Raysal Wasaare Ku Xigeenka Imaaraadka Carabta Oo Hadhimo Shara feed Soo Dhaweyn Ah Ugu Sameeyay Qasriga Boqortooyada Dalkaas Madaxweynaha Somaliland.+Sawiro

 

 

Abu-dhabi  (TNN) :- Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda ee dawladda Imaaraadka Carab ta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta qasriga madaxtooy adda ee wadankaasi ee Magaaladda Abu-dhabi qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iy o weftigii uu Hoggaaminayo oo maa lmo ku sii hakaday wadanka UAE, iyagoo maalmaha soo socdana u kicitimi do ona Ireland.

Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, waxa uu madaxweynah a ugu soo dhaweeyay qasrigiisa si niyadsami leh oo uu siiyay baratakoolka u gu sarreeya ee ay ku muuneeyaan Madaxda dalkooda booqashadda ku tagta.


Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Iyo Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabt u waxay kulan ay yeesheen kaga wada hadleen sidii labada dawladood ay u sii adkayn lahaayeen iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan iyo dawladiisa uga mahad-celiyay mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ka go’an tahay inay dhidibadda u sii adkeeyaan cilaaqaadka labada dal.


Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay u socdaan Ireland, hase yeeshee maadaam a ay sii mareen Im aaraadka Carabta ay uga mahad-celinayaan sida dawladda Imaaraadku mar walba u soo dhawayso.Raysal wasa are ku xigeenka ahna Wasiirka madaxtooyadda Imaaraadka Carabta waxa uu she egay inay u han-weyn yihiin xi dhiidhka ay la leeyihiin Somaliland isla markaana uu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiis u ay maalmo ku sii nastaan dalkiisa
.
Kulankaas waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali.Waxa isla galabtaba Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii dib ugu noqde en magaaladda Dubai oo ay degan yihiin, iyadoo saraakiil ka socota dawlada Imaaraadku soo gelbiyeen.

Source: Somaliland Today