka

1

Mohamed Haybe Madaxtooyada Holland

2

Keyse Ahmed Ismail (Gurey) Arrimaha Gudaha UK

3

Eng. Ahmed Sultan Macdanta & Biyaha Canada

4

Mohamed Ibrahim Sh. Ali Cadaalada Canada

5


Abdullah Omer Gullied
Horumarinta Reer Miyiga USA

6

Mohamud Oday Qorshaynta Qaranka  USA




Wasiirada, WK , & AG Passaborada Shisheeya haysta:



Xubnaha Golaha Wakiilada saddex dalool hal ayaa sita Passaborada shisheeya. Laakiin xubnahaas sifo dimoqradiya baa lagu soo doortay. Dadku way ogaayeen markay dooranayeen xubnahan laakiin kamay fiirsan waxyaalaha ku hoos xardhan. Marka la soo koobo mudane aan dalka mudo dheer joogin reerkiisuna Europe & America ku nool yihiin nolosha dalka way adagtahay siduu ula jaanqaadi lahaa ama u cabiri lahaa. Laakiin halkan waxaan ku soo bandhigayaa Wasiirada, WK & Agaasimayaasha Guud ee iyana Europe & America ka soo baqoolay.

 Waxay ku kala duwan yihiin labada kooxood qoladan Wasiirada ah madaxweynaha ayaa iskii u magacaabay. Siyaabo badan ayaa kalifay sababta uu Madaxweynuhu u magacaabay xubnahan. Laakiin waxaa macquul ah inay kaliftay isaga oo filayaa inay xubnahani ka dardar badan yihiin muwaadiniinta dalka sii joogay. Marka Rayale iyo Cigal la is barbar dhigo xaga xulashada wasiirada aad bay u kala duwan yihiin. Cigal wuxuu xulan jiray rag badanka tobabar macalinimo lahaa (Sida Caynab, Daahir Caamiye, Gees) ama dalka u soo halgamay (Deyib Guray, Muse Bixi, Mohamed Barud, Saeed Cali Giir, Quraab) shaqadoona ku fiicnaa, isagana ka danbayn jiray.

 

 



Source: Wargeyska Geeska Afrika