Reer Awdal oo ka xanaaqay waraysigii Cilmi Kabaal
 

 

Cilmi Kabaal,Taliyaha Booliska Somaliland


Wajaale (TNN)- Magaaladda Wajaale oo ah magaalo Ganacsi ayaa la sheegay inay shalay soo food saaray cabsi iyo kala shaki dadka deegaankaas wada dega uu ka dhex abuuray fal habeen hore la gu Dilay Wiil dhalinyar ah oo isaga oo Hurda Rasaas lagu furay.

Saamaynta ay arrintaasi yeelatay ayaa la sheegay in dadkii wada deganaa jiidaasi ay kala  shakiy aan oo qof walbaaba uu ka wer weray in isaga loogu Aari doono Dilkaasi ay beeshiisu fulisay  iyado o warar aan la hubin lagu buun buuniyay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Beesha uu ka soo jiido Wiilkaas dhintay.

Waxaanay wararku sheegeen in laga dareemay magalaadaasi iyo Deegaanka ku dhawba baqdin sa babtay inay dadku guryahooda hoosta ka galaan goor casar dheer ah, oo la waayay cid magaalad da dhex socota.

Sidoo kale waxa la xoojiyay Amaanka goobaha Huteeladda ah ee ay seexdaan dadka Ganacstada ah iyo dadka magaca leh ee ku sugnaa xalay magaalada Wajaale, iyadoo laga taxadirayay inay dad wax ma garato ahi fuliyaan dilal Aano ah.

Waxa kale oo xaafadaha magaaladda si weyn u gaaf wareegayay Ciiddamo badan oo heegan la  ga liyay, gaar ahaana waxa ay si weyn ula socdeen dhaqdhaqaaqa dhinaca xaafadaha Galbeedka xiga oo la sheegay inay kooxo isku urursnayeen

Si kastaba ha ahaatee waxa soo noqnoqday Dilal ay si joogto ah isku weydaarsanayeen labada  Be elood ee Dilku ka dhex dhacay ilaa hadana looma helin xal waara oo lagu kala dajiyo.

Dhinaca kalena dadweynaha Gobolka Awdal ayaa si weyn uga cadhooday hadal uu Cilmi Kabaal ku sheegay Waraysi uu shalay BBC’da siiyay kaasi oo wax lagaga weydiiyay sida uu ku dhacay Dilka k a dhacay Deegaanka Ceel berdaale , oo uu ku sheegay inuu ahaa mid ah Aano, taasoo loo daba jo ogay Inanka dhintay Reerkooda Dil hore oo ay geysteen.

Waxaa ugu Horayn la waydiiyey bal sida wax u dhaceen waxaanu ku jawaaba way jirtaa aaga Ce elr Bardaale Reer qoysa oo degan aye Habeen Saddexaad Sacaadu markii ay hayd labadii  habeen imo 15 mirtay baa la yidhi, Wiil Dhalinyaro ah oo 25 jir ahina wuu ku Dhintay ,Aabiina waa la  Dhaa wacay, Xaaladaana waxaan u diray saraakiil fara badan, Ciidanka Qarankuna halkaa way joogaan oo meel ku dhaw ayuu degenyahay, Wiilkii dhintayna waa la aasay,Odayaal badana way  tagee n,X aaladuna way iska degentahay in kasta oo dhinaca shishe ee galbeedka dhaqdhaqaaq layga soo sheegayo”ayuu yidhi Talyihi mar ay shalayto waraysatay BBC-du waxaanau isagoo ka jawaabay su,aal ahayd in dilkani Aano Hore dabada ku Hayo iyo in kale uu yidhi “aano ugu dambaysay oo Qolada Barriga ah ayey ayey si toosa ula xidhiidhaa ayey warbixintu sheegaysaa, hase yeeshee anigoon doonahayn inaan ka hor dhaco xaga Bariga Nin laga dilay ayey aanadu la xidhiidhaa ayaa la leeyahay”.

Sidoo kale Taliye Cilmi Rooble Furre oo la waydiiyey in ciidan meesha Joogay labada beelood ku kala dhex jiray, maadaama arintani dhawr jeer soo noqnotay ayaa yidh “Ciidanka Qaranka ayaa ugu  shi sheeya oo halkaa ugu dhaw, hase yeeshee ciidanku Reer walba lama degena,Aaguna waa Aag aad u balaadhan,waa aag buuralaya,waa aag inta kalena banana ay tahay Reeruhuna aad u  dege nyihiin, markaa dee ciidanku waa wadda dhex joogaa laakiin Reer walba lama Degena”.

Col: Kabaal oo la waydiiyey waxaay ay Dawladu talaabo uga qaadi wayday arintan soo Noq-noqo tay waxa uu ku jawaabay “taasi Qarankay Khusaysaa, horena waa loogu dhex jiray iminkana waxa weeyaan Qaranku fara kamuu qaadin, markaa xukuumadaa Faraha ku haysa Inshaalahu in la  dham eeyaanan Rajaynayaa”ayuu yidhi taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col:Cilmi Rooble Furre (Cil mi kabaal) oo shalay ka waramayey dilkii dhawaan lagu dilay wiil dhailn yaro ah laguna dhaawacay Aabbihii Deegaanka Ceel-bardaale

Arrintan ayaa dadweyne badan oo Telefoonka nagula soo xidhiidhay noo sheegeen inay ahayd mid ceeb ku ah Xukuumadda Somaliland inuu Masuulkeedii ugu sareeyay ee dhinaca Amaanka  Qaabilsa naa erayo noocaas oo kale ah ku hadlo, halkii uu xaalada ka dejin lahaa, waxaanay dadkaasi sheeg een hadalkaas in laga daba tago


Source:Waaheen